Daacish oo weerar lama fillaan ah ku qaaday Magaalada Kirkuk (Daawo Sawirada)

0
Friday October 21, 2016 - 19:01:55 in Wararka by
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daacish oo weerar lama fillaan ah ku qaaday Magaalada Kirkuk (Daawo Sawirada)

    Xoogaga Ururka Daacish, ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday Magaalada Kirkuk ee Waqooyiga Wadanka Ciraaq, iyadoo uu weerarkaasi u muuqdo mid jawaab u ah duulaanka ballaaran ee lagu qaaday Magaalada Mosul, oo Ururkaasi uu ka arrimiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Ururka Daacish, ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday Magaalada Kirkuk ee Waqooyiga Wadanka Ciraaq, iyadoo uu weerarkaasi u muuqdo mid jawaab u ah duulaanka ballaaran ee lagu qaaday Magaalada Mosul, oo Ururkaasi uu ka arrimiyo. Ciidamada Militariga Ciraaq oo kaashanaya Xoogaga Kurdiyiinta Ciraaq, ayaa Isniintii weerar dhinaca dhulka ah ku qaaday Magaalada Mosul oo ku taala Waqooyiga Ciraaq, waxaana dhinaca cirka ka taageeraya isbahaysiga uu hogaamiyo Mareykanka.

Magaalada Kirkuk oo 236km u jirta Magaalada Baqdaad ee Xarunta Ciraaq, ayaa waxaa markeliya saakay laga maqlay qaraxyo ismiidaamin ah, oo ay Xoogaga Daacish la beegsadeen Xarumaha Dowladda, oo ay ku jirto Xarunta Booliska.

Warbaahinta Ciraaq, ayaa qoreysa in dagaal-yahanada Daacish isu qarxiyeen Saldhiga Booliska iyo Xarunta Korontada ee magaaladaasi.

Warbaahinta ku hadasha afka Ururka isu magacaabay (Dowladda Khilaafada Islaamka), ayaa waxaa lagu baahiyay in mintidiintu ay la wareegeen Bartamaha Magaalada Kirkuk, isla-markaana ay gudaha u galeen Xarunta Maamulka.

Xoogagan, ayaa iska horimaad fool ka fool leh la galay Ciidamada Dowladda Ciraaq iyo Xoogaga Kurdiyiinta, iyadoo la soo sheegayo in ay halkaasi ku dileen 6 askarta ka tirsan iyo 16 ruux oo rayid ah, halka Daacish laga dilay 12 nin.

Dhanka kale Xoogaga Daacish, ayaa weeraray warshad ku taala meel qiyaastii 40km waqooyi galbeed kaga toosan Magaalada Kirkuk, waxayna ku dileen ugu yaraan 12 qof.

Weerarka lagu qaaday warshadan, ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa, xilli Khamiistii ay Daacish dab qabadsiisay warshad kiimikada samaysa, oo ku taala meel dhinaca koonfureed kaga toosan Magaalada Mosul, xilli ay ka guranayeen magaaladaasi.

Dowladda Ciraaq, ayaa ku dhawaaqday bandow ay ku soo rogtay Magaalada Kirkuk, illaa iyo amar dambe, haddii ay jiraan warar sheegaya in xoogag ka tirsan Daacish ku sugan yihiin meel aan ka fogayn magaaladaasi.

Weerarka ay maanta Daacish ku gashay Magaalada Kirkuk, ayaa dadka reer Ciraaq layaab geliyay, maadaama la fillaayay in laga fara maroojiyo Mosul.

kirkuk1

A Kurdish security personnel takes cover at a site of an attack by Islamic State militants in Kirkuk, Iraq, October 21, 2016. REUTERS/Ako Rasheed

Kurdish security personnel take cover at a site of an attack by Islamic State militants in Kirkuk, Iraq, October 21, 2016. REUTERS/Ako Rasheed

A member of peshmerga forces runs at a site of an attack by Islamic State militants in Kirkuk, Iraq, October 21, 2016. REUTERS/Ako Rasheed TPX IMAGES OF THE DAY

A member of peshmerga forces runs at the site of an attack by Islamic State militants in Kirkuk, Iraq, October 21, 2016. REUTERS/Ako Rasheed

A member of peshmerga forces runs at a site of an attack by Islamic State militants in Kirkuk, Iraq, October 21, 2016. REUTERS/Ako Rasheed

kirkuk7 kirkuk8

Peshmerga forces stand behind rocks at a site of an attack by Islamic State militants in Kirkuk, Iraq, October 21, 2016. REUTERS/Ako Rasheed

kirkuk91 kirkuk92 kirkuk93

Military vehicles of peshmerga forces are seen at a site of an attack by Islamic State militants in Kirkuk, Iraq, October 21, 2016. REUTERS/Ako Rasheed

kirkuk95 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip