Taliska AMISOM ee Soomaliya oo Ka Mahadceliyay Agab Milatiri oo Kaga Yimid Dowladda Shiinaha

0
Thursday October 20, 2016 - 23:06:00 in Wararka by
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska AMISOM ee Soomaliya oo Ka Mahadceliyay Agab Milatiri oo Kaga Yimid Dowladda Shiinaha

    Dowladda Shiinaha ayaa Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ee ku sugan Soomaliya ugu deeqday Agab Milatiri oo loogu talagay in lagu xoojiyo Ciidamada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Shiinaha ayaa Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, ee ku sugan Soomaliya ugu deeqday Agab Milatiri oo loogu talagay in lagu xoojiyo Ciidamada.

Wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Somaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in qalab malatari oo noocyo kala duwan ah ay ka heleen dowladda Shiinaha isla markaana maal maha soo socda uu soo gaari doono taliska Amisom ee Soomaliy.a

Danjire Francisco Madeira Wakiilka Midowga Afrika ee arimaha Somaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in agabkaasi Militari ee la soo gaarsiin doono howlgalka Midowga Afrika ee Amisom oo lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab, oo wali ku sugan qeybo kamid ah gobolada dalka Soomaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata Danjire Francisco Madeira ayaa waxuu sheegay in agabkan uu xoojinayo howlgalka Ciidamada Dowladda Federaalka Somaliya iyo kuwa Amisom oo howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ka wada qeybo ka mid ah Dalka Somaliya.

Ciidamada midowga afrika Amisom ee Soomaliya ku sugan ayaa Taageera siiya ciidamada Dowladda Soomaliya oo dagaal kula jira Xarakada Al-shabaab.

r-Francisco-Caetano-Jose-Madeirara




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip