Madaxweynaha Galmudug oo safar degdeg ah ugu kictimay Muqdisho (Waa maxay sababta?)

0
Sunday November 01, 2015 - 16:12:53 in Wararka by
  • Visits: 584
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug oo safar degdeg ah ugu kictimay Muqdisho (Waa maxay sababta?)

    Madaxweynaha maamul goboleedka Mudug iyo Galgaduud C/Kariim Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan dowladiisa ayaa socdaal degdeg ah ugu kictimay magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ka raacay diyaarad gaar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha maamul goboleedka Mudug iyo Galgaduud C/Kariim Xuseen Guuleed iyo xubno ka tirsan dowladiisa ayaa socdaal degdeg ah ugu kictimay magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ka raacay diyaarad gaar ah. Madaxweyne Guuleed ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Dowladiisa, taasi oo sababtay qaraxyadii saakay ka dhacay Hotelka Saxafi oo ay ku geeriyoodeen xildhibaano iyo madax kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka dhexe ee dalka.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo aan ka helnay magaalada Gaalkacyo madaxda maamul goboleedka Galmudug ayaa ka qeyb gelaya aas Qaran oo Muqdisho loogu sameynayo xubnaha dowladda ka tirsan ee ku geeriyooday qaraxa Hotel Saxafi.

Socdaalka degdegta ah ayaa yimid ka dib markii xubnaha qaraxa ku geeriyooday asal ahaan ka soo jeedaan degaanada Galmudug kuna jira dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana socdaalka Madaxweyne C/Kariim ku wehliya Jan. Cabdi Xasan Cawaale oo xubno kale oo sarsare.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip