Mareykanka: Muslimiin maxkamadi ka hor istaagtay inay tukadaan waqtiyada shaqada
Haweeney xaakim ah ayaa diiday in Soomaali ka shaqeeya warshad hilib ay tukadaan inta lagu jiro saacadaha shaqada.
Haweeneydaa
xaakimka maxkamada ah ayaa sidii shirkadaasi rabtay yeeshay ayadoo ka
horistaagtay in shaqaalahaa Soomaali Mareykanka ah ay salaadaha 5ta
waqti tukadaan xilliyada shaqada ayadoo shaqadoodu tahay in hilib ay
warshadeeyaan.
Eed
iyo dacwo soo taagneyd muddo dheer ayay ahayd tani ayadoo Soomaalidu ay
kiiska maxkamad geeyeen kadib markii laga hor joogsaday salaadooda iyo
cibaadada Alle.
Haweeneyda xaakimka ah ayaa xukuntay asbuucii lasoo dhaafay gudaha maxkamad kutaala Omaha in aysan arag wax caddeyn ah oo muujinaaya in arintaasi tahay takoor.
Shirkada hilibka ayaa lagu magacaabaa JBS USA. Shirkada ayaa waxaa dacwadaa ka dhanka ah maxkamada la geeyay Agoosto 2010.
Arinkaa ayaa saameeyay Soomaali gaaraya 80 oo halkaa ka shaqeynaayay.
Mareykanka: Muslimiin maxkamadi ka hor istaagtay inay tukadaan waqtiyada shaqada
Haweeney xaakim ah ayaa diiday in Soomaali ka shaqeeya warshad hilib ay tukadaan inta lagu jiro saacadaha shaqada.