Taliye Koofi: "Waxaa jira sharciyo kala xadidaya kan qaranjooga ah iyo midka qurbajoogta ah"
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho waxaa lagu eedeeyay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku qabaan xilliyada ay ka soo degayaan iyo marka ay dhoofayaan. Taliyaha laanta socdaalka Dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi oo
la hadlayay warbaahinta ayaa jawaab degdeg ah ka bixiyay eedeymaha
hoggaanka socdaalka, isagoona sheegay inay jiraan sharciyo kala xadidaya
dadka qaranjoogga ah iyo kuwa qurbajoogta ah.
Dhinaca kale garoonka diyaaradaha caalamiga ah ayaa ammaankiisa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii diyaaradda Daallo lagu fuliyay qarax uu ku geeriyooday nin isticmaalayay Computer isla markaana dhaawacay qaar ka mid rakaabkii saarnaa iyo diyaaradda qudheeda.
"Waxaa jira sharciyo kala kan qaranjoogga ah iyo midka qurbajoogta ah, qofka sita Baasaboor ajnabi ah iyo kan heysta Baasaboorka Soomaaliga, mana jirto dhibaatooyin ay la kulmaan” ayuu yiri Taliye Koofi oo beeniyay eedeymaha ay u jeediyeen Soomaalida qurbajoogta.
Taliyaha hoggaanka socdaalka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya xil
ka saaran yahay ammaanka dhoofayaasha iyo sidii ay u xaqiijin lahayd
arrintaasi isla markaana ay tahay waajib muqadas ah in la baaro dadka
dhoofaya iyo kuwa soo degaya.
Dhinaca kale garoonka diyaaradaha caalamiga ah ayaa ammaankiisa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii diyaaradda Daallo lagu fuliyay qarax uu ku geeriyooday nin isticmaalayay Computer isla markaana dhaawacay qaar ka mid rakaabkii saarnaa iyo diyaaradda qudheeda.
Taliye Koofi: "Waxaa jira sharciyo kala xadidaya kan qaranjooga ah iyo midka qurbajoogta ah"
Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde magaalada Muqdisho waxaa lagu eedeeyay in qurbajoogta Soomaaliyeed ay dhibaatooyin ku qabaan xilliyada ay ka soo degayaan iyo marka ay dhoofayaan.