Guddoomiyaha Wardhiigley "Wasiirada iyo Xildhibaanada Shabaabkii aan soo qabano ayay sii deynayaan"

0
Wednesday September 28, 2016 - 11:37:32 in Wararka by
  • Visits: 461
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Wardhiigley "Wasiirada iyo Xildhibaanada Shabaabkii aan soo qabano ayay sii deynayaan"

    Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Yaasiin Nuur Ciise, ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin Wasiirada Xukuumadda iyo Xildhibaanada oo sii deynaya Xubnaha Shabaabka ka tirsan ee Maamulka uu gacanta ku soo dhigo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley Yaasiin Nuur Ciise, ayaa sheegay inay qaati ka taagan yihiin Wasiirada Xukuumadda iyo Xildhibaanada oo sii deynaya Xubnaha Shabaabka ka tirsan ee Maamulka uu gacanta ku soo dhigo. Yaasiin Ciise Nuur ayaa sheegay ragga Shabaabka ay soo qabteen ciidamada ammaanka Degmada inay ka daba yimaadaan, Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal Dhaqan, Ugaasyo iyo xubno kale oo Dowladda ku jira si ay u sii daayaan.

Guddoomiyaha Wardhiigley ayaa sheegay in taasi ay keenayso niyad jab dhanka shaqada ammaanka ah, maadaama qof Shabaab ah oo cadeyn loo haayo la sii deynaayo, kadibna lagu arkaayo isaga oo Magaalada dhexmaraayo.

"Xogta aduunka waa la is dhaafsadaa lacag waaye, qofka xog kuu keena waa inaad lacag siisaa si beri qof kale ugu dhiiradaa inuu xog kale uu kuu keeno maanta af qaleel ah markaad ku soo qabtid, hadana ninkii aad xirtay la sii daayo shaqadaas waa waxba kama jiraan, qofkii xogta kuu keenay halis buu galayaa markii arko ninkii Shabaabka ahaa oo Magaalada dhexmaraayo, waxaa ka shaqeeya arimahaasi sii deynta Shabaab, Wasiir, Xildhibaan, Agaasime Wasaaradeed, Ugaasyo iyo Odayaal.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Wardhiigley.

Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa horay u sheegay Xubnaha Dowladda ka tirsan inay ka waantoobaan daba orodka ragga Shabaabka ka tirsan ee laamaha ammaanka ay gacanta ku soo dhigaan.

Inta badan Ragga Shabaabka ah ee la soo qabto ayaa qaab damaanad ah looga sii daayaa xarumaha ciidamada ee Muqdisho, waxaana damiinta dad kale oo Dowladda ka tirsan.

XIGASHO:DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip