Ugaas Xasan "Waxaa idin cadeynayaa inaan Jowhar marnaba tagi doonin, Hirshabeelle aan wax shaqo ku laheyn"

0
Saturday October 22, 2016 - 15:59:28 in Wararka by
  • Visits: 433
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ugaas Xasan "Waxaa idin cadeynayaa inaan Jowhar marnaba tagi doonin, Hirshabeelle aan wax shaqo ku laheyn"

    Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa si cad u diiday inuu tago magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka cusub ee Hirshabeelle, isagoo tilmaamay in aanu aqoonsaneyn maamulka lagu dhisay Jowhar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa si cad u diiday inuu tago magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka cusub ee Hirshabeelle, isagoo tilmaamay in aanu aqoonsaneyn maamulka lagu dhisay Jowhar.
  Shir jaraa’id oo uu goor dhow ku qabtay Hoyga uu ka degan yahay magaalada Beledweyn Uayuu kaga hadlay kulankii uu shalay la qaatay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble, isagoo caddeeyay in aanay ka wada hadlin arrimo siyaasad.

"Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan Jowhar marnaba tagi doonin, mana tagayo, waxyaabaha aan shalay ka wada hadalnay Cali C/llaahi, kama wada hadlin Hiiraan iyo Shabeelle ee war qabiil ayaa ka wada hadalnay, siyaasad kama hadlin, cid kasta oo Soomaali ha ogaato, aniga Hirshabeelle kuma jiro, wax shaqo ahn kuma lihi”ayuu yiri Ugaas Xasan oo ah nin aad u mayal adag.

Ugaas Xasan ayaa beeniyay warar saacadihii la soo dhaafay suuqa la soo geliyay oo sheegaya in Diyaarad Helicopter lagaga qaaday Beledweyn, isagoo ku tilmaamay hadal been abuur ah oo umadda lagu marin habaabinayo.

"Maanta anigoo Beledweyn dhex taagan in la yiraahdo Xasan Ugaas diyaarad Helicopter ayuu saaran yahay, diyaaradaas raacayaa Jowhar ayuu u socdaa, beenta intaas la ge dadka abuuraya ee raba inay umadda marin habaabiyaan haka fiirsadaan.

Ugaaska oo hadalkiisa ka muuqatay caro ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan dhibaato aan caadi aheyn laga wado, isagoo xusay in cida wada ku tilmaamay in la yaqaan sida uu yiri.

"Dhibaatada Hiiraan laga wado waxaa nala gaarsiiyay in nala caburiyo oo xuduuqdeena lagu tunto, labo maalin isku si ma aha, anaga waxaa u doodeyno ama aan u qeylineyno waa xuquuq, wax dhibaato oo wadna ma jirto, beesha Caalamka UN, Mareykanka iyo Ingiriiska waxaa u sheegeyna waxa anagu dooneyno waa xuquuq, wax aan dhaafsiisan oo aan wadno ma jiraan, waxaa nala gaarsiiyay in naloo diido inaan ku xulano gobolkeena xuquuqda aan laheyn iyo Xildhibaanada aan laheyn”ayuu yiri Ugaas Xasan oo ku adkeysanaya in Gobolka Hiiraan oo ka mid ahaa 8-dii Gobol uu wax la qeybsado sida Gobolada kale u qeybsadeen xubnaha Aqalka sare sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Ugaaska ayaa ku baaqay in la ilaaliyo Nabadgelyada magaalada Beledweyn, isagoo ugu baaqay shacabka inay Nabadgelyada adkeeyaan, si aan fowdo iyo qalalaaso looga dhex abuurin sida uu hadalka u dhigay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip