Daawo Sawirada: Ciidamada Gaashaan iyo sida ay u bad-baadiyeen dadkii Hoteelka ku jiray

0
Sunday November 01, 2015 - 15:12:34 in Wararka by
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Ciidamada Gaashaan iyo sida ay u bad-baadiyeen dadkii Hoteelka ku jiray

    Ciidanka Gaashaan ee ka tirsan Hay'adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya, ayaa si geesinimo leh u bad-baadiyay qaar ka mid ah dadkii ku xanibnaa Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Gaashaan ee ka tirsan Hay'adda Nabad Suggida Iyo Sirdoonka Qaranka Somaliya, ayaa si geesinimo leh u bad-baadiyay qaar ka mid ah dadkii ku xanibnaa Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho. Ciidamada oo isticmaalaya farsamooyinka loo soo tababaray, ayaa dhabarka dambe ee Hoteelka waxa ay saarteen Jaran jarooyin ay ugu talo galeen inay ku soo bad-baadiyeen dadka Hoteelka ku jiray.

Sawiro laga soo qaaday ciidanka intii ay ku guda jireen howlgalka bad-baadinta ah ayaa waxa ay muujinayaan sida geesinimada leh ee ciidamada Gaashaan ay ugu gurmadeen dadkii ku jiray Hotelka.

Daaqadaha Hoteelka ayaa laga soo saaray dadka oo bad-qaba, maadaama ay heleen gurmadka ciidanka Gaashaan oo jaraan jarooyin daaqadaha saartay.

Ciidamada oo hubkooda huwan ayaa la arkaayay iyaga oo dadka bad-baadinaayay, sidoo kalena ka feejigan dhibaato kaga timaada Raggii hubaysnaa ee Hoteelka galay.

Inkastoo howlgalka Hoteelka uu soo gaba gaboobay, ayaa hadana waxaa xusid mudan ciidamada Gaashaan ee Nabadsuggida ka tirsan inay qabteen shaqooyin adag oo ay ku mudan yihiin in lagu abaalmariyo.

Ku dhawaad 15 ruux oo masuuliyiin iyo Saraakiil ciidan iyo Askar isugu jira ayaa ku dhintay weerar Ururka Al Shabaab ay u qaadeen Hoteelka Saxafi oo ku yaallo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Gaashaan 4 Gaashaan 2 Gaashaan 3 Gaashaan 1

Gaashaan 5

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip