Wasiir labaad oo muddo 24-saac gudahood iska casilay Maamulka Galmudug

0
Saturday October 22, 2016 - 16:01:50 in Wararka by
  • Visits: 450
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir labaad oo muddo 24-saac gudahood iska casilay Maamulka Galmudug

    Maamulka Galmudug oo u muuqda inuu fashilmay xilligaan ayaa waxaa xilkii iska casilay, Wasiir labaad oo ka tirsan maamulkaasi, kadib markii saaka uu ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Wasaarada Bay'adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Gobal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Galmudug oo u muuqda inuu fashilmay xilligaan ayaa waxaa xilkii iska casilay, Wasiir labaad oo ka tirsan maamulkaasi, kadib markii saaka uu ku dhawaaqay Wasiir ku xigeenkii Wasaarada Wasaarada Bay'adda Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Gobaledka Galmudug. Magaalada Cadaado, waxaa Maanta Shir jaraa’id ku qabtay Wasiiru Dowlihii Wasaarada Qorsheynta Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Cismaan oo ku magac Dheer (Sayruuq).

Sababta uu isku casilay, Wasiirkaan ayaa wuxuu ku sheegay inay tahay in Maamulka Galmudug uu noqday mid gabi ahaantiisa gacanta ugu jira shaqsiyaad.

Waxa uu sheegay inaysan jirin shaqo wanaagsan oo ka socota Deeganada Maamulka Galmudug, islamarkaana taasi ay ku kaliftay inuu xilkii uu ka haayay Maamulka Galmudug uu ka tago.

"Awoodda dowladda shaqsiyaad ayay gacanta ugu jirtaa sidaa daraadeed ma siin shaqeyn karo maanta ayaana iscasilaaddayda gudbiyay maxaa yeelay dhowr jeer baa dulqaadanayay oo islahaa wax baa isbedali doona hase yeeshee ma aynaan dhicin” ayuu yiri wasiiru dowlaha maanta Cadaado iska casilay.

C/kariin Xuseen Guuleed oo Madaxweyne ka ah Maamulka Galmudug ayaa awooda Maamulka wuxuu noqday mid kaligiis ku eeg, isaga oo shirarka iyo Kulamada Dibada ah isku koobay, sidoo kalena Hay’adaha Dhaqaalaha ee Beesha caalamka kaligiis shirar la qaata.

Xubnaha xilalka ka haaya Maamulka Galmudug ayaa muujinaya niyad jab weyn oo ku aadan hab dhaqanka awood isku koobida C/kariin Xuseen Guuleed.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip