Xiisad maanta ka jirta Deegaanka Halgan, Shabaab oo isaga baxay iyo Ciidamada Huwanta oo kulaalaaya

0
Monday August 31, 2015 - 11:43:45 in Wararka by
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad maanta ka jirta Deegaanka Halgan, Shabaab oo isaga baxay iyo Ciidamada Huwanta oo kulaalaaya

    Xiisad dagaal ayaa maanta ka taagan deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku dhaw yihiin deegaankaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisad dagaal ayaa maanta ka taagan deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, iyadoo ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom ay ku dhaw yihiin deegaankaan. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay ciidamadii Ururka Al Shabaab inay isaga baxeen Deegaanka Halgan, ka dib markii ay ogaadeen ciidamada Dowladda inay ku wajahan yihiin.

Col. Nuur Maxamed Cadeey oo ka tirsan Saraakiisha ciidamada ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay inay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Halgan, ayna rajeynayaan saacadaha soo socda inay gudaha u galaan deegaankaasi.

Xoogagii Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Halgan ayuu sheegay inay baneeyeen deegaanka oo hada aysan jirin cid maamulaysa deegaankaasi, balse goor dhaw ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom gudaha ay u geli doonaan.


Sarkaalkaan ayaa sidoo kale sheegay dagaal shalay ka dhacay nawaaxiga deeganada Garasaani iyo Nuur Fanax inay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al Shabaab oo gaaraya 18-ruux kuwaasi oo meydkooda ay yaalaan buu yiri wadada xiriirisa Beladweyne iyo Halgan.

Ma Cadda halka ay qabteen Shabaabkii ka baxay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, xilli deegaankaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom horay ay u qabsadeen kadibna ay ka baxeen.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom, ayaa maalin ka hor kasoo dhaqaaqay Magaalada Beladweyne ee Gobolka Hiiraan iyaga oo ujeedkooda uu yahay inay qabsadaan deegaanka Halgan oo ah Magaalo istaraatiiji u ah isku xirka Magaalooyinka Beladweyne iyo Buulo burde.
Xigasho:- dhacdo.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip