Dagaal saaka mar kale ka qarxay Magaalada Gaalkacyo
Goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid xooggan, islamarkaana la isku adeegsanayo hub culus oo dhinacyada dagaalamaya rasaas culus isku adegsanayaan.
Inkastoo ciidamada dagaalamaya markii horeba ay isku hor fadhiyeen Magaalada Gaalkacyo, ayaanan la ogeyn saaka cida biloowday dagaalkaan xoogan ee ka dhacaya Magaalada Gaalkacyo.
Dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Gaalkacyo, ayaa ka cabsi qaba inay saameyn ku yeelato dagaalada ka socda Magaalada Gaalkacyo.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana uu ka soconayaa dhanka galbeed ee magaalada oo muddooyinkii dambe ciidamada dagaalamaya ay isku horfadhiyeen.
Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa sidan oo kale uga dhacaayey dagaallo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana ay geysteen dagaalladan khasaare kala duwan.
Dagaal saaka mar kale ka qarxay Magaalada Gaalkacyo
Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saakay uu dib uga biloowday dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.