Alshabaab oo ka hadashay weerarkii Hotel Saxafi ee Muqdisho

0
Sunday November 01, 2015 - 14:08:44 in Wararka by
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alshabaab oo ka hadashay weerarkii Hotel Saxafi ee Muqdisho

    Xoogaga Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Dowlada Federalka Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Diplomaasiyiinta Shisheeye ee Caawiya Soomaaliya ayaa sheegtay inay mas'uul ka tahay weerar saakay lagu qaaday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, halka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al-shabaab ee dagaalka kula jirta Dowlada Federalka Soomaaliya, Ciidamada AMISOM iyo Diplomaasiyiinta Shisheeye ee Caawiya Soomaaliya ayaa sheegtay inay mas'uul ka tahay weerar saakay lagu qaaday Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay inta badan dagaan xubnaha ku jira Dowlada Soomaaliya.

Afhayeenka dhinaca Howlgalada u qaabilsan Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab, oo la hadlayay warbaahinta ku hadasha Afka Alshabaab, ayaa waxa uu sheegay in xoogagooda ay qabsadeen Hotel Saxafi, isla markaana ay weerarkooda guulo ka gaareen, inkastoo uusan sheegin khasaaraha ay geysteen iyo midka loo geystay.

"Alle mahaddii waxaa ah in xoogaggeenna ay qabsadeen dhismaha hotel Saxafi oo dhan, kaasoo ay deggenaayeen xubno ka tisran dowladda Soomaalia iyo xubno ka tirsan dalalka soo duulayā€¯ ayuu yiri afhayeenka dhinaca Howlgalada ee Xoogaga Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab.

Members of al Shabaab, al Qaeda-linked insurgents, ride in a pick-up truck after distributing relief to famine-stricken internally displaced people at Ala Yaasir camp at Km50 outside Somalia's capital Mogadishu, September 3, 2011. More than 800,000 Somalis are refugees, according to U.N. estimates, while up to 1.5 million are displaced within the Horn of Africa country. Picture taken September 3, 2011. REUTERS/Feisal Omar (SOMALIA - Tags: SOCIETY CIVIL UNREST POLITICS)

Sidoo kale, Sheekh Abu-Mucab ayaa sheegay in xoogaggoodu ay hadda howlgallo gaar ah kawadaan gudaha Hoteel Saxafi, inkatsoo uusan sheegin howlgaladan nooca ay yihiin iyo sida loo fulinayo.

Illaa hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan, waxa uuna weerarkaan ka mid noqonaya weerarro dhowr ah oo sannadkan oo keliya lagu qaaday hoteello dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Hotel Saxafi ayaa ku dhow xarunta dambi-baarista ee CID, iyadoo la xiray waddada marta halkaasi, ciidammo badanna ay dhooban yihiin agagaarka hotel Saxafi.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Alfa Group ayaa dhankooda sheegay in ay soo afjareen weerarkii Hotel Saxafi. Xigasho: radio wehel .

Xigasho:-somaliweyn.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip