Tiradii ugu badneyd oo ku geeriyootay tareen ku qalibmay dalka Cameroon + Sawirro

0
Saturday October 22, 2016 - 16:15:09 in Wararka by
  • Visits: 441
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tiradii ugu badneyd oo ku geeriyootay tareen ku qalibmay dalka Cameroon + Sawirro

    Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay tareen ku qalibmay magaalada Yaunde ee caasimada dalka Cameroon, iyadoo dadka ku geeriyoodeen ku dhowaad 100-ruux kaddib markii uu tareenka ka baxay xadiidkii uu marayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay tareen ku qalibmay magaalada Yaunde ee caasimada dalka Cameroon, iyadoo dadka ku geeriyoodeen ku dhowaad 100-ruux kaddib markii uu tareenka ka baxay xadiidkii uu marayay.

Wadada uu shilka ka dhacay degmada Eseka oo 120-Km dhinaca galbeed ka xigta caasimada dalka Cameroon ayaa waxaa ku sii qulqulaya shaqaalaha gurmadka iyo dadweyne fara badan kuwaasi oo gurmad u fidinaya dadka waxyeelada ka soo gaartay tareenka qalibmay.

Tirada dadka ku dhaawacmay ayaa iyana sidoo kale sii kordheysa, iyadoo ilaa iyo iminka inta la xaqiijiyay ay gaarayaan ku dhowaad 600-qof, kuwaasi oo qaarkood xaaladoodu aad u liidato.

Qaar ka mid rakaabkii saarnaa tareenka ayaa ku hoos jira burburka tareenka, iyadoo weli si rasmi ah loo shaacin guud ahaan qasaaraha ka dhashay tareenkaasi.

580a77dfc361882c5f8b45af 1024x576_347409 1620 cameroon-master768






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip