Louis van Gaal Oo Guushii Arsenal Ee Shalayto U Adeegsaday Inuu Ku Gubaabiyo Xiddigihiisa.

0
Sunday November 01, 2015 - 13:29:28 in Sports News by
  • Visits: 1014
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Louis van Gaal Oo Guushii Arsenal Ee Shalayto U Adeegsaday Inuu Ku Gubaabiyo Xiddigihiisa.

    Louis van Gaal ayaa qirtay in Manchester United ay wado dheer sugeyso ka hor inta aysan aaminin inay u tartamayaan hanashada horyaalka Premier League ka dib markii ay barbaro goolal la'aan ah shalayto la galeen Crystal Palace.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa qirtay in Manchester United ay wado dheer sugeyso ka hor inta aysan aaminin inay u tartamayaan hanashada horyaalka Premier League ka dib markii ay barbaro goolal la'aan ah shalayto la galeen Crystal Palace.

Kooxda gooosha ka xishooneysa ee United ayaa ku guuldareysatay markii seddexaad oo isku xigta inay shabaqa soo taabato tartamada oo dhan iyadoo ciidamada Van Gaal ay afar dhibcood ka danbeeyaan kooxaha hogaanka haya ee Manchester City iyo Arsenal kuwaasoo shalayto badiyya.

Iyadoo Gunners ay 3-0 ku garaacday Swansea City oo iyagana Red Devils 2-1 kaga soo badiyay bishii August, ninka reer Holland ayaa sheegay in guushii Arsenal ay cadeyn u tahay farqiga u dhaxeeya kooxdiisa iyo Gunners.

"Ma faraxsani sababtoo ah haddii aad dooneysid inaan noqoto kooxda horyaalka hanata, waa qasab inaad badiso kulamada ceynkaan oo kale” ayuu yiri ka dib ciyaartii shalayto.

Louis-van-Gaal
"Arsenal waxa ay garaacday Swansea, tusaale ahaan. Waxa ay guuldarro inaga soo gaartay Swansea xitaa haddii aan aheyn kooxda fiican, laakiin Arsenal waxa ay iyaga ku garaacday 3-0.”

United ayaa guuldarro 3-0 ay ka soo gaartay Arsenal horaantii bishii hore waxaana ay sabtida soo socota martigelin doonaan kooxda West Bromwich Albion.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip