Daawo Sawirada: Gaadiidkii Galmudug ee duqaynta lagu burburiyay

0
Wednesday September 28, 2016 - 20:23:26 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirada: Gaadiidkii Galmudug ee duqaynta lagu burburiyay

    Waa sawirran muujinaya weerarkii aroornimadii hore ee saakay lagu qaaday laba ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Maamulka Galmudug, xilli ay marayen Deegaanka Jeexdin, oo dhaca duleedka Magaalada Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa sawirran muujinaya weerarkii aroornimadii hore ee saakay lagu qaaday laba ka mid ah gaadiidka dagaalka ee Ciidamada Maamulka Galmudug, xilli ay marayen Deegaanka Jeexdin, oo dhaca duleedka Magaalada Gaalkacyo. Duqayntan oo ay fuliyen diyaaradaha dagaalka Mareykanka, ayaa waxay ku bartilmaameydsadeen gaadiidkan, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada 10 askari iyo dhaawaca saddex ruux oo rayid ah.

Duqaynta, ayaa waxaa xigay dagaal ay ka qayb qaateen Ciidamada PS-ta Puntland, oo ah ciidan si gaar ah u tababaran, iyagoona la dagaalamay dad lagu sheegay inay deegaan ahaan ka soo jeedaan Galmudug.

Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, Xersi Yuusuf Barre, ayaa si xoogan Maamulka Puntland ugu eedeeyay inay soo weerareen Ciidamadii Galmudug.

Guddoomiye Ku Xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug, C/raxmaan Maxamed Axmed oo tagey goobta ay duqayntu ka dhacday, ayaa sheegay inay baco ku uruuriyeen hilbaha askarta.

C/naasir Bedel Khaliif, Agaasimaha Warfaafinta Puntland ee Gobolka Mudug, ayaa beeniyay inay beegsadeen gaadiidka dagaalka ee Maamulka Galmudug, isagoo taasi bedelkeedana sheegay in ay beegsadeen kolonyo ay la socdeen Shabaab.

Agaasimaha, ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Puntland ay ka hortaggeen weeraro qorshaysan, oo Shabaabku uu la damacsanaa shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, sida uu yiri.

duqayn duqayn duqayn1 duqayn2 duqayn3 duqayn4 duqayn5 duqayn6 duqayn7 duqayn8 duqayn9 duqayn91 duqayn92 duqayn93




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip