Bannaanbax ka dhacay Gaalkacyo iyo askartii Galmudug oo la aasay (Daawo Sawirada)

0
Wednesday September 28, 2016 - 21:33:19 in Wararka by
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bannaanbax ka dhacay Gaalkacyo iyo askartii Galmudug oo la aasay (Daawo Sawirada)

    Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay bannaanbax looga soo horjeedo weerarkii dhinaca cirka, ee saakay lala beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, kana dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca duleedka Magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Gaalkacyo lagu qabtay bannaanbax looga soo horjeedo weerarkii dhinaca cirka, ee saakay lala beegsaday Ciidamada Maamulka Galmudug, kana dhacay Deegaanka Jeexdin, oo dhaca duleedka Magaalada Gaalkacyo. Bannaanbaxayaasha, ayaa wadooyinka ku gubay taayeero, iyagoona si kulul u cambaareeyay duqayntaasi, oo ay sheegeen inay iska kaashadeen Ciidamada PS-ta Puntland iyo Mareykanka.

Qaar ka mid ah bannaanbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Puntland, ee ku aadanaa inay weerareen dagaal-yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug, Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed), ayaa si adag Maamulka Puntland ugu eedeeyay in warbixin khaldan uu siiyay Mareykanka.

C/naasir Bedel Khaliif, Agaasimaha Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa beeniyay inay beegsadeen gaadiidka dagaalka ee Maamulka Galmudug, isagoo taasi bedelkeedana sheegay in ay beegsadeen kolonyo ay la socdeen Shabaab.

Dhanka kale duleedka Magaalada Gaalkacyo, ayaa aas loogu sameeyay askartii Galmudug ee duqaynta lagu dilay, waxaana aaskaasi ka qaybgalay qaybaha kala duwan ee bulshada.

Shacabka reer Galmudug, ayaa si wayn uga carooday tallaabada lagu beegsaday askartooda, waxayna tani noqotay hadalhaynta ugu badan ay dadku hadalhayan.

gaalkacyo gaalkacyo1 gaalkacyo2 gaalkacyo3 gaalkacyo4 gaalkacyo5 gaalkacyo6 gaalkacyo7 gaalkacyo8 gaalkacyo9 gaalkacyo91 gaalkacyo92 gaalkacyo93 gaalkacyo94





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip