Waxaana uu soo shaqeeynayay isbedelo ay qayb ka ahaayeen ugu yaraan 12-xukumadood xiligii uu ku gudo jiray Siyaasadda, isagoo soo noqday ra’iisul wasaare muddo labo jeer ah, wuxuu sidoo kale soo noqday madaxweynaha Israel.
Shimon Peres ayaa loo arkayay siyaasi dagaal ooge ah sanadihii 1990-naadkii balse waxa uu kaalin muhiim ah ka cayaaray heshiiskii siyaasadeed ee israa’iil ay la gashay Falastiyiniinta.
Madaxweynihii hore ee Israel Shimon Peres oo geeriyooday
Madaxweynihii hore ee Israa'il Shimon Peres oo 93 jir ahaa ayaa ku geeriyooday kaddib markii uu ku dhacay xanuun dhanka madaxa ah kaas oo ugu dambeyn ku geeriyoodaycusbitalka caanka ah ee Sheba kaas oo ku yaal bariga caasimadda Tel Aviv.