Munaasabada Caleema saarka Madaxda Hirshabeelle oo ka socota Jowhar, iyo Madax ka qeyb galeysa

0
Saturday October 22, 2016 - 15:09:16 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabada Caleema saarka Madaxda Hirshabeelle oo ka socota Jowhar, iyo Madax ka qeyb galeysa

    Waxaa goor dhow bilaabatay munaasabada caleema saarka Madaxda maamul goboleedka Hirshabeelle ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada Beesha Caalamka, Oday dhaqamee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa goor dhow bilaabatay munaasabada caleema saarka Madaxda maamul goboleedka Hirshabeelle ee Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo ay ka qeyb galayaan Madax ka socota dowladda Federaalka, Maamul goboleedyada Beesha Caalamka, Oday dhaqameedyada iyo marti sharaf kale.
Munaasabada oo lagu waday inay caawa dhacdo ayaa la soo hormariyay, kaddib markii saaka ay inta badan magaalada Jowhar soo gaareen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafuud kala duwan oo isugu jira Wasiiro, Madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Koofur Galbeed, Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa Munaasabada ka qeyb galaya Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michaeal Keating, Danjiraha Jaamacadda Carabta, Safiirka Shiinaha, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.

Madaxda gaartay Jowhar ayaa ku tagay Diyaarad Helicopter oo ka degtay garoonka kubadda cagta ee Xaafada Kulmis, oo aan sidaa uga fogeyn hoolka shirarka ay ka dhaceyso Munaasabada.

Khudbadaha ay jeedinayaan Madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka ayaa lagu wadaa inay hambalyo ugu diraan Maamulka cusub ee Hirshabeelle oo noqonaya maamulkii ugu dambeeyay ee sameysa, kana mid ah maamulada Federaalka.

Isniintii la soo dhaafay ayay aheyd markii magaalada Jowhar lagu doortay Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble iyo Cali Guudlaawe Xuseen.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaa gebi ahaanba la hakiyay isu socodka labada gedi ee magaalada, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka magaalada, kuwa ka baxa iyo kuwa soo galaba.

calemasaar-1

calemasaar-2

calemasaar-3

calemasaar-4

calemasaar-5

calemasaar-6

calemasaar-7

calemasaar-8

calemasaar-9

calemasaar-10

calemasaar-11

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip