Wasiirkii hore ee A. Dibadda oo lagu ammaanay gudbinta Gal-dacwadeedkii Badda ee Maxkamadda ICJ

0
Wednesday September 28, 2016 - 09:57:00 in Maqaallo by
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirkii hore ee A. Dibadda oo lagu ammaanay gudbinta Gal-dacwadeedkii Badda ee Maxkamadda ICJ

    Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu ammaanay sida xil kastnimada iyo wadani-nimadu ku dheehneyd ee uu u waajahay arrinta muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa lagu ammaanay sida xil kastnimada iyo wadani-nimadu ku dheehneyd ee uu u waajahay arrinta muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, isaga oo ahaa Wasiirkii u gudbiyay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada "International Court of Justice" Dooda Dowladda Soomaaliya ee laga hor jeediyay todobaadkii hore ee dhegeysiga doodaha labada wadan.
  Intii uu hayay xilkaasi Dr. C/raxmaan Beyle ayaa sidoo kale dacwado ka gudbiyay Shirkaddo dhowr ah oo dalal kala duwan ka socday, kuwaasoo heshiis shidaal baaris ah la galay dowladda Kenya, taasoo keentay in inta badan shirkaddahaasi ay shaqada joojiyaan kadib markii Q/midoobay ay u qortay qoraalo digniin ah oo lagu farayo inay shaqadaasi hakiyaan inta laga dhameynayo muranka xuuduud badeedka.

Dr. Afyare A. Cilmi oo ah Professor wax ka dhiga Jaamacadda Qatar (Qatar University), ayaa bogaadiyay kuna ammaanay dadaalkiisii iyo dhiiranaantii uu ka muujiyay gudbinta Feylka Dacwada Badda ee dooda Soomaaliya kala hor tagtay todobaadkii hore Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ).

"Nasiib wanaag ka hor imaatinkii iyo joojintii Baarlamaankii FKMG ahaa ee xilligii dowladduu uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmad waa ay hakisay mashruuca Kenya, sidoo kalena bilowgii hore ee dowladda Xasan Sheekh waxa ay ka hortimid heshiiskii is fahamka "MOU”, waxaana uu qoray Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Dr. C/raxmaan Beyle in heshiiska MOU-ga uu yahay mid aan la tixraaci karin, loona cuskan karin dooda Badda” ayuu yiri Proffesor Afyare Cilmi oo ka hadlayay arrinta Badda.

Dadka ku xeel dheer arrimaha sharciga ayaa sheegay in Soomaaliya ay xilligan ku baraarugsantahay khataraha ka imaan kara heshiisyo deg deg lagu saxiixo, si la mid ah shacabka Soomaliyeed waxay iyaguna doonayaan inay helaan dowlad Hanan karta ammaanka Badda, Berriga iyo Hawada si loo illaaliyo Madaxbanaanida, Qaranimada iyo Midnimada dalka.

Soomaaliya iyo Kenya waxa ay wadaagaan xuduud dhanka Badweynta Hindia iyo mid dhuleed, waxaana ka dhaxeeya xiriir Diplomaasiyadeed iyo iskaashi dhinacyo badan leh, hayeeshee Kenya ayaa tan iyo sanadkii 1975-tii ku hamineysay gacan ku dhigista barta kheyraadka shidaalka Ceegaago ee Badweynta Hindia ee ay leedahay Soomaaliya.

 

Wariye madax-banaan

Soomane Cabdi Cige

Nairobi, Kenya

E-mail: soomanecige@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip