Gerard Pique Oo Mar Kale Si Joogta Ah Loogu Ooriyay – Markaana Waxaa Sameeyay Jamaahiirta Getafe.

0
Sunday November 01, 2015 - 13:46:47 in Sports News by
  • Visits: 1035
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gerard Pique Oo Mar Kale Si Joogta Ah Loogu Ooriyay – Markaana Waxaa Sameeyay Jamaahiirta Getafe.

    Mar kale taariikhda ayaa dib isku soo celisay. Waqtigaana waxa ay ka dhacday garoonka Coliseum Alfonso Perez. Taageerayaasha kooxda Getafe ayaa ku oorinayay si joogta ah daafaca Barcelona Gerard Pique intii ay socotay kulankii ay Bluagrana xalayto 2-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar kale taariikhda ayaa dib isku soo celisay. Waqtigaana waxa ay ka dhacday garoonka Coliseum Alfonso Perez. Taageerayaasha kooxda Getafe ayaa ku oorinayay si joogta ah daafaca Barcelona Gerard Pique intii ay socotay kulankii ay Bluagrana xalayto 2-0 ku badisay.


Laga bilaabo markii la yeeriyay seerigii ugu horeysay ee ciyaarta, taageerayaasha kooxda ka dhisan caasimada Spain ayaa ku foorinayay marna ku oorinayay daafaca Barcelona mar walba uu kubada taabto ama mar walba uu ciyaar ka qeyb qaato.

Waxaana ay noqoneysaa wax caado noqotay mar walba oo ay Barcelona ku ciyaareyso meel ka baxsan Camp Nou horyaalka La Liga ama marka uu Pique u ciyaarayo xulka qaranka Spain.

Taas bedelkeeda, taageerayaasha Getafe ayaa u sacabatumay Andres Iniesta markii uu bedel ku soo galay ciyaarta.

Naceybka Pique looga qaaday qeybaha kala duwan ee dalka Spain ayaa la xiriirta ka hadalkiisa gobolka xoriyad doonka ah ee uu ka soo jeedo ee Catalunya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip