Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyey Dowlad gobolleedyada doorashooyinka Aqalka Sare
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay u bilaabatay taariikh cusub "waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanada dowlad gobolleedyada u soo xusheen dumarka ka mid noqday xubnaha Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016ka oo ay Dowladda, Dowlad Goboleedyada, Guddiyada Doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Gobolleed ay kala shaqeeyaan inay doorashooyinka dib u dhicin isla markaaan u qabsoomaan sidii loogu talagaley
-----Dhammaad--
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so
Madaxweynaha oo ugu hambalyeeyey Dowlad gobolleedyada doorashooyinka Aqalka Sare
Mogadishu, 20 October 2016 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa ugu hambalyeeyey Madaxda iyo Baarlamaanada Dowladda Gobolleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland tallaabadii dimo