Hay'ada CRD oo Baladweyne kusoo Gunaanaday tababar la xiriira xalinta khilaafaadka (Sawirro)
Hay'adda CRD ayaa magaalada Beledweyne ugu soo xirtay shalay dad laga soo xulay qaybaha bulshada tababar socday muddo lix maalmood ah oo lagu baranayay xallinta khilaafaadka soo kala dhax-gallay bulshada.
Xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb-galay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo oo uu horkacayay guddoomiyaha maamulka gobolka C/fataax Xasan Afrax.
Madaxa
CRD, Xassan Cismaan Xuuriye ayaa sheegay in marka guud ahaan adduunka
la eego ay jiraan khilaafaad soo kala dhax-gala bulshada, hasse ahaatee
loo baahaan yahay in ay jirto farsamo iyo aqoon lagu xalin karo
khilaafaadkaas, waana tan keentay ayuu yiri in tababarkan la qabto.
Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Afrax oo ka hadllay munaasabada xaritaanka, ayaa sheegay in wax lagu farxo tahay in tababarka noocan oo kale ah loo qabto dad laga soo xulay qeybaha bulshada, isaga oo ku dheeraaday ahmiyada tababarkan oo kale uu leeyahay, madaama Soomaalida muddo ka badan 25 sanno ku soo dhax jireen colaado iyo khilaafaad ragaadiyay nolashii caadiga aheyd, waxaana uu intaa ku darray in loo baahan yahay in sare loo qaado wacyiga bulshada ee la xiriira arrintan.
Tababarka oo ay fulisay hay'adda CRD ayaa waxaa soo qaban-qaabisay dowladda Somalia, halka ay maal-galisay hay'adda UN-HAPITAT,
Hay'ada CRD oo Baladweyne kusoo Gunaanaday tababar la xiriira xalinta khilaafaadka (Sawirro)
Hay'adda CRD ayaa magaalada Beledweyne ugu soo xirtay shalay dad laga soo xulay qaybaha bulshada tababar socday muddo lix maalmood ah oo lagu baranayay xallinta khilaafaadka soo kala dhax-gallay bulshada. Xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb-ga