Guddiga fulinta ee GOS oo go'aanno muhiima soo saaray+Sawirro

0
Wednesday October 05, 2016 - 09:38:12 in Sports News by
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga fulinta ee GOS oo go'aanno muhiima soo saaray+Sawirro

    Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta oo sadexdii bilba hal mar la qabto, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa magaalada muqdisho ku yeeshay shirka guddigiisa fulinta oo sadexdii bilba hal mar la qabto, waxaana ka soo qeybgalay xubnaha guddiga fulinta.
Shirkan oo uu guddoominayay guddoomiyaha GOS Cabdullaahi Axmed Tarabi, ayaa looga hadlay waxqabadkii Gos ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay dib-u-eegista dastuurka, iyo samaynta barnaamij-tiknoloojiyadeed Database ah oo xogta lagu keydiyo, iyo samaynta isku-xir gaar ah oo ka dhaxeeya xubnaha GOS oo xagga internetka ah (Email).

Ugu horreyn, waxaa shirka ka hadlay xoghayaha GOS Duran Axmed Faarax, oo sharraxaad ka bixiyaywaxqabdkii saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, waxa uuna xoghayahu xusay; in ay qabsoomeen inta badan qorshayashii la meel-mariyay Shirkii Guddiga Fulinta ee April.

Dhanka kale, Faadumo Cali Nuur, oo ahayd Madaxa Wafdigii ka qeybgalay ciyaaraha Rio, ayaa si wanaagsan uga warbixisay ka-qeybalkoodii ciyaaraha Rio, iyo soo-dhaweyntii loo sameeyay, waxa ayna soo-Jeedisay in si wadajir ah loogu istaago u-diyaar- garowga ciyaaraha Tokyo 2020, si loo gaaro natiijo wax-ku-ool ah.

Warbixintan ka dib, waxa uu shirku go’aamiyay in guddi gaar ah loo xilsaaro u-diyaar-garowga tartamada caalamiga ah.

Xubnaha Guddiga Fullinta, ayaa waxaa kale oo ay ka doodeen dib-u-eegista qodobbo dastuurka ka mid ah, samaynta saldhig-xogeed Internetka ah (Database) iyo isku-xir ka dhaxeeya xubnaha guddiga olombikada Soomaaliyeed (Email).

Shirka, ayaa sidoo kale waxaa lagu falanqeeyay hannaanka ka-qeyb-galka ciyaaraha Olombikada Adduunka qaabka looga horumari karo heerka ay hadda joogto, sida loo horumarin karo xiriirrada dalka, si ay natiijo wax-ku-ool ah uga keenaan tartamada ay ka qeybgalaan.

Geesta kale, waxa uu shirku meel-mariyay wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka GOS, iyada oo la tixgelinayo soo-jeedinno ka yimid Guddiga Olombikada Adduunka, waxaana qodobada dastuurka lagu soo kordhiyay ee la ansixiyay ka mid ah:

1- Qodobka 8-da, farqadiisa 7-aad, ee Dastuurka GOS, ayaa waxaa laga dhigay; in Guddiga Cayaartoyada Soomaaliyeed ( Somali Athletes) , in ay shirweynaha GOS ku yeeshaan metelaad laba xubnood ah, kuwaas oo noqonaya cayaartooy ka qeybgashay ugu yaraan hal ka mid ah saddexdii cayaarood ee ugu dambeeyay Olombikada Adduunka.

2- Qodobka 15-aad, farqadiisa E oo sheegeysa; in xubnaha guddiga Fulinta ee GOS oo 11 ah, uu mid ka mida noqonayo xubin metelaysa guddiga cayaartooyda, kaas oo la rabo in uu ahaado cayaartooy ka qeybgalay ugu yaraan mid ka mida saddexdii cayaarood ee ugu dambeeyay Olombikada Adduunka.

Ugu dambayn, waxaa shirka soo xiray Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed Cabdullaahi Axmed Tarabi, kaas oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay qaabka isa-sixidda iyo dood-wadaagga hufan ah ee ay xubnaha guddiga fulintu ku wadeen shirkooda. Waxaana uu caddeeyay in ka-guul-gaaridda howlaha GOS ay ku xiran tahay xoojinta wada-shaqaynta dhexdooda ah, iyo iskaashiga dowladda iyo shacabka.

Waaxda Warfaafinta GOS

Info@nocsom.com

IMG_8438 IMG_8366 IMG_8360 IMG_8362 IMG_8358 DSC08311 DSC08325 DSC08333

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip