Ururka NUSOJ oo ugu baaqay Hay'addaha Ammaanka in Sharciga la soo taago dadkii dilay Weriye C/casiis Maxamed Cali "Xaaji".

0
Wednesday September 28, 2016 - 11:55:50 in Wararka by
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka NUSOJ oo ugu baaqay Hay'addaha Ammaanka in Sharciga la soo taago dadkii dilay Weriye C/casiis Maxamed Cali "Xaaji".

    Ururk Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa si kulul u cambareeyey weerarkii shalay lagu dilay Weriye C/casiis Maxamed Cali "Xaaji" oo ka tirsanaa Weriyayaasha ka hawl-gala Idaacdda Radio Shabelle ee magaalladdan Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururk Suxufiyiinta Qaranka ee NUSOJ ayaa si kulul u cambareeyey weerarkii shalay lagu dilay Weriye C/casiis Maxamed Cali "Xaaji" oo ka tirsanaa Weriyayaasha ka hawl-gala Idaacdda Radio Shabelle ee magaalladdan Muqdisho.

Qoraal uu soo saaray Xoghayah Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibrahim Macallimu ayaa lagu xusay inuu Ururka NUSOJ aad ugu xun yihiin dilkaasi, waxayna ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka ee Dowladda Federalka inay baaraan dilkaasi, lana soo taago Sharcigii kooxihii dilay Marxuumkaas.

"Waxaan ka codsanayna dhamaan Dadka Soomaaliyeed inay xushmeeyaan Madax-bannaanida Warbaahinta iyo Xorriyatal-qoolka” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle, C/maalik Yuusuf Maxamuud ayaa xaqiijiyey inay kooxo hubeysan dileen Weriye C/casiis Maxamed Cali "Xaaji”.

Wuxuuna tilmaamy in xilligii la dilayey Weriyahaasi uu soo booqanayey Waalidkiisa oo deggan Degmadda Yaaqshiid.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay kooxo ku hubeysan Bistoolado ay dhowr jeer rasaas kaga dhufteen madaxa iyo saableyda, iyadoo uu Weriyaha isla goobtii ku geeriyooday.

Allaha U Naxariistee Weriye C/casiis Maxamed Cali "Xaaji” ayaa ah Weriyihii Labaad ee sannadkan lagu dilo magaalladd Muqdisho.

Bishii June 5-dii ee sannadkan, kooxo hubeysan ayaa waxay Degmadda Hodan ku dileen gabar Weriye ah oo la oran jirey Sagal Salaad Cusmaan oo u shaqeynaysay Warbaahinta Dowladda Federalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip