Cusmaan Joon oo loo magacaabay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga

0
Monday August 31, 2015 - 10:47:31 in Wararka by
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cusmaan Joon oo loo magacaabay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga

    Cusmaan Maxamed Gacal (Cusmaan Joon) ayaa loo magacaabay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, iyadoo magacaabistiisa ay soo dhoweeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Talyaaniga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cusmaan Maxamed Gacal (Cusmaan Joon) ayaa loo magacaabay Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga, iyadoo magacaabistiisa ay soo dhoweeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Talyaaniga Sida ay sheegayaan wararka qoraal ku saabsan magacaabista Dr. Cusmaan Joon oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya ayaa la soo gaarsiiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga Jen, Muuse Xasan Maxamed.

Magacaabista Qunsulka Guud ee Safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa ku soo beegmeysa, iyadoo 3-da bishan lagu wado in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho ku tago dalka Talyaaniga

Jagadan xilka Qunsulka ee Safaaradda Talyaaniga ee magaalada Rome ayaa aheyd mid muddo badan iska banaaneyd, mana jirin qof ku magacabanaa mudadaas dheer.


Dr. Cusmaan Maxamed Gacal (Cusmaan Joon) ayaa ka mid ahaa Musharaxiintii isu soo taagtay doorashadii Madaxweynaha ee dhacday sanadkii 2012, isagoo mar ahaan jiray Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida ee Talyaaniga, waxaana uu xilligaas gacan ka geystay sharci siinta dad badan oo Soomaaliyed oo Talyaaniga galay.

Osmaan Joon

Jaaliyadda Soomaalida Talyaaniga ayaa si aan kala har lahayn u soo dhaweeyay magacabista Cusmaan Joon, waxayna sheegeen inay tani fursad u tahay umadda Soomaaliyed ee ku nool talyaaniga, waxayna sheegeen in Cusmaan Joon uu yahay shaqsi karti badan oo waxqabad wanaagsan lagu yaqaano.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip