Faah-faahin: Duqeyn iyo dagaalka ka dhacay duleedka Gaalkacyo
Guddoomiyaha waxa uu sheegay Diyaarado dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Mareykanka ee Saldhiga ku leh Garoonka C/laahi Yuusuf ee Magaalada Gaalkacyo inay duqeyn ku asqeeyeen labo gaari oo ay saarnaayeen ciidamada Maamulka Galmudug oo ku sugnaa Deegaanka Jeexdin.
10 Askari oo ka tirsanaa ciidanka Galmudug ayaa halkaasi ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo shacab ah, waxaana uu sheegay inaysan garan karin sababta rasmiga ah ee ciidamada Galmudug loo soo bartilmaameedsaday.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug C/raxmaan Maxamed Axmed, ayaa sheegay gaadiidkii ay la socdeen ciidamadaasi in gabi ahaanba ay basbeeleen, kadib markii Duqeymaha lala dhacay.
"Ciidamo Galmudug ayaa la soo weeraray Xero ciidanka ay ku leeyihiin dhinaca Bari ee Magaalada Gaalkacyo labo Baabuur ayaa la duqeeyay 10 nin ayaa meesha ku dhintay oo hada meydkooda bac aan ku aruurinay Diyaarado ayaa duqeeyay, Diyaaradaha Mareykanka waaye ee Garoonka Gaalkacyo Saldhiga ku leh.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Gaalkacyo ee Galmudug.
Masuulkaan ayaa sheegay wax qarsoon inaysan aheyn dadka la laayay inay yihiin ciidamo Galmudug ka tirsan, isaga oo meesha ka saaray jiritaanka wararka la xiriira in xubno Shabaab ka tirsan goobtaasi lagu duqeeyay.
Xaalada Deegaanka Jeexdin ayaa degan oo saaka aroortii dagaal uu ka dhacay, kadib markii maleeshiyaad careysan oo ka carooday Duqeynta lagu laayay ciidamada Galmudug ay la dagaalameen ciidamo Puntland ka tirsan.
XIGASHO:-DHACDO.COM
Faah-faahin: Duqeyn iyo dagaalka ka dhacay duleedka Gaalkacyo
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn iyo Dagaal ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, iyadoo duqeynta ay ka dhalatay Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin Galmudug ka tirsan.