Meydadka saddex ruux oo saaka lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha

0
Monday August 31, 2015 - 10:43:00 in Wararka by
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Meydadka saddex ruux oo saaka lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha

    Meydadka saddex ruux oo dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaasoo jirkooda ay rasaas ka muuqato, iyadoo dadka deegaanka ay argagax iyo cabsi ku abuureen meydadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydadka saddex ruux oo dhalinyaro ah ayaa saaka lagu arkay deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaasoo jirkooda ay rasaas ka muuqato, iyadoo dadka deegaanka ay argagax iyo cabsi ku abuureen meydadkan.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in meydadkan xalay la dilay, ayna u maleynayaan in meelo kale lagu soo dilay, dabadeedna deegaanka la keenay.

Wararka ayaa sheegaya in dhalinyaradan aan illaa iyo hada la aqoonsan, isla markaana ay xirnaayeen dhar caadi ah, waxaana dadka deegaanka ku howlan yihiin sidii loo aqoonsan lahaa.

Dad fara badan ayaa isugu soo baxay halka meydadka ay yaalaan, waxaana dhacdadan ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka oo aanay saakay xilli hore u kalihin goobahooda shaqo.


Ciidamo ka tirsan booliska ayaa la sheegay inay gaareen halka meydadka lagu arkay, iyagoo durba baaritaano kooban sameeyay.

Ma jirto illaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku aadan meydadkan saaka lagu arkay deegaankaas.
xigasho jowhar.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip