The Sun: Jose Mourinho Oo La Siiyay Labo Kulan Kale Oo Uu Ku Badbaadiyo Shaqadiisa.

0
Sunday November 01, 2015 - 13:32:02 in Sports News by
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    The Sun: Jose Mourinho Oo La Siiyay Labo Kulan Kale Oo Uu Ku Badbaadiyo Shaqadiisa.

    Jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska ayaa qoreysa in Jose Mourinho uu heysto isbuuc uu ku badbaadiyo shaqadiisa ka dib ceeb kale oo shalayto soo gaartay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada The Sun ee ka soo baxda dalka Ingariiska ayaa qoreysa in Jose Mourinho uu heysto isbuuc uu ku badbaadiyo shaqadiisa ka dib ceeb kale oo shalayto soo gaartay.

Macalinka Chelsea ayaa sheegay ka dib guuldaradii Liverpool in ciyaartaas aysan aheyn ciyaartiisii ugu danbeysay, laakiin xubno kooxda ka tirsan ayaa sheegay xalayto in Mourinho uu wadahadalo la xiriira mushakiladaan la yeelan doono milkiilaha Chelsea Roman Abramovich saacado ka dib markii ay soo dhamaatay ciyaarta.

Jariirada The Sun ayaana xuseysaa in kulankaas Mourinho lagu siiyay digniintiisii ugu danbeysay, waxaana loo qabtay inuu shaqadiisa ku badbaadsado labada kulan ee soo socota, oo ay ugu soo horeyso kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan arbacada Dynamo Kiev iyo kulanka Premier League ee ay isbuuca danbe la ciyaarayaan Stoke City.

01_01012435_f0d497_2545406a
Wargeyska kale ee Sunday Mirror ayaa isna saaka qoray in Mourinho uu qarka u saaran yahay in la ceyriyo iyagoo sheegay in milkiile Roman Abramovich uu diyaarinayo lacagtiisa magdhowga ah ee uu qaadan doono marka shaqada laga ruqseeyo.

Mourinho ayaa bishii August saxiixay heshiis cusub oo afar sanno ah laakiin waxa uu magdhow ahaan u qaadan doonaa haddii la ceyriyo kaliya mushaharka hal sanno oo gaaraya 9.5 milyan ginni, madaama sidaasi lagu xusay heshiiska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip