Xisbiga talada haya ee Turkiga oo guulo ka soo hoyay doorashadii Baarlamaanka (Sawirro)

0
Monday November 02, 2015 - 09:12:13 in Wararka by
  • Visits: 637
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga talada haya ee Turkiga oo guulo ka soo hoyay doorashadii Baarlamaanka (Sawirro)

    Xisbiga AKP ee haya talada Turkiga ayaa guul weyn ka soo hoyay doorashadii Baarlamaanka dalkaas, kadib markii uu helay inta badan kuraastii Baarlamaanka. Guusha Xisbiga AKP ee uu hogaamiyo Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa mar kale u horseedeys

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga AKP ee haya talada Turkiga ayaa guul weyn ka soo hoyay doorashadii Baarlamaanka dalkaas, kadib markii uu helay inta badan kuraastii Baarlamaanka. Guusha Xisbiga AKP ee uu hogaamiyo Madaxweyne Recep Tayyib Erdogan ayaa mar kale u horseedeysa inuu mar kale soo dhiso Xukuumad keligiis ah, waxaana taageerayaasha Xisbiga ay dabaal degyo waa weyn xalay ka bilaabeen magaalooyinka Turkiga.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa taageerayaasha Xisbiga AKP kula hadlay xarunta Xisbiga, isagoo ugu hambalyeeyay guusha ay soo hoyeen, taasoo ku fadhisa macno aad u weyn.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa qoraal uu soo dhigay baraha Internetka ayaa ku tilmaamay guusha uu Xisbigiisa helay cod loo qaaday xasiloonida iyo farriin loo diray maleeshiyaadka kurdishka ah, taasoo ah in rabshaduhu aysan marnaba la jaan qaadi karin dimuqraadiyadda.

Xisbiga AKP ayaa ku guulaystay 49% kuraastii baalmakaanka, kuwaasoo gaaraya illaa 316 kursi oo ka mida 550-ka kursi ee golaha baarlamaanka dalkaasi uu ka kooban yahay, taasoo aad uga sareysa guushii la saadaalinayey markii hore.

Sidoo kale Xisbiga kale ee ugu weyn Mucaaradka CHP ayaa isna helay 25.4%, waxayna tani meesha ka saartay cabsidii laga qabay in Xisbigan uu kuraas badan uu helo

Bishii June ee sanadkan ayay aheyd markii doorashadii Baarlamaanka Turkiga mid xisbiga talada haya iyo kuwa mucaaradka ay isku natiijo noqdeen, taasoo loo baahday doorasho ku celis aheyd.

AK Party (1) AK Party (2) AK Party (3) AK Party (4) AK Party (5)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip