Faah faahinada dheeriga ah ee laga helaayo Weerarkii Hotelka Saxafi iyo khasaarihii ka dhashay qeybo ka mid ah waa sidan (Sawirro)

0
Sunday November 01, 2015 - 15:38:52 in Wararka by
  • Visits: 617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahinada dheeriga ah ee laga helaayo Weerarkii Hotelka Saxafi iyo khasaarihii ka dhashay qeybo ka mid ah waa sidan (Sawirro)

    Sida aan u Ballan qaadnay Akhristayaashaane Waxaa Iska Soo daba dhacaya Faahfaahinno dheeraad ah oo laga helayo Weerarkii saakay ee hoteel saxaafi tanina waa qeyb ka mid ah Wararka djheraadka ah oo aan heleyno weliba sida ay uka danbeeyaan si xaalad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida aan u Ballan qaadnay Akhristayaashaane Waxaa Iska Soo daba dhacaya Faahfaahinno dheeraad ah oo laga helayo Weerarkii saakay ee hoteel saxaafi tanina waa qeyb ka mid ah Wararka djheraadka ah oo aan heleyno weliba sida ay uka danbeeyaan si xaaladda aan idnkula socodsiino insah allaah waana sidan aqbaartii u danbeysay oo aan helno:-

     In ka badan 15 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin, saraakiil iyo shacab ayaa ku dhimatay, tiro labaatan ka badan waa ay ku dhaawacmeen, weerar saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen Hotelka Saxafi oo ku dhow Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday qarax aad u weyn oo lagu dhiftay afaafka hore ee Hotelka, iyadoo kadib dabley hubeysan ay gudaha u galeen, dabadeedna is rasaaseyn is weydaarsatay ilaaladii hotelka.

Intii is rasaaseynta ka socotay gudaha Hotelka ayaa waxaa qarax labaad uu ka dhacay banaanka hore ee Hotelka, kaasoo ahaa gaarigii ay ka dageen dableydii hubeysneyd ee Hotelka gudaha u gashay.

Dadka ku dhintay qaraxa ee la yaqaanay waxaa ka mid ahaa Milkihiilihii Hotelka ahna Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir C/rashiid Shire Ilqeyte iyo Abaanduulihii hore ee Ciidamada xooga dalka Jen. Dhega-Badan oo la sheegay inay labaduba ay la dagaalamayeen dableydii hubeysneyd, isla markaana ay hubeysnaayeen.

Jen, Dhegabadan ayaa horseed ka ahaa howl galadii Al-Shabaab loogaga saaray magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee gobolada dalka, sanadihii 2010 ilaa 2012, iyadoo sanadkii 2013 xilka laga qaaday, kadibna uu aaday dalka Uganda, balse dhowaan dalka dib ugu soo laabtay.

Sidoo kale waxaa weerarka ku dhintay Xildhibaan Abtidoon oo ka mid ahaa Baarlamaanka Soomaaliya, Wariye iyoSawir qaade u shaqeynayay Idaacada Shabelle iyo Telefishinka Al-Jazeera oo lagu magacaabo Mustaf Shafana, halka uu ku dhaawacmay Feysal Cumar oo ahaa Sawir qaade u shaqeynayay Wakaalada wararka ee Reuters.

Illaa lix dabley hubeysan ayaa la sheegay inay Hotelka weerareen, kuwaasoo qaarkood ay toogteenCiidamada Nabadsugida, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Gaashaan, kadib markii in saacado iska hor imaad ku dhex marayeen gudaha Hotelka.

qaraxos (1)

Al-Shabaab ayaa mas’uuliyada weerarka sheegtay, isla markaana dagaalyahanadooda ay gudaha Hotelka galeen, isla markaana ay ku dishay weerarkaas in ka badan 25-ruux, kuna dhaawacday kontameeyo kale sida lagu qoray baraha internet-ka ee taageera Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Al-Shabaab ay doonayeen dhamaan dadka Hotelka ku jiray inay wada laayeen, balse aysan u suura gelin, wuxuuna xusay in ciidamada ammaanka oo goobta si deg deg ah u soo gaaray ay dadka hotelka ku jiray badbaadiyeen, inkastoo uu xusay in dad muhiim ahaa ku dhinteen weerarka.

Ciidamada ammaanka ayaa la arkayay, iyagoo dariishad ka mid ah Hotelka kaga soo dejinayay dadkii ay bad baadiyeen jaran-jaro, isla markaana dadka la bad baadiyay ay isugu jiraan Xildhibaano, Ganacsato, siyaasiyiin iyo dad kale oo Hotelka degenaa.



qaraxos (4)

Agaasimaha Isbitaalka Madiiba Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Isbitaalka la keenay ilaa 30 ruux dhaawacyo ah, kuwaasoo shan ka mid ah dib loo celiyay, 23 la seexiyay, waxaana uu tilmaamay in labo ka mid ay ku geeriyoodeen gudaha saalada qaliinka iyo markii laga bixiyay.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ahaa dadkii Hotelka laga soo bad baadiyay, isla markaana intii wax dhacayeen ku jiray qolkiisa ayaa ka sheekeeyay sidii ay wax u socdeen, isagoo xusay in dableyda weerarka ka dambeysay ay albaabka qolkiisa soo istaageen, balse nasiib wanaag aanay gudaha u soo gelin.

Waxaa uu sheegay in isaga markii uu salaada subax dukaday kadib uu damcay inuu seexdo, balse mar kaliya uu ka war-helay qaraxa, waxaana uu tilmaamay inuu sariirta ka soo degay, kadibna uu dhulka fariistay, isla markaana waxa dhacayay oo idil uu maqlayay, ilaa nimankii hubeysnaa ee albaabka qolkiisa taagnaa oo taleefano u soo dhacayeen, isla markaana xabado lagu soo tuurayay.

Sheekh Nuur Baaruud oo indhaha la’ ayaa sheegay in dableyda ay sheekeysanayeen, isla markaana isku dar daaramayeen inay rasaasta ka dhamaan oo ay yar-yareystaan, ilaa markii dambena oo ay dabaqa kore ka koreen, waxaana uu intaa ku daray in qolka ay ka soo wadeen ciidamada, waxaana uu Alle uga mahad celiyay naftiisa baaqi u sii ahaato, isla markaana uu sii wadayo waxa uu ugu yeeray dagaalka cadawga.

qaraxos (3)

Ugu dambeyn Ciidamada ammaanka ayaa si buuxda gacanta ugu haya Hotelka, saacado badan kadib markii ay soo gaba gabeeyeen howl galka, waxaana Hotelka qeybihiisa kala duwan ka muuqday bur bur aad u xoogan.

qaraxos (5)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip