WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA AOO AH ISNIIN 2DA NOVEMBAR 2015KA

0
Monday November 02, 2015 - 08:55:43 in Wararka by
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MANTA AOO AH ISNIIN 2DA NOVEMBAR 2015KA

    FAAHFAAHIN: WEERARKII HOTEEL SAXAFI IYO DF SOMALIA OO KA HADASHAY WEERARKA .. Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Hoteel Saxafi ee Muqdisho ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay ay tiradoodu gaarayso ugu yaraan 15qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAAHFAAHIN: WEERARKII HOTEEL SAXAFI IYO DF SOMALIA OO KA HADASHAY WEERARKA .. Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Hoteel Saxafi ee Muqdisho ayaa sheegaya in khasaarihii ka dhashay ay tiradoodu gaarayso ugu yaraan 15qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana ka hadlay weerarkaan wasiirka warfaafinta Soomaaliya. Dadka ku dhintay weerarkaan waxaa ku jira mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan, kuwaas oo uu ku jiro xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka tirsan baarlamaanka FS, abaanduulihii hore ee ciidamada xoogga Soomaaliya, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan [Dhegobadan], milkiilihii Hotel Saxafi, C/rashiid Shire Ilqabte, Mustaf Cabdi oo ahaa wariye la shaqeynayay telefishinka Aljazeera.

"Alshabaab waxay shalay subaxy salaaddii subax kaddib weerareen hotwel Saxafi, runtii waxaan idiin xaqiijin karaa inay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia, xubno ganacsato iyo dad kale oo rayid ah ay ku dhinteen halkaas. Waxaa sidoo kale ay ciidamada ammaanku dileen xubnihii Alshabaab ee weerarka soo qaaday,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo warbaahinta la hadlay.

Wasiirka oo la weydiiyay xubnaha dowladda ee weerarkaas ku dhintay, ayaan bixin wax jawaab ah, balse wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay ka dhawaan ka hadlin doonaan tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarka Hotel Saxafi.

Ilo wareedyo ka tirsan booliiska Somalia ayaa sheegay in weerarka lagu dilay 15ruux oo isugu jira shacab iyo mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, ayna ciidamada dowladda Somalia ku guuleysteen inay soo afjaraan weerarka.

Sidoo kale, Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa la dhigay dhaawacyo badan oo ka dhashay weerarkii Hoetelka Saxafi, waxaana dhaawacyada ka mid ahaa, taliye ka tirsanaa ciidamada dowladda oo lagu magacaabo, Jen. Gacmaduulle iyo wariye Reuters ka tirsan oo lagu magacaabo, Faysal Cumar.

Dhanka kale, inkastoo wakaaladaha caalamiga ah qaarkood ay baahiyeen in xubnihii ay ka soo gaareen dhaawacyada weerarkan uu ku jiray danjirihii Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya, Axmed C/salaam Xaaji Aadan, ayaa haddana waxaa warkan beenisay xaaskiisa, waxayna u sheegtay Hiiraan.com, in danjiruhu uu ku sugan yahay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Howlwadeenada isbitaalka Madiina ayaa iyaguna sheegay in dhaawacyo fara badan lasoo gaarsiiyay shalay subax, ayna qaarkood yihiin kuwo culus, kuwaaso ay tiradooda ku sheegeen in ay ku dhowdahay 30ruux. Weerarkaan oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Alshabaab ayaa waxaa burbur aad u culus uu kasoo gaaray dhismaha hoteelka Saxafi oo ku yaalla isgoyska lambar afar ee bartamaha magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Somalia ayaa waxay ku guuleysteen inay badbaadiyeen xubno uu ka mid ahaa; Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, xildhibaanno ka tirsan dowaldda Soomaaliya iyo sidoo kale wasiirro hore oo hoteelka deggenaa.

Ugu dambeyn, weerarkaan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay diyaaraddi kusoo dhacday gobolka Shabeellada Hoose la sheegay in shaqaalihii la socday ay si toos ah gacanta ku dhigtay Alshabaab, inkastoo aysan weli kooxdu ka hadlin arrintan.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Somalia ayaa sheegtay in xoogaggii Alshabaab ee Hotel Saxafi weeraray ay tiradooda ku sheegtay illaa lix qof, kuwaasoo qaarkood gudaha u galay hoteelka muddo saacado ahna ka dagaalamayay, laakiinse ay dowladdu sheegtay in la dilay dhammaantood.

MADAXWEYNAHA: ‘’WAAN CAMBAAREYNEYNAA WEERARKAN. MARNABA KAMA DAALI DOONO DAGAALKA, ILAMAA AAN GEBI AHAANBA KA BAABI’INO AL SHABAAB’’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii subaxnimada shalay lagu qaadey Hotel Saxafi, waxaana uu tacsi u diray qaranka, qoysaska iyo ehaladii ay ka geeriyoodeen shacabka aan waxba galabsan ee Al Shabab ay laayeen.

"Subaxnimadii shalay Hotel Saxafi waxaa weerar ku qaadey Al Shabaab. Sida muuqata Al Shabaab waxaa si weyn u saaran culeys, iyagoo laga saarayo goobihii ay ku dhuumaleysanayeen, taasina waxay ka dhalatey hawlgalka milatari ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay sida wadajirka ah u gaarayaan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa darted Al Shabaab waa naf la caari doonaya inay dhibaatooyin ka abuuraan magaalooyinkeena,” ayuu yiri Madaxweynaha.

"Waxaan idin xaqiijinayaa in falalkan aysan ka dhigneyn Al Shabaab oo dib madaxa ula soo kaceysa. Balse cagsigeeda, waxaa falkani uu tilmaamaya sida xaalad quus ah oo soo wajahdey Al Shabaab, taas oo maalinba maalinta ka sii dambeysa sii kordheysa.Waxa xaqiiq ah in kala qeybsanaan weyn uu dhexdooda ku jiro. Ma ahan kuwo war u haya waxa ay u taagan yihiin iyo cidda ay hoos yimaadaan toona, iyagoo maciin biday inay dilaan Muslimiin aan waxba galabsan, doonayana inay ku soo baxaan bogagga hore ee wararka caalamka.” Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidammada qaranka ay hawl weyn qabteen, xaaladdana ay si buuxda ula wareegeen.

"Ciidammadeena amniga ayaa xaaladda si buuxda gacanta ugu haya. Waxaa xigi doona oo la sameyn doonaa baaritaan qota dheer oo lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen, iyo sida loo sii horumarin karo sida ciidammada amniga ay uga jawaab celiyaan falalka noocaan oo kale ah.”

Madaxweyna Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumiinta geeriyooday u duceeyay.

"Waxan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannada fardowsa ka waraabiyo inta dhimatey ee Al Shabaab ay laayeen. Sida ugu wanaagsan ee dadkan naga baxay aan ku xusi karnaa waxaa weeyaan inaan dib u cusbooneysiino, isla markaana aan kordhino dadaalka aan ugu jirno inaan ka hortagno kooxaha xagjirka in aanay si khaldan ugu baahin diinta Islaamka, iyagoo ujeedkooda uu yahay inay dadka marin habaabiyaan, burbur iyo xasuuqna u geystaan shacabka. Qaabka aan arrintan uu wajahayno ayaa ah inaan si buuxda uga hortagno fikradaha khaldan ee la beddelay, isla markaana aan dib uga xorreyno meelaha ay ku harsan yihiin ee dalka Soomaaliya’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa ugu dambeyntii Madaxweynaha uu sheegay in amniga uu weli yahay muhimadda koowaad ee dalka.

"Muhimada koowaad ee dowladdeyda waa sarre u qaadista kartida iyo awoodda adeegga amniga ee Soomaaliya, si aan meesha uga saarno kooxaha xagjirka, aan u ilaalino danaheenna qaran, nabad iyo xasiloonina aan u horseedno Soomaaliya, inagoo dhowreyna qaranimadeenna.”

NICHOLAS KAY: "WEERARKA HOTELKA SAXAFI WUXUU MUUJINAYAA BAAHIDA DOWLADDU U QABTO IN LAGA CAAWIYO DHANKA AMNIGA”

Dhinacyada beesha caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin weerarkii dagaalyahano katirsan Alshabab ay la bartilmaameedsadeen hotelka Saxafi halkaa oo ay kusugnaayeen masuuliyiin dowlada katirsan.

Nicklose kay uqaabilsanaha arimaha Soomaaliya ee Qaramada Midoobe ayaa cambaareeyay weerakaasi Saxafi Hotel isagoo ku tilmaamay mid laga xumaado.

Wuxuu tilmaamay Nicklose kay in weerarkani uu muujinayo sida dowlada Soomaaliya ay ugu baahantahay in laga caawiyo dhinacyada laamaha amniga.

"Waxay tani muujinaysaa baahida saaidka ah ee ay dowladu u qabto in laga cawiyo dhanka laamaha aminga, si ay dowladu u xoojiso dagaalka Argagixisada, waxaan tacsi udirayaa dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarka Hotelka Saxafi” ayuu yiri Nicklose Kay.

Dhanka kale dowlada Britain ayaa cambaareysay weerakani kadhacay Hotel Saxafi.

Haweenayda Britain uqaabilsan Soomaaliya Harriet Mathews ayaa tiri "Waa murug inaan maqlo weerarka Hotel Saxafi waxaan la murugoonayaa dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay.”

Waxay qeexday in tani ay muujinayso sida uu muhiimga uyahay dagaalka Alshabab.

ALSHABAAB OO KA HADASHAY WEERARKII HOTEL SAXAFI EE MUQDISHO

Xoogaga Alshabaab ee dagaalka kula jirta Dowlada Federalka Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Diplomaasiyiinta Shisheeye ee Caawiya Soomaaliya ayaa sheegtay inay mas’uul ka tahay weerar shalay subaxy lagu qaaday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay inta badan dagaan xubnaha ku jira Dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka dhinaca Howlgalada u qaabilsan Alshabaab Sheekh C/casiis AbuuMuscab, oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab, ayaa waxa uu sheegay in xoogagooda ay qabsadeen Hotel Saxafi, isla markaana ay weerarkooda guulo ka gaareen, inkastoo uusan sheegin khasaaraha ay geysteen iyo midka loo geystay.

"Alle mahaddii waxaa ah in xoogaggeenna ay qabsadeen dhismaha hotel Saxafi oo dhan, kaasoo ay deggenaayeen xubno ka tisran dowladda Soomaalia iyo xubno ka tirsan dalalka soo duulay” ayuu yiri afhayeenka dhinaca Howlgalada ee Xoogaga Alshabaab Sheekh C/casiis AbuuMuscab.

Sidoo kale, Sheekh AbuMucab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay hadda howlgallo gaar ah kawadaan gudaha Hoteel Saxafi, inkatsoo uusan sheegin howlgaladan nooca ay yihiin iyo sida loo fulinayo.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan, waxa uuna weerarkaan ka mid noqonaya weerarro dhowr ah oo sannadkan oo keliya lagu qaaday hoteello dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hotel Saxafi ayaa ku dhow xarunta dambibaarista ee CID, iyadoo la xiray waddada marta halkaasi, ciidammo badanna ay dhooban yihiin agagaarka hotel Saxafi.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group ayaa dhankooda sheegay in ay soo afjareen weerarkii Hotel saxafi. xigasho: radio wheel. Xigasho:

somaliwe yn.com

HAY’ADA CRD OO BALADWEYNE KUSOO GUNAANADAY TABABAR LA XIRIIRA XALINTA KHILAAFAADKA

Hay'adda CRD ayaa magaalada Beledweyne ugu soo xirtay daraad dad laga soo xulay qaybaha bulshada tababar socday muddo lix maalmood ah oo lagu baranayay xallinta khilaafaadka soo kala dhaxgallaybulshada.

Xiritaanka tababarka waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayay guddoomiyaha maamulka gobolka C/fataax Xasan Afrax.

Madaxa CRD, Xassan Cismaan Xuuriye ayaa sheegay in marka guud ahaan adduunka la eego ay jiraan khilaafaad soo kala dhaxgala bulshada, hasse ahaatee loo baahaan yahay in ay jirto farsamo iyo aqoon lagu xalin karo khilaafaadkaas, waana tan keentay ayuu yiri in tababarkan la qabto.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Afrax oo ka hadllay munaasabada xaritaanka, ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in tababarka noocan oo kale ah loo qabto dad laga soo xulay qeybaha bulshada, isaga oo ku dheeraaday ahmiyada tababarkan oo kale uu leeyahay, madaama Soomaalida muddo ka badan 25 sanno ku soo dhax jireen colaado iyo khilaafaad ragaadiyay nolashii caadiga aheyd, waxaana uu intaa ku darray in loo baahan yahay in sare loo qaado wacyiga bulshada ee la xiriira arrintan.

Tababarka oo ay fulisay hay'adda CRD ayaa waxaa soo qabanqaabisay dowladda Somalia, halka ay maalgalisay hay'adda UNHAPITAT,

CIIDAMADA ITOOBIYA OO XABSIGA U TAXAABAY KOOX LOOGA SHAKI QABO INAY XIRIIR LA LEEYIHIIN AL-SHABAAB.

Masuuliyiinta dowlada Itoobiya ayaa xiray koox looga shaki qabo inay xiriir la leeyihiin AlShabaab oo doonaye inay gudaha wadanka Itoobiya inay uga dhawaaqaan koox xiriir laleh ururka DACISH ee wadamada Ciraaq iyo Syria.

"Ciidamadeena Amaanka waxay awood u yeesheen inay xiraan 20 gaaraysa oo ALShabab xiriir laleh , iskuna dayaye inay Khilaafo Islaami ah kaga dhawaaqaan dhulka Itoobiya” sidaa waxaa yiri dacwad ooge Tedros Bahro, oo wariyaasha lahadlay.

Tedros ayaa hadalkiisa kusii daray in kooxdan sidoo kale ay qorsheenayen inay weeraro argagixiso ka fuliyeen Gudaha itoobiya , balse waxa uu dacwad oogahani ku faanay in ciidamadu ay fashiliyeen isku daygii dhalinyaradan.

Dacwad ooge Bahro ayaa walaacii ugu weynaa ka muujiyay wararka sheegaya in kooxdani AlShabaab xiriirka laleh ay ku suganyihiin deegaano ay ka mid yihiin Oromiya, Jima, Laqqa, Chourabi, Khamisi, iyo dhulka Soomaalida ee Itoopiya oo ay kamitahay deegaanka Jiqjiqa.

Ugu dambeyntii Dacwad ooge Tedros Bahro ayaa sheegay in fariisinka ugu weyn ee kooxdani ay ahayd caasimada itoobiya ee Adsiababa qaasatan xaafada Kolfi Qrayno.

MADAXWEYNE OO DHAGAX DHIGAY DHISMAHA SAFAARADDA SOOMAALIYA EE ABU DHABI ..

Madaxwenaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Abu Dhabi ee dalka isu taga Imaaraadka Carabta waxa uu ku dhagax dhigay dhismaha safaarad cusub oo Soomaaliya ay ka dhisaneyso magaalada Abu Dhabi, taasoo dhulka ay ku fadhiso iyo dhismaheedaba ay ugu deeqday dowladda Imaaradka Carabta.

Dhismahan oo socon doona muddo hal sano iyo laba bilood ah ayaa waxa uu ka koobanyahay safaaradda iyo guri deegaan ay safaaraddu leedahay, waxaana Madaxweynaha oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda dalkaasi ay booqdee xarunta loogu talogalay.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Cadbiqaadir Shiikheey AlHaatimi oo dadaal weyn ku bixiyay sidii safaaradan loo hirgelin lahaa ayaa sheegay in muddo ka badan 42 sanadood ay tahay markii ugu horeysay ee dhul iyo dhismo iswata oo Soomaaliya ay leedahay laga hirgeliyo dalka Imaaraadka Carabta, halka horay ay ugu shaqeyn jireen goobo si gaar ah loo leeyahay.7Cabdiqaadir Shiikheey AlHaatimi ayaa ku amaanay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya sida ay ugu gacan siiyeen shaqaalaha iyo madaxda safaaradda ee uu isagu ugu horeeyo in safaarad Soomaliya leedahay laga hirgeliyo magaalada Abu Dhabi.

Dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay dib ugu soo laabtay dalka kadib safaro uu ku tagey dalalka boqortooyada Sacuudiga, India iyo Imaaradka Carabta, isagoo markii uu soo gaaray Muqdisho ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaana uu cambaareeyay weerarkii bahalnimada ahaa ee ay Shabaabku ku qaadeen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

WASIIRKA AMNIGA SOMALIYA OO SHAACIYAY TIRADA RAGGII WEERARAY HOTEL SAXAFI

Wasiirka Amniga Gudaha Somaliya C/risaaq Cumar Maxamed, ayaa sheegay ciidamada ammaanka Dowladda inay soo afjareen weerarkii rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan, shalay subax arootii ay ku soo qaadeen Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

C/risaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Somaliya, ayaa sheegay ragga weerarka Hoteelka soo qaaday inay gaarayeen 5 ruux, islamarkaana ciidamada ammaanka Somaliya ay ku guuleysteen inay soo afjaraan dhamaan raggaasi.

Waxa uu sheegay laamaha ammaanka Dowladda inay ku howlan yihiin Uruurinta macluumaadka ku saabsan inta uu la eeg yahay Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerarka Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Saxafi.

"Dadkii soo weeraray Saxafi dhammaantood halkaasi ayaan ku dilnay, hay’adaha amniga ayaa wada Tirakoob dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah, Shan qof bay ahaayeen kuwa weeraray Hoteelka, Hotelka dadkii ku jiray waa lasoo badbaadiyay, waana lasoo afjaray howlgalka.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.

Inkastoo Wasiirka Amniga Gudaha Somaliya uu shegay ragga Hoteelka weeraray inay gaarayaan shan ruux, ayaa hadana Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha Maxamed Yuusuf Cismaan uu sheegay ragga Hoteelka soo weeraray inay gaarayaan ilaa 7 ruux oo mid ka mid ah in uu isku qarxiyay afaafka hore ee Hoteelka.

Weli waxaa socda tirakoobka dadkii ku dhintay qaraxan, inkastoo Dowladda Somaliya si cad aysan u sheegin inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay weerarka Shabaab ay ku qaadeen Hoteelka Saxafi.

Magaalada Muqdisho kuma cusba weerarada noocaan oo kale ah ee Shabaabka ay geystaan, oo Shabaab waxa ay horay u weerareen, Madaxtooyada Somaliya, xarunta Baarlamaanka, Xarumaha Garsoorka dalka, Hoteelo iyo goobo kale oo Wasaarado ah.

Laamaha Sirdoonka Dowladda ayaa aad ugu fashilan helida macluumaadka la xiriira weerarada ay Shabaabka qorsheeyaan.

XILDHIBAAN HORE XASAN ABSHIR FAARAX OO LA BEENIYA IN UU KU DHINTAY WEERARKA HOTEEL SAXAFI

Kadib markii Warbaahinta qaar ay qoreen warar sheegayaa in weerarkii shalay subax uu ku geeriyooday Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax, ayaa arintaasi waxaa lagu tilmaamay mid been abuur ah oo aanan waxba ka jirin.

Safiirkii hore ee Somaliya dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko, ayaa sheegay in uu la xiriiray Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, uuna badqabo.

Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax ayaa wuxuu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo todobaadkii la soo dhaafay uu u ambabaxay.

Warbaahinta qaar ayaa si aanan ka fiirsi laheyn waxa ay u qoreen warar sheegayaa in uu dhintay Xildhibaan Xasan Abshir Faarax, laakiin xaqiiqda arintaasi ayaa waxa ay noqotay mid been abuur ah.

Xildhibaan hore Xasan Abshir Faarax ayaa Axadii la soo dhaafay wuxuu xubinadiisi Baarlamaanka ku wareejiyay Wiil uu dhalay oo lagu magacaabo Abshir Xasan Abshir Faarax.

Xasan Abshir Faarax ayaa deganaan jiray Hoteelka Saxafi, laakiin xilligan ma joogo oo Nairobi ayuu ku sugan yahay.

XISBIGA CADDAALADDA IYO HORMARK EE DALKA TURKIGA OO GUULO KA GAARAY DOORASHADA DALKAAS.

Xisbiga Caddaladda iyo Hormaarka ee dalka Turkiga ee uu hogaaamiyo R/wasaaraha dalka Turkiga ayaa la sheegayaa in ay guul weyn ka heleen codadkii illa iyo hadda la tiriye.

Codsdka la tiriye illaa iyo haddaa oo gaaraya%80 ayuu ka helay xisbiga cadaaladda %49.99, sida ay qortay wakaaladda wararka dalka Turkiga, halka xisbiga shacabka jamhuuriga oo ka helay %23.4, waxaana kaalinta seddexaad ku jira xisbiga qowmiga oo helay %11.6.

Guusha xisbiga caddaladda ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Rechep dayib ayaa awood u siineysa in uu kaligiis soo dhisi karo xukuumad, taas oo uu heli waaye doorashii hore ee dhaacday.

ODAWAA "WADA TASHI SOCDAY LABO BILOOD WAXAA SUURA GALI WEYDAY IN LA HELO GUDDI FARSAMO MACQUUL AH”

Wasiirka Arrimaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay sababtii ka dambeysay in 14 xubnood looga dhigay Guddiga farsamada maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo cadeeyay in arrintaas la tashi kala sameeyeen Madaxda dowladda iyo saxiixayaasha heshiiska maamul u sameynta labada Gobol. Wasiir Odawaa ayaa sheegay in Guddigan dhisidiisa ay qaadatay waqti dheer, isla markaana muddo labo bilood ay soo wadeen wada tashiyada, isagoo tilmaamay in qaabka ay ku saleeyeen qeybinta 14 xubnood ay tahay dhamaan beelaha dega labada Gobol oo si siman loogu qeybiyay

"Waxaa rabaa inaan halkan ka cadeeyo dhowr arrimood oo muhiim ah, maalintii khamiista waxaa soo saaray wareegto lagu magacaabay Guddiga farsamada ee maamul u sameynta sababaha aan 14 qof uga dhignayayaa rabaa inaa cadeeyo marka koowaad waxaa ka war heysaa in dowlad goboleedyada sameyntooda inay tahay shaqo in la dhameeyo loo baahan yahay 2016 inta aysan dhamaan, Guddigan farsamadan waxaa si siman loogu qeybiyay dhamaan beelaha dega labada gobo”ayuu yiri Wasiir Odawaa

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka dega labada gobol ay si kale u qaateen dhismaha Guddiga farsamada, isla markaana aanu aheyn sidii Baarlamaan oo kale.

"Kadib wada tashiyo labo bilood oo dhan qaadatay waxaa suura geli weyday in guddi farsamo oo macquul ah la helo, sababaha ay dadka u qaateen waxaa ka mid ah in guddiga farsamada uu yahay sida baarlamaanka matali doona dowlad goboleedka la dhisi doono oo kale”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa.

Mr Odawaa ayaa sheegay in heshiiskii koowaad ee Guddiga farsamada uu ahaa 31xubnood, balse markii dambe ay soo baxdeen dad badan oo aan ku qanacsaneyn habka loo qeybiyay, markii kalena laga dhigay 43, taasna ay sii adkaatay sida looga qanco hab qeybsigeeda.

Siyaasiyiin, odayaal, waxgarad iyo bulshada ku dhaqan labada Gobol ayaa ka soo horjeestay dhismaha Guddiga ka kooban 14ka xubnood, iyadoo xubnaha ku jira Guddigan aysan u suura geli doonin inay Xildhibaano ka noqdaan Baarlamaanka la dhisi doono ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

MAXAA LAGU XUSUUSTAA GUDDOMIYIHII HORE EE GOBOLKA BANAADIR MR MUUNGAAB ?

Q/2aad

Bilaabista canshuuraha guryaha:–

Guddomiye Muungaab, 25 sano ka dib wa xaa la sheegaa inuu ku guuleestay inuu bilaabo canshuurta guryahay/daaraha ay qaado Dowl adda Hoose ee Xamar taasoo laga bilaabay dagmooyinka caasimadda maalmihii ugu danbeeyay.

Guddomiye muungaab ayaa mar uu ka hadlayay halka uu maamul kiisu u qorsheeyay lacagahaasi canshuurta sheegay inuu dib ugu dhisi doono waddada muqidsho u ah halboowlaha ee la yiraahdo WADNA HA. Tani waxa ay dhiiro ku abuurtay bulshada ku nool caasimadda oo horay uga bartay Muun gaab in uu dhisay Aqalkii Dowladda Hoose lag una dhisay hanta soomaaliyeed.

Mudada uu xilka guddomiyenimo ku magacawnaa Muungaab waa 27/02/14 ilaa 25/10/15 taaso ah hal sano, todobo bilood iyo

shan iyo labaatan maalmood. Waqtigaasi kooban, waxa uu maamulk iisa u qabsoomay arri maha kor ku xusan.

Waxaan xasuustaa maalintii la furayay aq alka Dowladda Hoose ee Xamar waxaa ka hadlay wasiiru dowla ha arrimaha Gudaha Mudane Xidig waxa uuna si kaftan ah ku yiray madaweyne Xas an Shiikh " Mas’uuliyi in ta sidaan oo kale ah (waxa uu u la jee daa Guddomiye Muun gaab) waa in laga da yaa wararka ah xil ka qaadis si ay ugu sii dhiiradaan wax qabad hor leh”.

Mudada uu xafiisk haayay Muungaab waxa uu la kulmay caqabado dhoowr ah kuwaasoo keenay in ahdaafta qaar ee uu lahaa in uu gaari waayay sida in xafiiskiisa la hoos keeno Ciidanka Booliska iyo Nabad sugiidda heer Gobol iyo in magaalada Muqdisho laga hirgaliyo doo rashooyin heer deegaan taasoo dhabaha u xaarta in Caasimada muqd isho ay hesho maamul leh awood sharciyadeed sida mid siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshaba.

Si kooban, waxaan hoos ku soo bandhigayaa dhowr qodob kuwaa soo ku noqday caqabado guddomiye Muungaab mudadii uu xilka haay ay iyadoo tani ay mar kale caqabado cusub ku noqon doonto guddom iyaha Cusub ee hadda la magacaabay (Shiikh Yusuf Jimcaale).

Ka gaabintii ay Dowladda dhaxe ka gaabisay in laga dhabeeyo balan qaadkii ahaa in la hoos keeno laamaha amniga ee Booliska iyo Nabad sugiida G/Banaadir. Tani waxa ay ku qasabtay in uu noqdo qof aan wax laga weydiin amaan darada Caasimadda Muqdisho balse sheegay in uu la shaqayn doono laamaha amniga .

Arrimaha aruurinta canshuuraha deegaanka oo uu murano culus ka dhax dhacay maamulkiisa iyo Wasaaradda Maaliyadda taasoo keentay in guddomiye Muungaab uu ka dhawaajiyo in magaalada Muqdisho la gu haayo culees kaga imaanaya hey’adaha dowladda dhaxe ee Fede raalka kuwaaso ku qabsada xuquuqaha dhaqaale ee u gaarka ah ca asimadda ama Dowladda Hoose ee Xamar. Tani waxa ay keentay in dhaqaale xumi soo wajahdo maamulkiisa gaar ahaan in uu si habsami leh u waayo qoondadii laga siin jiray Furdada/Dakadda Xamar.

Culees siyaasadeed ee kaga imaanayay dowladda dhaxe ee ku aadan inuu fulin waayay mid ka mid ah ahdaaftiisi siyaasadeed oo ah in Caas imadda muddo kooban ay ku sameesysato gole deegaan oo is doorta si loo helo Duq Magaalo oo la soo Doortay kaasoo yeesh awoodo sha rciyadeed oo uu kula xisaabtamo dowladda dhaxe.

Mudadii uu xilka haayay guddomiye Muungaab, waxaa la sheegaa inaysan dowladda dhaxe ee soomaaliya siini wax taageero siyaasade ed iyo mid dhaqaale oo gaar ah si adeegyada bulshada loo tayeeyo lo ona soo celiyo, taa badalkeedna waxa ay dowladda dhaxe ku mashqu ushay muranadii siyaasadeed ee iyada u dhaxeeyay iyo dhisimaha maamul goboleedyada wadanka oo aad u jiitamay.

Qodobadaasi kor ku xusan iyo kuwo kalaba ayaa la sheegaa in ay ahaayeen caqanadihii ugu waayeeynaa ee uu la kulmay inta uu xilka ha ayay iyadoo la sheego in uu ka gudbay kuwo aad u farabadnaa oo la sa adalinayay in ay hakad ku keeni karaan hana qaadka maamulkiisi cus baa.

25 bisha Oktoobar 2015, waxa uu madaxweynah JFS si rasmi ah u gu qaaday xilkii guddomiye Muungaab waxa uuna xilkaasi u magacaab ay Md Shiikh Yuusf Xuseen Jimcaale. Waxaa la sheegaa in Shiikh Yuu suf uu aad ugu dhawyahay Madaxweyne Xasan sheekh isagoo xil sare ka haayay Xisbiga PDP ee uu Madaxweyne Xasan Shiikh guddomiye ka yahay.

Warqadda Xilka qaadista Muungaab laguma sheegin sababaha kee nay in Madaxweyne Xasan uu xilk ka qaadis ku sameeyo guddomiye Muungaab oo xiligaas shaqo ujoogay Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Dadka Muqdisho ayaa waqtiyadii ugu danbeeyay waxa ay isla dhax mari jireen in Muungaab uu isku diyarinayo inuu Musharax madaxwey ne noqdo 2016 xiligaasoo lagu ballansan yahay inay dhacdo doorash ada madaxtinimada Dalak Soomaaliya balse mar uu u hadlayaa laanta afka soomaaliga ee BBC da uu arinkaasi beeniyay isagoo si kaftan ah u yiri "aniga odaygii I soo magacaabay ayaa sheegtay inuu Musharax yah ay 2016 marka aniga inaan isaga wax la wado maahine dhinaciisa wax ka calaajin maayo”.

Waxaa jiro warar sheegayo in saaxiibada siyaasadda ee Madaxwey ne Xasan Shiikh kuwaaso la sheego inta badan inay yihiin kuwo ku har eereysan oo kala talayo siyaasadda inay ka soo horjeesteen guddom iye Muungaab una jeediyeen Madaxweynaha inuu xil ka qaadis ku sam eeyo. Sababtaasi ay ugu amreen madaxweynaha lama oga balse wax aa la isla dhaxmarayay in horumarada dag dagga ah ee ku socday xoo wliga gaar ahaan bilaabista dhismaha waddada Wadnaha ee uu ku dha waaqay Muungaab loo arkay mid ka dhigaysa Muungaab inuu magac iyo sharaf ku yeesho taasima ay Mustaqabalka keento tartan siyaasade ed ee uu la soo baxo mustaqbalka dhaw.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa ku doodo in guddomiye Muu ngaab uu ahaa shaqsi leh go’aan iyo karti halka ay jireen in kuwo kale oo u soo jeedinayeen eedeeymo kala duwan oo ay ku dhaliilayeen maa mulkiisa.Dhammaad Dhammaad Dhammaad

 

Waxaa Qoray: Ahmed Hussein Wasuge, MuqdishoSomalia.

Email: badal55@hotmail.com

DAAWO SAWIRADA HOWLGALKII LAGU SOO FURTAY HOTEELKA SAXAFI EE MAGAALADA MUQDISHO…

21

qarax10









2015111635819626877106473Xubnihii_lagu_dilay_Weerarkii_Hotel_Saxafi



CStm2b3UEAArbYK-1,shabaab

Gaashaan-4
Gaashaan-23
NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN

{SHEEKO TAXANE AH}

 

Q/61aad

Daqiiqado ka bacdi Cabdulqaadiriyo Xul Beella waxaay isula soo jaanqaaday nideeda Bilaabeen qadadii heerka sare aheyd oo maal intaa hortooda tiillay ,in xoogaa ah markii qadada lagu dul sheekeystay ka dibn inta la fara xashay oo Gacmaha la tirtirtay baa gacmahii Barafu unnooca {WanManshowga} loo yaqaan lagu buufsa day.

Intaa ka dibna lammaanay aashii is jeclaa ee c/qaadir iyo Xil Beella waxaay iskula jaan qaadeen xaggaa iyo ku raastii fadhi carbeedka aheyd kolkii kuraastii la tagayna C/ qaadirFadhi Carbeedkii ay uu dhacdiid ugu seexday , XulBellana meel lammaana heedaC/qaadir u dhow bay iska fariisaty, sheeko dheer iyo isku dhoollo caddeyn ka dib saacadda bariga afrika waxaay soo dul istaagtay 1;00 galabnnimo lammaana yashii is jeclaa ee Xulbeella iyo C/qaadir waxaa loo keenay Casiriyadii maalintaa la cabbi lahaa oo ah nooca {Coffega} loo yaqaano oo laba kabbo ah, Maalintaa na casiriyada waxaa keenay XulBella walaasheed ka yar ee Yusra, kolkii casiraydii korkeeda lagu kaftamay ka dib xul Bel la waxaay soo sagootisay lammaanaheeda C/qaadir ahaa waxayna iska la soo baxeen ruunkkii xul beella iyagoo iskula soo saan qaaday xagaa iyo busteejadii lammaanaheeda C/qaadiray gaariga ka saari laheyd ko lkii ay in cabbaar ah wadadda ku soo jireen ka dib waxaa ay yimaadeen goobtii busteelada aheyd maalintaana goobta waxaa taagnaa gaari kooster ah oo faaruq ah C/qaadir na jaran jaradii gaariga intuu cagaha la haleelay ayuu kursigii albaabka u dhawaa iska fariistay ka dibna intuu la ballamay ayaa la is macal salaameeyey,dabadeedna gaarigii ay aa goobta ka dhaqaaqay , xulbeellana ilaa uu gaariga ka libdho lam maanaheeda C/qaadirayey gacan haatineysay, isaguna sidoo kale.

daqiiqado ka dib C/qaadir gaarigiiayuu ka degay wuxuuna u dhaqa aqayxaggaa iyo aqalkii uu degganaa, in cabbaar ah kolkii uu wad dada ku sii jirayka dib gurigiisii ayuu tegay ka bacdinanasasho dheer ayuu galay ka dibna wuu iska seexday

Daraad waa maalinnimmo qamiis ah waxaa ciyaaraya diiqii shin biraihii arooryaadRaxmo waxaa ey ka soo toostay firaashkeedii waxa ayna abbaartay halkii suuligau ahaa, kolkii ay ay suuligii gashay ama {xammaamka} kana soo baxday ka dib inta ey weysa qaadatay ayey dukatay salaaddii subax ee alle ku lahaa SWTC., Salaaddii ka dib inta ey duceysatayayey kirligii shaaha ahaa dabkaay ku tuurtay in daq iiqado ah ka dibna Raxmo waxaa ey dabka ka dajisaykirligii dabka saa rnaa waxaayna ku kala shubtay labo tarmuus{falaasyo} oo meel agteeda ah yaalay ka dibna inteey koob shah ahaashubatay ayey u dhaqaaqday qolkii fadhiga intia ay salootadii ku fariisatay ayey koobkii shaaha ahaa waxaa ay dul saartay miis hoteedayiillay, ka bacdina waxaa ay laacd ay oo ey soo haabatay maladjaceyl ah oo miiska dul saarneyd daba deedna aqris ku bilowday saacado markii ay majalladda ay akhrineysay ka dib waxaa loo keenay quraacdii ey maalinta cuni laheyd maalintaana waa quraacda u keentaywalaasheed xayaad markii ay quraacatay ka dib waxaa ay u dhaqaaqday xaggaa iyo ama {xammaamka } si ay u soo meyrato{qubeysato} ka dinba Raxmowaxaa eyka soo dhaqaaq day xaggaa iyo suuligii iyadoo u soo dhaqaaqdayqolkeedii si ay u soo labbisato. Maalintaa Raxmo waxaa ay ku soo labbisatydharkeedii kuwii ugu quruxda badna, barafuunkana waxaay isku buufisay kii ugu carafta badnaa oo ey ugu jecleyd kaasoo ahaa {farxateynka}, in yar ka dibna Raxmo waxaa ey ka soo baxday al baabka gurigoodawaxaa eyna u oo dhaqaaqday bosteejadii ay ka raaci laheyd baabuurtana laga raro iyadoo maalintaa bosteejada ka soo raacday{gaariDiskoo ah} iyadoo{ {taargedkeeda} qorshaeeda uu ahaadegmada xamarweyne daqiiqado dhowr ah markii ay gaariga saarneyd ayaa waxaa ay kaga degtay gaa rigii goobtii ay dooneysay iyadoo u dhaqaaqday goob {interneitka} laga galo, daqiiqado ka dibna goobtii {interneitka} aheyd ayey gudaha u ga shay iyadoo maalintaana goobta {interneitka} gudaheeda ay aheyd hal ka ay isku barteen gabar magaceeda la yiraahdoBushra maalintaa wax aa hadalka daah furkiisa bilaabay gabadhii Raxma aheyd waxaayna ku bilowday sida tan:

Raxmo:Walaal Magaceyga waxaa la yiraahdaa Raxmo, waxaan degganahay Degmada H/Wadaag waxaan jeclahay bulsha la noolaan shaha , waxaan ahay gabar dhallinyarada eynigeeda ah soo dhaweyso oo ballamadan adkeysa, naxariis badan, runta ku dhaqanto oo beentana ka fogaata , waxaana leeyahay lammaane aan is jecelnahaynaftana ay inoo dhaxeysomagaciisana waxaa la yiraahdaa C/qaadir . C/qaadir waa wiilreer nagaal ah haddana beysaaninnimana ku darsaday , waa wiil aan aqoon isla weynida ,kibirka iyo is qaadqaadka waana wiil mutacallim ah oo qoraa, abwaanna ah ilaamaa iyo waqtigiis aan bartay iyo ilaa ha dda oo aan isla soconnana wax is beddel ah kuma aanan aragwalaa leey, Mar walbuu ii soo haasaawo tagana waan koolk ooliyaa

Bushra: walaa marka hore waan ku salaamay , salaam ka dibna magaceygu waxaa la yiraahda Bushra, waxaan degganahay Degmada Shaangaani aniguna sidoo kale waxaan jecelahay bulsho la noolaansh aha mana aan ihi xiisooleey, dhadhan raac ah oo danteeda oo qura taqaanna.

Mudda kale saaxiibeey aniguna waxaan leeyahay lammaane maga ciisa la yiraahdoBinshaakir oo ey nafta inoo dhaxeysowaa wiil sitiisan ah oo haddana beysaani ah,waa wiilaan aqoon buur isa saaridda iyo is la weynida, waana wiilganacsade ah oo dubay wax ka keena waqtigii aan is baranay ilaa iyo hadda wax is bedel la yiraahdo kuma aanan arag.

Saaxiibeeymar walboo uu gurigeygaigu soo haasaawo tagna isagoo faraxsan ayaan soo diraa habeenkii kolka saamuleylka la gaarana xusuustiisaan ku seexdaa kuna soo toosaa.

Midda kale aragtidiisaanku noolahay oo la’aantiis ma noolaan karo biy uhina dhuunteyda kama ay degaan saaxiibeeymarwalboo aan firaashkey ga tagana muraayadda qalbigeyga ayaan ka dhex arkaa , mar walboo joornaal ama bug sheekoahaan akhri naayana isagaa m ka dhex arkaa

Intaa ka dib saaxiibbadii is jeclaa ee Rxmo iyo Bushra: waxaa ay iska la soo baxeengoobtii internaiyka aheyd waxaana lo soowada dhaqa aqay gurigii Bushra: oo goobta ka dhawaa waa daqiiqado markii wadd ada lagu soo jiray ka dibna girigii Bushra: ayaa la yimid, ka dibna gudahaayaa loo soo galay dabadeedna qolkii fadhiga ayaa loo gudbay ka dibna fadhi carbeedkii ayaa lawada fariistay , maalintaacabbitaanka iyo mac macaankii la cuni lahaa waxaa keentay Bushra: walaasheedii ka yareyd ee Nasiib in daqiiqado ah ka dib waxaa la bilaabay cunistii macmac aanka loo keenay il biriqsiyo yar ka dibna macmacaankii waa laga fara ti rtirtaywaxaan ay guda galeen labadii gabdhood kaftan iyo sheeko dhe er waxaana ay saacaddu isa soo dul taagtay 8:00 duhurnnimo gabadhii nasiib aheydna waxaay keentay cabbitaankii iyo cuntadadii oo maalin taa la cuni ahaaiyadoo maalintaas qadadu ay aheyd Bariis nooca loo yaqaan { Baas matiga} shidni, hilba dheylo ah , cabbitaanno qudaar la shiiday ah iyadoo maalintaa Raxmo iyo Bushra: ay wada qadeeyeen.Qadadii ka dib Bushra:waxaay saaxiibteedRaxma u shidday filim Hindi ah oo jaceyl ah aadna u xiisa badnaa

La soco isniinta danbe hadduu alle idmo

W/Q: C/QAADIR C/LLE NUUR{QALBI DAHAB} Tel:0618455506




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip