Wakiilka Cusub ee Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya oo soo Gaaray Muqdisho

0
Friday October 21, 2016 - 20:37:50 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wakiilka Cusub ee Xafiiska Taageerada QM ee Soomaaliya oo soo Gaaray Muqdisho

    Wakiilka Cusub ee QM ee Somalia, Michael Keating, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Francisco Caetano Madeira iyo saraakiil kale oo ka tirsan AU-da iyo QM, ayaa kusoo dhaweeyay Muqdisho Ergayga cusub ee loo magacaabay dhawaan Xafiiska Tageerada QM

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wakiilka Cusub ee QM ee Somalia, Michael Keating, Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Francisco Caetano Madeira iyo saraakiil kale oo ka tirsan AU-da iyo QM, ayaa kusoo dhaweeyay Muqdisho Ergayga cusub ee loo magacaabay dhawaan Xafiiska Tageerada QM ee Soomaaliya UNSOS, Hubert Price, isgaoo la wareegi doona xilka loo magaaabay. Danjire Hubert Price, ayay Hawshiisu noqon doontaa isku xirka Hawl-gallada wadajirka ah ee QM, Hawl-gallada Midowga Afrika ee Somalia iyo Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna kala wareegi doonaa Hawlaha xafiiska QM ee Somalia UNSOM, Danjire Amadu Kamara oo sii waday shaqooyinkaan.

"Waxaan rajeynaynaa in Mr Price uu sii wadi doono hawlaha xafiiska UNSOS ee Somalia, waana mas’uul khibrad u leh xoojinta xiriirka wada-shaqeyneed ee QM aanu la leennahay, gaar ahaan dar-dar-gelinta hawsha ciidanka AMISOM,” ayuu yiri Danjire Madeira.

Xafiiska Taageerada QM ee Somalia [UNSOS]. Ayaa waxaa la sameeyay Sannadkii hore ee 2015-kii, markaas oo ay dhammaadeen Hawlihii Xafiiskii Qiimeynta Hawl-galka QM ee Somalia, iyadoo wixii xilligaas ka dambeeyay loo aqoonsaday xafiiskan inuu gacan ka geysto Taageerada Hawlgalka Midowga Afrika iyo Weliba Xafiiska QM ee UNSOM.

Ugu dambeyntii, Mr. Price ayaa horay uga tirsanaa ciidanka dalka Mareykanka, isagoo leh khibrad 20-sanadood ah oo ku aaddan hawlaha nabad-ilaalinta QM ee Caalamka, Wuxuuna horay kasoo shaqeeyay Waddamada; Mozambique, Angola, East Timor, Cote d’Ivoire and Liberia.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip