Guddiga Doorashooyinka oo Hor istaagey Bulshada Rayidka.

0
Saturday October 22, 2016 - 16:58:14 in Maqaallo by
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Doorashooyinka oo Hor istaagey Bulshada Rayidka.

    Waxaa loo madlan yahay iney Soomaaliya ka dhacaan Doorashooyin ka duwan kuwii dalka ka dhacay sanadkii 2012-kii, Aqalka Sare waxaa dooranaya Baarlamanka Maamul Goboleedka, Aqalka hoosena mid walba waxaa dooranaya 51 Qof halka ay Madaxwaynaha dooranay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa loo madlan yahay iney Soomaaliya ka dhacaan Doorashooyin ka duwan kuwii dalka ka dhacay sanadkii 2012-kii, Aqalka Sare waxaa dooranaya Baarlamanka Maamul Goboleedka, Aqalka hoosena mid walba waxaa dooranaya 51 Qof halka ay Madaxwaynaha dooranayaan labada Aqal oo ka kooban 329 Mudane. waxaa iminka ina dhaafay oo soo idlaaday Doorshooyinka Aqalka sare, waxaana la filayaa iney dhowaan dhacaan oo isha lagu wada hayaa Doorashada Aqalka Hoose iyo tan Madaxwaynaha. Waxaan ognahay in la laalay dib u eegistii lagu hayey Darstuurka qabyada qoraalka, waxaan la soconaa in aaney jirin Maxkamad loo dacwoodo hadii la is qabto, waxaa xaqiiqa ah in dhammaan Hay’adaha Dowlada ee Sedaxda ah uu waqtigii ka dhammaaday. Iyadoo maanka lagu hayo iney jiraan waxyaabahaas aan kor ku soo sheegay ayaa su’aasha iswaydiinta mudani waxay tahay Doorashooyin noocee ah ayaan filaynaa iney ka dhacdaan Soomaaliya?.

Doorasho noocee ah ayaa la filayaa?

Waxaa marag ma doonto ah inay jiraan dulduleelo badan iyo wax badan oo qaldan sida darteed waxa kaliya ee la filayaa waa in wax la isu soo jiid-jiido oo xeer jabab wax walba lagu dhameeyo iydoo laga hadlayo masiirka Ummadda Soomaliyeed, markaan sidaa leeyahay waxaa laga wada dheregsan yahay in Hogaankii Dalka ay la wareegeen Sideed Nin oo la baxay Hogaamiyaasha Madasha Qaranka (National Leader Forum) NLF, kuwaas oo kala ah Sedaxda Masuul ee ugu saraysa Dowlada Federaalka Soomaaliya sida Madaxwaynaha, Afhayeenka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehliyaan Madaxda Shanta Maamul Goboleed oo Magac ahaan u Hoostaga Dowlada Federaalka.

Waxay Magacaabeen Gudi Doorasho oo magac u yaal ah yacni aan lahayn awood muuqata oo wax ku ool ah iyaga ayaana taas cadeeyey oo yiri "Arimaha siyaasadeed hadii laga heshiiyo wax walba waan dhamayn lahayn, laakiin waxaan khadyaan ka taganahay arimaha siyaasadeed oo la isku hayo” laakiin waxaa Gadaal ka taagan Hogaamiyaashii soo magacaabay oo Maalinba Xaraf u meerinaya, waxaana soo baxaya nooc doorasho oo ay raali ka yihiin

Isku day lagu Hungoobey



20168263605707147660529628078930604_96fac004f0_b

Si loo ambaqaadayo iney wax walba kala cadaadaan oo ay Doorashada soo socotaahi u noqoto mid lagu kalsoon yahay oo ay qadariyaan Beesha caalamka iyo Bulshada Rayidka Soomaliyeed ayaa Gudiga doorashadu waxay ka dalbadeen Ururada bulshada rayidka ee fadhigoodu yahay Muqdisho iyo Garoowe in ay u tababaraan 64 qof kuwaas oo Korjoogto ka noqnaya Doorashada dadban ee la filayo iney ka dhacdo Lix Goobood oo kala duwan. Kuwaas oo lagu dooranayo Baarlamaanka Hoose iyo Madaxwaynaha.

Ururadii Bulshada waxay guteen Waajibkoodii oo waxay Tababareen 64 Muwaadiniin Soomaali ah, si ay doorashada Korjoogto uga noqdaan oo ay u metelaan Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxaana Heshiisku ahaa iney la wareegaan gudiga doorashada Dadban maalmo ka hor inta aney dhicin Doorashada..

dhammaan shaqaalihii 64-ta ahaa waxay saxiixeen Qandaraas shaqo waxaana laga qaaday wax alaale iyo wixii Dukumentiyo ah ee shaqadooda la xiriirtey, waxay sugayeen Warqaddii cadaynta (Teesaro) iyo iney shaqo galaan oo kaliya, Hadaba maxaa dhacay? Waxaa dhacday in Gudiiga Doorashooyinka Dadban ee uu Madaxda u yahay Avv. Cumar dhagey ay diideen in dadkaas oo wakiil ka ah Bulshadda rayidka in ay Korjoogto ka noqdaan Doorashooyinka 20 Oct. ka dib markii dusha sare Awaamiir looga keenay, (Villa Somalia) waxaana taas ka sii horaysey iney markii horeba diideen Gudiga Cumar Dhegey in korjoogtadu isticmaasho Mobile-ka uu ku jiro Barnaamijka ODK kaasoo ah mid casri ah, waxay kaloo diideen in la qaado wax masawir ah inta lagu jiro doorashada iyo ka horba kaasoo marqaati u noqon lahaa qofka Korjoogtada ah (Evidence) .

"Ma garan karo sababta loo Gacan Bidixeeyey dadka korjoogtada ah oo aan ka mid ahaa hase yeeshee waxay taasi daliil u tahay in la doonayo in wax badan la is daba mariyo” sidaa waxaa yiri mid ka mid ah shaqsiyaadkii tababarka qaatay oo aad u niyad jabsanaa, waxa uuna intaa ku daray. "Waxaan u sheegayaa Beesha Caalamka gaar ahaan Qaramada Midoobey, Midowga Yurub oo ah cidda Maalgelinaysa mashruuca kor-joogtada iyo Cid kasta oo ku lug leh Doorashada in la iska riixey Bulshada rayidka loona diidey in ay Korjoogto ka noqdaan Doorashadda”.

W/Q. Cabdinaasir Xersi Iidle.

Email. Naasirx1@gmail.com

Tel. 00252615503978



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip