Faah faahin dilkii Wariye C/casiis Maxamed Cali loogu gaystay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday September 28, 2016 - 09:33:45 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah faahin dilkii Wariye C/casiis Maxamed Cali loogu gaystay Magaalada Muqdisho

    Inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan cidda dhabta ah ee dishay C/casiis Maxamed Cali (Xaaji) oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle, ayaa waxay hadana faah faahin ka soo baxaysaa qaabka uu dilkiisu u dhacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan cidda dhabta ah ee dishay C/casiis Maxamed Cali (Xaaji) oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle, ayaa waxay hadana faah faahin ka soo baxaysaa qaabka uu dilkiisu u dhacay.

Nin degan xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, ayaa warbaahinta  qaar ka mid ah u sheegay in laba nin oo la socotay dhugdhugley, ay Wariyaha ku soo weerartay maqaaxi uu fadhiyay gelinkii dambe ee shalay.

Goobjoogaha, ayaa yiri "Horta dilka wuxuu dhacay iyadoo daqiiqado uun ka harsan yihiin 5-tii galabnimo. Wariyaha la dili doono waxaa la socday wiil kale, waxayna fadhiyen maqaaxi ku taala meel ku dhow Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee xaafadda Towfiiq.”

"Laba nin oo watay mooto ayaa yimid maqaaxidii, waxayna dileen Wariyaha oo keliya, wiilkii la socdayna waxba maysan gaarsiinin, mootadii ayayna ku baxsadeen.”

"Shan xabadood ayay ku dhufteen, waxayna uga kala dhufteen madaxa iyo feeraha. Meesha ayuuna ku dhintay, Allaha u naxariisto.”

"Dadka deegaanka waxba kalama soconin in qofka la dilay uu yahay Wariye C/casiis Maxamed Cali, Salaaddii Maqribka ka dib ayaan ka maqalnay Idaacadaha oo sheeg sheegaya in ninka la dilay uu ahaa Wariye.”

Dhanka kale Wariyaha oo deganaa Degmada Waaberi, ayaa afartii cisho ee la soo dhaafay nasasho ahaan u joogay hoy uu adeerkii leeyahay, oo ku yaala xaafadaasi Towfiiq.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), ayaa si xoogan u cambaareeyay dilka Magaalada Muqdisho loogu gaystay Wariye Xaaji, waxayna laamaha ammaanka ugu yeereen in cadaaladda la horkeeno dembiile-yaasha.

Arbacada maanta ah, ayaa waxaa lagu wadaa in Suxufiga lagu aaso Khabuuraha Iskuul Polizio, oo ku yaala Degmada Xamar Jajab.

xaaji1




Weriye Cabdi Casiis (Shabelle Sawir)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip