Qeybta 2aad Warbixin ka hadlaysa weerarada Maraykanka uu qarsoodiga uga fuliyo Soomaaliya

0
Friday October 21, 2016 - 18:50:26 in Wararka by
  • Visits: 460
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qeybta 2aad Warbixin ka hadlaysa weerarada Maraykanka uu qarsoodiga uga fuliyo Soomaaliya

    Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ayaa qirtey in qeybo yar oo ka mid ah howlgalada ay sida qarsoodiga ah ugaga fuliso dalka soomaaliya hase yeeshee warbixino la soo saaray ayaa lagu arkay in ay sii kordheen howlgaladaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Gaashaandhigga Maraykanka ayaa qirtey in qeybo yar oo ka mid ah howlgalada ay sida qarsoodiga ah ugaga fuliso dalka soomaaliya hase yeeshee warbixino la soo saaray ayaa lagu arkay in ay sii kordheen howlgaladaas.

Pentaganka ayaa sheegay in 13 weerar dhinaca dhulka ah iyo duqeymo cirka ah uu geystey illaa iyo sanadkan 2016, kuwaasoo ay ku jiraan saddex howlgalo ah oo la fuliyay bishii September halka sanadkii 2015 la qaaday illaa shan weerar.

Sida lagu sheegay xog ay diyaariyeen urur la magac baxay New America 25 ruux oo rayid ah ayaa lagu diley weerarka halka 200 oo kale oo la tuhunsan yahay inay ahaayeen maleeshiyo ka tirsan Alshabaabna ay ku dhinteen weeraradaas.

Weerarada duqeynta ah ayaa ka soo baxay warbixino kala duwan iyadoo mid kamid ah duqeyn cika ah oo ay qaadeen ciidamada Maraykanka lagu diley dagaalyahano ka tirsan Alshabaab kuwaasoo tiradooda lagu qiyaasay inay gaarayaan 150 kadib markii la bartilmaameedsaday munaasabad ay dagaalyahanadaas ku qalin jebinayeen iyadoo duqeyntaana ay ka mid tahay kuwo ugu waxyeelada badan ee ay ciidamada Maraykanka hal mar geysteen.

Balse duqeyn cirka ah oo bishii hore ay qaadeen ciidamada Maraykanka ayaa waxaa ay ku dileen tobanaan ka tirsan ciidamada dowlada ee isbahaysiga la ah Maraykanka.

Saraakiil Soomaali ah oo ka careysan weerarkaas ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada Maraykanka ay si qalad ah war uga qaateen dhinac kale oo ay is hayaan, hase yeeshee Xoghayaha gaashaandhigga Ashton B.Carter ayaa sheegay in wasaarada gaashaandhiga ay baarayaan howlgalkaas.

Qabiiro ayaa aaminsan in Maraykanka oo ay sii kordheyso cudurdaarka uu ku sheegayo in uu is daafacid awgii uu u qaadayo weerarada cirka,ayay sii kordhin doontaa joogitaanka ciidamada Maraykanka ee howlgalada ka wada Soomaaliya.

Saldhiga Balidogle oo magaalada Muqdisho u jira 70 Mile oo ayay ciidamada Maraykanka ee Marineska loo yaqaan iyo weliba qandaraas qaatayaal ayaa ka shaqeynaya sidi ay u dhisi lahaayeen koox yar oo ciidamo ah kuwaasoo loogu talogalay in ay la dagaalamaan Alshabaab.

Sida ay daabacday New York Times ciidamadan ayaa loo yaqaan Danab waxaana qora oo tababara shirkad fadhigeedu yahay Washington oo lagu magacaabo Bancroft Global Development, oo muddo tobanaan sano ah la shaqeyn jirtey Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka inay tababaro siiyaan ciidamo Afrikaan ah kuwaasoo ka mid ahaa ciidamadii AMISOM ee howlgalada ka fulinaya dalka Soomaaliya.

Aasaasaha shirkadan Bancroft Michael Stock ayaa sheegay in askarta Danab ka mid noqonaysa marka hore lagu diiwaangeliyo meel u dhow magaalada Muqdisho kahor inta aan loo gudbin saldhiga Balidogle halkaas oo ay bilooyin tababar ku siiyaan ciidamada Marineska. La taliyaasha Bancroft ayaa ciidamadan ku weheliya marka ay howgalo fulinayaan.

Mr. Stock ayaa ku tilmaamay ujeedada laga leeyahay ciidamadan kooban inay tahay in ay la dagaalamaan Alshabaab iyadoo la doonayo in aan dib loogu noqon qaladaad laga sameeyay dalalka Afghanistan iyo Ciraaq taasoo lagu abuuray ciidamo faro badan ayna boqolaal malaayiin dollar ku kacday dhisidooda.

Taliyaasha Maraykanka iyo beesha caalamka ayaa ka fekereya in ay sii balaariyaan tababarada noocaan oo kale ah, ayna kumanaan askar ay tababar siiyaan si ay u noqdaan kuwo la wareega ammaanka dalka Soomaaliya marka ay ciidamada Midowga Afrika ay ka baxaan.

maraykan-askar


XIGASHO:- JOWHAR.COM

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip