Baarayaal sheegay in Ruushka laga soo ridey gantaalkii dhulka soo dhigey diyaarad Boing 777 MH17

0
Wednesday September 28, 2016 - 22:46:04 in Wararka by
  • Visits: 462
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarayaal sheegay in Ruushka laga soo ridey gantaalkii dhulka soo dhigey diyaarad Boing 777 MH17

    Dambi baarayaal caalami ah oo baarayay sababtii ay ku soo dhacday diyaarad nooceedu ahaa Boeing MH17 ee ku dhacday Bariga Ukraine sanadkii 2014 ayaa waxa ay sheegeen in gantaalka BUK ee soo ridey diyaaradan in laga soo riday dalka Ruushka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dambi baarayaal caalami ah oo baarayay sababtii ay ku soo dhacday diyaarad nooceedu ahaa Boeing MH17 ee ku dhacday Bariga Ukraine sanadkii 2014 ayaa waxa ay sheegeen in gantaalka BUK ee soo ridey diyaaradan in laga soo riday dalka Ruushka.

Warbixin ay soo saareen ayaa waxa ay sidoo kale ku shaaciyeen baarayaashan in gantaalka laga soo tuuray deegaan ay ku sugnaayeen koox mucaarad ah oo Ruushku taageero.

Dhammaan dadkii saarnaa 298 ruux ee saarnaa diyaarada Boeing 777 ee ka soo duushay Amsterdam kuna sii jeeday Kuala Lumpur ayaa ku dhintey kadib markii ay hawada sare ku kala go’goday.

Dowlada Ruushka ayaa ku tilmaantay warkan ka soo yeeray dambi baarayaasha inuu yahay mid ku salaysan arrimo siyaasadeed waxana uu markale ay beenisay dowlada Ruushka inaysan marnaba soo ridin diyaaradan.

Madaxa kooxdii baareysay burburka diyaaradan oo u dhashay dalka Denmark Wilbert Paulissen ayaa shir jaraa’id ka sheegay: "Baaritaankeenii dambiga la galay ee lagu soo ridey diyaarada duulimaadkeedu ahaa MH17 waxa uu noqday in uu ku dhacay Buk oo lambarka tirsigiisu ahaa 9M83 lagana soo ridey gudaha dalka Ruushka,”

Baarayaasha ayaa waxa ay ku soo koobeen goobta laga ridey gantaalka meel ku dhow Pervomaiskyi oo ah meel ay ku sugan yihiin mucaarad.

Hase yeeshee, baarayaasha ayaa waxa ay sheegeen in ay weli doonayaan in ay ogaadeen cidda bixisay amarkii lagu soo ridey diyaarada,iyagoo cadeeyay illaa boqol ruux oo lala xiriirinayay inay mas’uul ka ahaayeen soo ridida diyaarada. Kooxaha baarayaasha ayaa waxaa ay ka koobnaayeen dalalka Netherlands, Australia, Belgium, Malaysia iyo Ukraine.

dulimdad

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip