Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Barakatullah ee dalka India

0
Sunday November 01, 2015 - 11:49:59 in Wararka by
  • Visits: 773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirrada: Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Jaamacadda Barakatullah ee dalka India

    Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday magaalada Bhopal ee dalka India oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas oo uu madaxweynuhu kaga baxay machadka macalimiinta farsamada iyo cilmi baarista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday magaalada Bhopal ee dalka India oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas oo uu madaxweynuhu kaga baxay machadka macalimiinta farsamada iyo cilmi baarista intii u dhaxeysay sanadihii 1986kii ilaa 1988kii waxaana uu madaxweynuhu la kulmay maamulka iyo macalimiinta machadka uu muddada ardayga ka ahaa. Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay jaamacadda Barakatullah University oo kutaala isla magaalada Bhopal iyadoo lagu gudoonsiiyay darajada Masterka oo uu ku sameeyay Technical Edication Course intii uu wax ka baranayay dalka India waxaana uu khudbadiisa uga hadlay waayihiisii ardaynimo ee Soomaaliya iyo dalal kale.

Madaxweynuhu waxa uu boqolaal arday ah iyo macaliinta sharaxaad dheer ka siiyay taariikhda Soomaaliya iyo xaaladda ay xiligan ku sugantahay si gaar ah dhibaatoyinkii ay soo martay iyo soo kabashadeeda,isagoo ku tilmaamay booqashada machadka iyo jaamacadda Barakatullah mid aan xusustiisa ka go,I doonin cod

IB0A7366


Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday magaalada Bhopal ee dalka India oo si weyn loogu soo dhaweeyay halkaas oo uu madaxweynuhu kaga baxay machadka macalimiinta farsamada iyo cilmi baarista intii u dhaxeysay sanadihii 1986kii ilaa 1988kii waxaana uu madaxweynuhu la kulmay maamulka iyo macalimiinta machadka uu muddada ardayga ka ahaa.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay jaamacadda Barakatullah University oo kutaala isla magaalada Bhopal iyadoo lagu gudoonsiiyay darajada Masterka oo uu ku sameeyay Technical Edication Course intii uu wax ka baranayay dalka India waxaana uu khudbadiisa uga hadlay waayihiisii ardaynimo ee Soomaaliya iyo dalal kale.

Madaxweynuhu waxa uu boqolaal arday ah iyo macaliinta sharaxaad dheer ka siiyay taariikhda Soomaaliya iyo xaaladda ay xiligan ku sugantahay si gaar ah dhibaatoyinkii ay soo martay iyo soo kabashadeeda,isagoo ku tilmaamay booqashada machadka iyo jaamacadda Barakatullah mid aan xusustiisa ka go,I doonin cod

"Kadib burburkii dowladii dhexe waxaa gebi ahaanba meesha ka baxay jaamacadihii iyo dugsiyada waxbarashada iyo guud ahaanba hay,adihii dowladda,taasi waxa ay keentay in aanay jirin kadib 1991kii hal arday oo dugsi aada caasimadda iyo meelo kaleba dadku waxa ay ka hadlayeen oo kali ah meel ay uga badbaadaan dagaalada dhacayay oo ahaa kuwa aan diin ama wax kale ku saleysneyn hase ahaatee aaha dagaalo siyaasadeed

NGO yadii dalka ka howlgalayaya iyo macalimiin aan anigu ka mid ahay ayaa u istaagay sidii dugsiyada loogu celin lahaa ardayda Soomaaliyeed iyadoo hay,adaha qaar ay naga caawiyeen inay raashin siiyaan ardayda qaarkood qaar kamid ah agabka schooladana naga caawiyaan,taasi waxa ay keentay arday badan u darerto goobaha waxbaarshada hadda waxaa dalkeenu leeyahay jaamacado badan oo si gaar ah loo leeyahay dugsiyo iyo jaamacadda ummadda oo dib loosoo celiyaya islamarkaana ay wax ka bartaan xiligan 1,000 arday oo dhigta 7 kuliyadood waxaana qorshuhu yahay in sidoo kale dugsiyada dib loogu celiyo 1 milion oo arday ah 5 sano ee soo socot”

"Soomaaliya waxa ay hadda kasoo gudubtay marxaladii adkeyd waxa ay kala mid tahay aduunka in hay,ad kasta oo dowladeed am si gaar ah loo leeyahay ay ummadda u ehyso adeeg inkastoo weli lagu jiro dib u kabasho waxaase dowladuu dadaal ugu jirtaa sidii loo soo afjari lahaa argagaxisada oo aan kala mid nahay dalal badan oo afrika iyo aduunkaba kuyaala waxaase awooddou tahay xiligan mid aad u liidata oo waxa ay beegsadaan suuqayada,iyo goobaha shacabka maxaa yeelay awood uma lahan inay si toos ah wax u weeararaan” Ayuu yiri madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud”

Madaxweyne xassan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale khdubad ka jeediyay machadka macalimiinta farsamada iyo cilmi baarista oo lagu soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya ardaynimadiisii iyo waayihiisii waxbarasho ee dalka india

qeybaha machadkaasi ka koobanyahay ayuu madaxweynuhu kusoo wareegay isagoo kulamo guud iyo kuwo gaar gaar ah la qaatay macalimiintii wax soo baray iyo qaar kamid ah ardayda machadkaasi iyadoo intuu ku guda jiray booqashada gobolkana la gudoonsiiyay hadiyado kal duwan.

Duqa magaalada Bhopal ayaa qado sharaf madaxweynaha iyo xubnaha la socday ugu sameeyay xarunta looga arimiyo maamul goboleedkaasi.

IB0A7234 IB0A7321 IB0A7322 IB0A7325 IB0A7329 IB0A7342 IB0A7353  IB0A7382 IB0A7417 IB0A7420 IB0A7435 IB0A7482 IB0A7489 IB0A7549 IB0A7551 IB0A7552 IB0A7558 IB0A7579 IB0A7629 IB0A7638 IB0A7701 IB0A7724 IB0A7789 IB0A7801 IB0A7828 IB0A7830 IB0A7841 IB0A7849 IB0A7857 IB0A7860 IB0A7863 IB0A7865 IB0A7868 IB0A7886 IB0A7911 IB0A7918 IB0A7929 IB0A7933 IB0A7946 IB0A7987



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip