Guddiga Doorashada oo faah-faahin ka bixiyay Maamul Goboledyada soo gudbiyay Ergooyinka Doorashada

0
Monday October 24, 2016 - 10:06:59 in Wararka by
  • Visits: 458
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashada oo faah-faahin ka bixiyay Maamul Goboledyada soo gudbiyay Ergooyinka Doorashada

    Guddiga Doorashada Heer Federal ayaa faah-faahin ka bixiyay Maamulada soo gudbiyay ilaa hada Ergooyinka soo dooran Doona Xubnaha Baarlamaanka ee lagu soo dooran doono Maamul Goboledyada dalka ka jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Doorashada Heer Federal ayaa faah-faahin ka bixiyay Maamulada soo gudbiyay ilaa hada Ergooyinka soo dooran Doona Xubnaha Baarlamaanka ee lagu soo dooran doono Maamul Goboledyada dalka ka jira.

  Guddoomiyaha Guddiga hirgalinta Doorashooyinka dadban Avv. Cumar Maxamed Maxamed Cabdulle (Dhagey) ayaa sheegay in ay meel wanaagsan mareyso doorashooyinka aqalka hoose

Waxa uu sheegay Maamulka Jubbaland inuu yahay Maamulka ugu horeeya ee soo gudbiyay Ergooyinka Doorashada Aqalka hoose oo soo dooran doona 43 Kursi oo Aqalka hoose ah.

"Illaa iyo hadda ergooyinka la xareeyay, waxaa ugu horeeya Maamul-goboleedka Jubbaland oo soo dhameystirtay dhammaan 43 kursi ergooyinka, waxaa kaloo soo diyaariyay Maamul-goboleedka Koofur galbeed oo 57 kursi ergooyinkooda, waxaa soo sedexaaye oo 37 kursi laga rabay, soo diyaariyay 31 kursi, Galmudug ,20 kursi ergadooda ayaa diyaar ah, waxaa kaloo diyaar ah 20 kursi oo dhanka Puntland, waxaana rajeyneynaa in la soo dhameystiri doono guud ahaan inta dhiman.” ayuu yiri Cumar Dhageey.

Abukaate Cumar Dhagey, ayaa sidoo kale rajo ka muujiyay Doorashada in waqtigeeda ay ku dhacdo, inkastoo ay jiraan Dib u dhacyo yar.

"Rajada aad bay u muuqataa, marka aad ka qiyaas qaadan karto doorashadii aqalka sare, waqtigii loogu talo galay qaar way ku dhacday, waqti ku dhawna kuwa kale ayaa la qabtay, hadda waxaa diyaar ah goobihii codbixinta, howlwadeenadii shaqada qaban lahaa waa diyaar, mar haddii ay howsha socoto, waxaan qabnaa in ay ku dhamaan doonto waqtigii loogu talagalay, ama mid aan ka fogeyn”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga.

Doorashada Xildhibaanada Aqalka hoose, kadib waxaa la filayaa in la guda galo Doorashada Madaxweynaha Somaliya oo dhici doonta 30-ka Bisha soo socota.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip