Dawlada Uganda oo sheegtay in ay yeeleyso wax kasta oo lagu soo deynaayo askarigeeda Al-Shabaab heysato

0
Wednesday September 28, 2016 - 22:10:21 in Wararka by
  • Visits: 405
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Uganda oo sheegtay in ay yeeleyso wax kasta oo lagu soo deynaayo askarigeeda Al-Shabaab heysato

    Madaxa ciidamada Uganada ayaa sheegay inuusan asagu arag fiidiyowga Al-shabaab soo deysay ee muujinaya askariga ay ka heystaan Uganda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxa ciidamada Uganada ayaa sheegay inuusan asagu arag fiidiyowga Al-shabaab soo deysay ee muujinaya askariga ay ka heystaan Uganda.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu intaasi ku daray in dawlada Uganda ay samaynayso wax kasta oo karaankeeda ah si ninkaa loo soo daayo oo uu askarigaasi xornimadiisu dib ugu helo. Askarigaa ayaa fiidiyowga ku sheegay in uu yahay askari Ugandan ah Janaalena laga qabsaday mar al-Shabaab soo weerareen sanad ka hor.

Wuxuu sidoo kale ka codsaday madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Musaveni inuu gacan ka geysto sidii loo sii deyn lahaa ama loo badbaadin lahaa.

Wuxuu fiidiyowga ku sheegay sidoo kale in xarakada Al-Shabaab ay halkaa ku dishay ilaa ugu yaraan 40 askari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in askarigaa lagu magacaabo Masasa. Dhanka kale, afhayeenka ciidamada UPDF ee Uganda, Kolonel Paddy Ankunda ayaa xaqiijiyay in askarigaasi Ugandan yahay kana tirsanaa ciidamadaa UPDF ee katirsan AMISOM.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip