10 nin oo Shabaabnimo loo haysto oo lagu xiray Degmada Afgooye

0
Monday August 31, 2015 - 11:50:15 in Wararka by
  • Visits: 867
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 nin oo Shabaabnimo loo haysto oo lagu xiray Degmada Afgooye

    Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ciidamada Dowladda Federaalka Somalia, howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu soo qabtay dad looga shakiyay inay Al Shabaab xiriir la leeyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, ciidamada Dowladda Federaalka Somalia, howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Afgooye ayaa waxaa lagu soo qabtay dad looga shakiyay inay Al Shabaab xiriir la leeyihiin. Howlgalkaan ayaa ujeedkiisa wuxuu ahaa xaqiijinta ammaanka Magaalada Afgooye si looga hortago falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee ka dhaca Magaaladaasi.

Ciidamada Booliska oo howlgalka sameeyay, ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen dad gaaraya 10 ruux oo looga shakiyay inay Shabaab xiriir la leeyihiin, kuwaasi oo lagu xiray Saldhiga Degmada Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka ee Maamulka Afgooye Yuusuf Doo, ayaa sheegay inay baaris ku hayaan dadka ciidamada ay soo qabteen, kadibna la kala saari doono oo kuwii dambi lagu helo maxkamad lasoo taagi doono.


"Howlgalkaan waxa uu ka mid yahay kuwa aan amniga ku xaqiijineyno, waxaana inoo suurta gashay in aan qabanno dad lala xiriirinayo inay maleegayeen falal amni darri ah, dadkaasi waxa ay gaarayaan ilaa 10 ruux Saldhiga ayeeyna ku xiran yihiin.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Afgooye.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya, ayaa howlgalo ka sameeya Magaalooyinka ay gacanta ku hayaan, waxaana howlgaladaasi lagu soo qab qabtaa dad lala xiriiriyo Ururka Al Shabaab.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip