DAMEERAA IGA DHUMAY, ADNA WAA KAA DHUMAY!!

0
Thursday October 06, 2016 - 18:53:09 in Maqaallo by
  • Visits: 2598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAMEERAA IGA DHUMAY, ADNA WAA KAA DHUMAY!!

    A-Noocyada Dameeraha ee Somalia ku noolaa waxaa u caansanaa sadax. 1). Dameer Farawga ( Zebra).kaa oo ku noolaa gobalada dalka oo dhan laakin markii dambe ku haray Jubada Hoose,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

A-Noocyada Dameeraha ee Somalia ku noolaa waxaa u caansanaa sadax. 1). Dameer Farawga ( Zebra).kaa oo ku noolaa gobalada dalka oo dhan laakin markii dambe ku haray Jubada Hoose,

 Halkaana Hadda waa ka cirib tirmay .2-Dameerka caadiga ah oo hadda dalka oo dhan ku nool oo laga yaabo mardhaw in uu bato ama Ba’o. 3-waa nuuc u gaar ah somaliya oo aduunka berri somaliya oo kaliya lagu yaqiin Haddana lagu daray nuucyada xayawaanaadka ee dunida ka cirib tirmaya . "The Somali wild ass” Eray bixinta cilmiga ahna loogu yaqaan (Equus africanus somaliensis). Mar waxa uu ku fidayay qayba ka mid ah Ereterya, Jabuuti. Deegaankiisa runta ah ee lagu yaqiin waxa uu ahaa Nugaal (Nugaal Valley). Waa nuuc aad ugu Muuqaal eg kan caadiga ah, laakin lugaha ku leh sagadimo, Dhiig ahaana ka duwan.

Sannadihii 1978-1980 sawirada iyo hubin dhinaca Hawada uu ka qaaday Watson waxa la sheegay in ay ku harsaneed qiyaastii 5000 Dameer inta u dhaxeeysa Nugaal ilaa Jabuuti. Laakin mar kale cilmi baaristii Simonetta ee 1983 waxa uu qoray in 250 kaliya ay ku harsaneed Nugaal deegaan u dhaw Meit iyo in kuwa kalena ay ku firirsanaayeen deegaanka Ceergaabo dhinaca badda ka xiga, mar kale baaritaankii Moehlman ee 1998 waxa uu sheegay in Nugaal ay ku harsaneed oo kaliya 135 Dameer. Waxa uuna ka digay dabar Go’ ku socda Dameerahaa naadirka ah, wax yar ayaana ku haray Neit iyo Ergabo mar uu ka hadlayay Dameerahaa 2013 ayuu yiri: waxaan ka baqaa in uu hadda dabar go’ay.

Kadibna Hayada caalamiga ah ee badbaadinta dhabeedada, International Union for the Conservation of Nature (IUCN) ayaa ku dartay Liska Cas …((the IUCN Red List of endangered species described it as "critically endangered”. This means they face an extremely high risk of extinction in the wild)). Si loo badbaadiyo ayaa la sheegaa in qaar ka mid ah lagu xanaaneeyo Israa’iil oo ayagu ku dooda in uu dameerkani ka soo jeedo nuuc Dameeraa oo Nabi Muse NNk uu wadan jiray, qaarna waxaa la geeyay Ostraliya, kuwa kale ayaa la geeyay Zoo Basel- Switzerland, laguna maamulo mashruuca ( breeding program manages the European studbook for the Somali wild ass and coordinates the European Endangered Species Programme (EEP)) ,waxaana la sameeyay guddi caalami ah oo loo xilsaaray in si gaar ah ay u badbaadiyaan Dameerka somalida (the global species committee of the Somali Wild Ass since 2004).

Saddax Hayadood oo Mareeykan ah ayaa iyana ka qayb qaata Badbaadintiisa si uuna aduunka uga dabar Go’in kuwaa oo ku kala haya (a) St. Louis Zoo. (b) San Diego Zoo. (c) White Oak Conservation in Yulee., Florida.

Yaanan war kugu Badinine … Wasaaradeena Xanaanda xooluhu maka war heeysaa in Dameerkeenii dunida naadirka ku ahaa la badbaadinayo oo qaxooti ahaan loo aqoonsaday ? Ma u qorsheeysantahay in dib loogu soo celiyo deegaankiisii dabeeciga ahaa si uu ugu tarmo? Ma la baaray sababta uu u dabar go’ayo?.

B- Nooca noo Haray ayaa ah Dameerka Caadiga ah, asagana dalab xoog leh ayaa jira oo ka imaanaya shiinaha oo cunta ahaan u isticmaala hilibkiisa, haddii aan loo helin qorsha lagu xaddido inta la dhoofinayo iyo in la tarmiyo waxa uu dabar go’i karaa sida kii hore. Mar aan shiina tagay ayeey i weeydiiyeen saddax sheey oo somaliya ku badan oo ay aad u rabaan. 1- Gus Badeed ( noole ku badan xeebaha badda ee somaliya) .2- geesaha lo’da oo inta la shiido laga dhigo cunto la siiyo Eeyaha (wxaan soo xasuustay lo’ badan in sanadkiiba lagu qalo Somalia Geesahana la tuuro, weliba waxa ay codsadeen in xatta lo’dii ku dhimatay abaaraha 10 sanno ka hor geesahoodii duurka looga soo ururiyo,waxaan soo xasuustay Lo’dii kismayo ee geesaha weeyneed. 3- Dameerka aan rarano oo ay ku rabaan in ay nooga gataan qiime aad uga sareeyo qiimaha geeleena carabtu naga siiso, bacdamaa dameerku yahay Hilibka ugu qaalisan shiinaha.

Waxaan ka soo qaaday Buugaagta tusmada ganacsigaa, illeyn anigu ganacsade ma ihiye, waxaana u keenay Rugta Ganacsiga Somaalida oo aan miiska u saaray ,markhaatina aan u yeelay.

NB. Ogow xayawaanaad badan oo dalkeena oo kaliya laga helo in sanad kasta ay sii baabayaan.sida : shimbirta yare e madow ee aduunka uga Hartay Deegaanka Raaga Ceele( sh/dhexe), Geedka catalmuluuga iyo yicibtuna waxa ay ku jiraan khatar….haddii aad sida aniga oo kale Miyi ku noolaan jirtay bal xasuuso deegaankii aad ku soo kortay, duur joogtii iyo dhirtii ku tiil ,maanta waa side? Ummad waliba waa ilaashataa ,khayraadka ALLA ku gaar yeelay, Aniga iyo Adiga maxaa na dhoohay?

14485083_1245365845505146_7289997600451055925_n

14572213_1245365985505132_6232550537689957586_n

14519786_1245366778838386_2864512693218740491_n

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip