WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 28-KA SABTEMBAR 2016-KA

0
Wednesday September 28, 2016 - 09:13:23 in Wararka by
  • Visits: 541
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 28-KA SABTEMBAR 2016-KA

    WARIYE KA TIRSAN IDAACADDA SHABEELLE OO XALAY MUQDISHO LAGU DILAY Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa maqribnimadii xalay magaalada Muqdisho ku dilay war iye ka tirsanaa idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho. Wariyaha la dilay oo lagu magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WARIYE KA TIRSAN IDAACADDA SHABEELLE OO XALAY MUQDISHO LAGU DILAY Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa maqribnimadii xalay magaalada Muqdisho ku dilay war iye ka tirsanaa idaacadda Shabeele ee magaalada Muqdisho. Wariyaha la dilay oo lagu magacaabayay C/Casiis Maxamed Cali Xaaji ayaa kamid ahaa war iyaasha Idaacadda Shabeele, waxaana dilkisa ka dambeeyay rag bastoolado ku hubeysan. Dad goobjoogayaal ay ayaa sheegay in wariyaha lagu dilay agagaarka Jiiro Garoob oo ka tirs an degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Lama oga sababta dilka wariyaha ka dambeysa, balse kooxxaha dilka geystay ayaa ka baxday goobta falka uu ka dhacay.

Idaacadda Shabeele oo kamid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa la dilay wariyaasha ugu badan ee lagu dilay magaalada Muqdisho.

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO MAMNUUCAY DUKUMENTIYADA BEEN ABUURKA EE LOO YAQAANO CABDALLA SHIDEEYE

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shalay ku dhawaaqay inuu mamnuucay dukumentiyada be en abuurka ah ee loo yaqaano Cabdalla Shideeye ee ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca Siyaasada iyo Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diir iye oo wariyeyaasha kula hadlayay Suuqa Bakaaraha oo shalay ciidamada ammaanka howl ga llo ka sameeyeen ayaa sheegay in gebi ahaanba la mamnuucay dukumentiyada been abuurka ee la gu sameeyo Cabdalla Shideeye.

Waxaa uu uga digay dadka ku shaqeysta been abuurka Cabdalla Shideeye inay sii wadaan ho wlaha sharci darada ah ee ay hayaan, waxaana uu xusay in cidii ay ku qabtaan ay ka qaati doonaan tallaabo sharci ah.

"Waxaa uga digeynaa dadka ku howlan shaqada been abuur ee Cabdalla Shideeye, in shalay wixii ka dmabeeya aan la tiigsan doono sharciga, hadii ay sii wadaan howlahan sharci darada ah”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale Afhayeenka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Hey’a daha ammaanka ay il gaar ah ku heyn doonaan dadka ku howlan been abuurka Cabdalla Shideeye, isla markaana wixii hada ka dambeeya loo soo jeesan doono, tallaabo cadna laga qaadi doono.

 Tan iyo bur burkii dowladdii dhexe ayaa dadka waxyaabaha ay u baahan yihiin ee dukument iyada sida waraaqaha dhalashada, shahaadooyinka, baasaboorada waxay ahaayeen kuwo lagu sameynayay Suuqa Cabdalla Shideeye oo sidoo kale laga helo saxiix walba oo Mas’uul horay xilal u soo qabtay

HOWLGALKII SUUQA BAKAARAHA OO LAGU SOO QABTAY DAD BARTILMAAMEED AHAA

Ciidamada ammaanka Somaliya oo Salaadii Subax ee shalay howlgal ka bilaabay Suuqa Bak aaraha iyo guud ahaan wadooyinka soo gala, ayaa howlgalkii ay ka sameeyeen Suuqaasi waxa ay ku soo qabteen dad Bartilmaamed ahaa oo ciidamada ay doon doonayeen.

Guud ahaan Shalay waxaa la xanibay ganacsigii Suuqa Bakaaraha iyo isu so codkii dadka iyo gaadiidka, waxaana loo diidaayay dadka inay gudaha u galaan Suu qa Bakaaraha ama ay ka soo baxaan, balse dadka oo dhan goobo kala duwan ayaa la isugu geeyay oo ciidamada ay ku kala saarayeen.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda NISA ayaa sheegay howlgalka inuu ahaa qorsh ihiisa bartilmaameed gaar ah oo laamaha ammaanka Dowladda ay bartilm aameedsanayeen.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in howlgalkaasi lagu soo qabtay saddex ruux oo ciidamada ammaanka ay doonayeen, kuwaasi oo hada gacanta ciidamada NISA ku jira, loona kaxeeyay xar umaha Baarista ee Muqdisho.

Inkastoo Saxaafadda weli aysan la hadlin Saraakiisha NISA, ayaa hadana saddexda ruux ee la qabtay waxaa la aaminsan yahay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, ayna ku sugnaayeen Su uqa Bakaaraha ee Muqdisho oo howlgalka baaxadiisa uu ka dhacay.

Dad fara badan oo ganacsato iyo dukaameysato u badnaa oo ciidamada ammaanka ay gacan ta ku dhigeen ayaa la sii daayay, kadib markii ay mareen baaritaanada ku aadan kala saarista dadka la qabtay.

Ciidamada Sirdoonka iyo Nabad Suggida Qaranka Somaliyed ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgalada ammaanka ay ku xaqiijinayaan ee ay ka sameeyaan ciidanka Muqdisho

TALISKA CIIDANKA XOOGGA DALKA SOOMALIYEED OO KA WARBIXIYAY HOWLGAL LAGA FULIYAY GOBOLKA JUBBADA HOOSE

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal qorshays an oo cutubyo ka tirsan Ciidamada XDS gaar ahaan kuwa Danab ay ka fuliyeen tuulada Gaanjoro on oo hoos tagta deegaanka Beerxaano ee Gobolka Jubbada Hoose.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Cali Baashi Maxamed oo la hadlay Wakaaladda SONNA ayaa sheegay in Ciidamada sida gar gaarka ah u tababar ee Danab ay howlgal ka fuliyeen saldhig Alshabaab ay ku lahaayeen tuulada Gaanjoroon oo hoos tagta deegaan ka Beerxaano ee gobolka Jubbada Hoose islamarkaana ujeedka howlgalkaas loo fuliyay lagu guuley stay.

Janaraal Cali Baashi Maxamed Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in Ciidamda ay howlgalladaasi ku qaarijiyeen sided ka tirsan Alshabaab, islamarkaana ay nolosha ku soo qabteen tiro kale oo ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Diyaarado ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa Todobaadkaan Gudihiisa du qeyn ka fuliyay deegaanka Gaanjoroon oo ku yaalo duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jub ada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya, oo kamid ah goobaha ay ku xoogan yihiin dagaalyahana da Xarakada Alshabaab

RA’IISUL WASAARAHA OO KA HORYIMID IN XILDHIBAANADA HIIRAAN IYO SH/DHEXE LAGU SOO XULO MUQDISHO

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ka horyimid soo jeedintii ka timid qaar ka mid ah Oday dhaqameedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ahaa in Xildhibaanada goboladaas lagu soo xulo magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashooyinka dadban oo la kulmay qaar ka mid ah madax dhaqameedyada ayaa ka aqbalay soo jeedinta, iyadoo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo fadhigiisu yahay magaalada Beledweyn uu ka soo horjeestay.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiran iyo Sh/Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka looga baahan yahay inay wadata shi la sameeyaan Odayaasha dhaqanka labada Gobol ee ku jira liiska 135ta, kadibna natiijada ka soo baxda wada tashigoodana ay u soo gudbiyaan dowladda Federaalka.

"Waxaa u mahad celinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga doorashooyinka 2016, hase ahaatee waxaa rabaa inaan faro oo aan u caddeeyo Guddiga inay ilaaliyaan Go’aanadii lagu gaaray Madasha Wadatashiga Qaran oo lagu caddeeyay in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qaban ayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowlad da federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku booriyay Guddiga doorashooyinka inay wada tashi la yeeshaan dhamaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, uguna tagaan goob kasta oo ay joogaan, sidii horay loogu heshiiyey.

Madaxda dowladda ee xilkooda dhamaaday, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay aa waxaa u dhaxeeya loolan xooggan oo ku aadan doorashada, maadaama ay yihiin Musharaxiin Madaxweyne, waxaana labada dhinac horay uga soo baxay xafiisyadooda qoraalo lidi isku ah.

BEESHA CAALAMKA OO KA HADASHAY GO’AANKII GUDIGA DOORASHOOYINKA DALKA

War Qoraal ah oo kasoo baxay xubnaha daneeyo arimaha Soomaaliya ayaa looga hadlay dib u dha ca kooban ee markale ku yimid doorashooyinka dalka, waxaana qoraalka uu u qornaa sida tan:

Beesha Caalamka ayaa rajo wanaagsan ka muujisay in Dib u dhac kale uusan ku imaan doon in Doorashooyinka sanadkan 2016ka la filayo in ay Dalka ka dhacaan.

War kasoo baxay Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur Goboleedka IGAD, Boqortooyada Engriiska, iyo Mareynkanka ayaa lagu sheegay in ay markale uusan dib u dhac ku imaan doonin Doorashada Soomaaliya, oo Bisha November ee soo socota aysan ka dib mari doonin.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda Dowladda Soomaaliya ugu baaqday in ay ilaal iyaan waqtiga Doorashada, waxayna ku taliyeen in Doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynahaay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.

Xubnaha Beesha Caalamka ayaa horey u sheegay in ay bixiyeen Boqolkiiba Lixdan lacagta ku bixi laheyd Doorashada Soomaaliya, iyagoo sidoo kale codsaday in Doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.

Soomaaliya waxa ay galaysaa waqti kala guur ah waxaana lagu wadaa in dalka ay ka dhacaan Doorashooyin Bilaha October iyo November.

Guoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhegey) oo daraad warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Doorashada Aqal ka Sare in ay dhici doonto 5ta October, Mid Baarlamaankana ay dhici doonto 10ka ilaa iyo 23ka Nov ember, mida Labada Aqalna ay dhici doonto 23ka November iyo mida ugu dambeysa oo ah tan Mad axweynaha waxay dhici doontaa 30ka November.

BOOLISKA BOOSAASO OO SOO BANDHIGAY CARUUR LA SOO XADAY ..

Taliska Qaybta Booliska Gobalka Bari ee Puntland, ayaa soo bandhigay Caruur sida Booliska ay sheegeen la soo xaday, kuwaasi oo la soo gaarsiiyay Saldhiga Booliska Boosaaso.

Carruurtan ayaa isugu jiray labo gabdhood oo jira min hal sano iyo wiil jira seddex sano, waxa ana si wada jir ah warbaahinta ugu soo bandhigay Guddoomiye ku xigeenka gobalka Bari, ku xigeenka duqa degmada Boosaso iyo taliye ku xigeenka qaybta gobalka Bari .

Axmed Cabdullaahi Cirro Guddoomiye ku xigeenka Gobolka ayaa sheegay in carruurtan sal dhiga ay so gaarsiisay mid ka mid ah haweenka magaalada Bosaso, si waalidkooda loogu raadiyo.

"Qof dumar ah ayaa inoo keentay oo ka soo dhigtay shaqsiyaad soo xaday carruurtan waxaa na ka codsanaynaa ciddi aqoon u leh carruurtan in ay nala soo xiriiraan si waalidkooda loogu waree jiyo.” Ayuu yiri Axmad Cabdullaahi Cirro gudoomiye ku xigeenka gobolka

Guddoomiye xigeenka koowaad ee gobolka Bari Axmed Cali Cabdullaahi oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Puntland uu ka xun yahay in la dhibaateeyo carruur Soomaaliye ed islamarkaana ay kaalin ka ciyaari doonaan sidii carruurtaasi waalidkooda dib loogu celin lahaa.

MADAXWEYNE XASAN OO KA HADLAY DHISMAHA MAAMULKA HIIRAAN IYO SHABELLAHA DHEXE

 Iyadoo Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Xasan Sheekh Maxamuud, ay ku eedeeyeen Dow ladda Federalka Somaliya inay dedejinayso dhismaha Maamulka loo sameyn aayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, ayaa Madaxweynaha Somaliya Xasan She ekh Maxamuud oo ka hadlay arimahaasi wuxuu sheegay Dowladda inaysan wadin qorshe ay ku dedejinayso dhismaha Maamulkaasi.

Wareysi uu siiyay Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dalka Tvga Bulsho, ayaa wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in Dowladda Somal iya ay wado qorshe ay ku doonayso inay si dhaqso ah ku dhisto Maamulka, iya doo dadka dega Goboladaasi aysan qanacsaneyn.

"Shirka Maamul u sameynta Labada Gobol Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe waxaa lagu heshiiyay in Maamul loo sameeyo Bishii August ee sanadkii hore, sanad iyo jar jar aya an ka soo wareegtay, intaa wada hadal dadaal, isqancin ayaa socday marka ma garanaayo sabab hada loo yiraahdo dedejin ayaa ka muuqatay , maalin waliba inbaa la qancinaayay maalin waliba inbaa lala shiraayay iyaga ayaa go’aansaday sida ay wax u wadagaayaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federalka Somaliya iyo IGAD aysan faragelin toos ah ku laheyn arimaha Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, balse Dowladda kaalinta ay ku leedahay ay tahay korjoogteynta iyo ka warqabka Shirkaasi.

"Dowladda Iyo Urur Goboledka IGAD iyo Beesha caalamka korjoogteyn iyo Hagid bay ku leey ihiin, marka wado dheer ayaa la soo maray daraad lama bilaabin sanad ka hor ayaa la soo bilaabay, marka marnaba laguma deg degin dhismaha Maamulka.” Ayuu yiri Hadalkiisa sii raaciyay Madaxwe ynaha.

Madaxweynaha Somaliya ayaa sheegay dadka maamulka loo sameynaayo inay yihiin reer Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, hadana ay ku shirsan yihiin Magaalada Jowhar oo arimahaasi ay u fadhiyaan.

"Anaga waxaan qabnaa labadaasi Gobol dadkii u dhashay oo taladooda iyo codkooda lahaa inay fadhiyaan Magaalada Jowhar waa Maamul aan rabno inuu aad u cadaado oo dadka dhan ay wada joogaan oo Saxaafadda ay wada joogaan, Fagaare iyo maalin cad in lagu gaaro go’aanada la gaaro iyo cida la dooranaayo.”

Waxaa jirta Dhaliil badan oo ku aadan in Dowladda Federalka Somaliya ay faragelin toos ah ku hayso dhismaha Maamulka Hiiran iyo Shabellaha Dhexe, si Xildhibaanada Dowladda dhexe ka soo galaya Baarlamaanka codkooda uu ugu tashto Madaxweyne Xasan.

SHABAAB OO MADAAFIIC KU GARAACAY SALDHIGA CIIDAMADA ITOOBIYA EE DEEGAANKA HALGAN

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan, Ururka Al Shabaab ayaa tiro mad aafiic ah waxa ay ku garaaceen Saldhiga ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolkaasi.

Madaafiicdaan ayaa Shabaabka waxa ay ku garaaceen shalay aroortii Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee Halgan, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab duleedka Deegaankaasi ay ka soo tuureen dhowr Madaafiic ah.

Dadka ku nool Deegaanka Halgan ayaa Warbaahinta u sheegay in Dhowr madfac ay soo dhac een, balse aysan ogaan karin Khasaaraha rasmiga ah ee ciidamada Itoobiya ka soo gaaray Madaa fiicdaasi ku soo dhacday Saldhiga ay ku sugan yihiin.

Madaafiicda kadib ayaa ciidamada Itoobiya waxa ay ku dhaqaaqeen jihadii ay ka soo dhaceen Madaafiicda, inkastoo aanan la ogeyn inay la kuleem Raggii Madaafiicda soo tuuray iyo in kale.

Al Shabaab ayaa Idaacada Andalus ee afkooda ku hadasha waxa ay ka sheegeen tiro Madaa fiic inay gudaha ugu dhacday Saldhiga ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanka Halgan.

Xaalada Deegaanka Halgan ayaa degan, balse ciidamada Itoobiya ayaa wada dhaq dhaaqyo Millateri oo ay ugu roondeynayaan wadada laamiga ah iyo wadooyinka dhanka howdka xiga.

Ururka Al Shabaab ayaa xilliyada qaar sidan oo kale Madaafiic ugu garaaca Saldhigyada ciida mada Itoobiya ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

JAALIYADA SOOMAALIDA EE MOMBASA OO ISKA FOGEEYSAY INAY ISKAASHI SIYAASADEED LA LEEDAHAY AXZAAB GAAR AH

Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Mombasa, waa caasimada 2aad ee Kenya ayaa inkirtay amaba iska fogeeysay inay leedahay wali wax mowqif siyaasadeed ah.

Waxaa kujira ayay tiri arinkaa ama soo galaya inaysan lahayn murashax gaar ah oo ay u cod eyn doonaan xubnaha jaaliyadu ama ay si guud ugu taageerayaan inuu qabto xilka dalka Kenya san adka dambe doorashada guud markii la gaaro hadii Alle idmo.

Sidaa ayaa maalintii daraad ahayd gaar ahaan galinkeedii dambe ay u sheegtay jaaliyadu war baahinta maxaliga ah ee dalkan Kenya.

Maxamed Cabdi waa guddoomiyaha jaaliyadaa. Wuxuu sheegay in wali aysan go'aansan qof ka ay madaxweynenimada ugu codeyn doonaan iyo dadka ay ugu codeyn doonaan kuraasta kale.

Wuxuu guddoomiyuhu ka hadlaayay hoteel ka mid ah hoteelada Mombasa daraad asaga iyo Haajir Macoow iyo C/Nuur Cali oo wakiilo sare jaaliyada uga ah amuuraha dhallin yarada.

Shalay oo Salaaso ah ayaa Mr. Maxamed Cabdi iyo labo mas'uul oo kale oo jaaliyada ka tirs an waxay niqaashi doonaan sida lagu wado arimo saameyn ku leh jaaliyada.

Amuurahaa shalay lagu wado inay ka wada hadlaan ayaa waxaa kujira ammaanka iyo in jaali yadu la shaqeyso hayadaha dawlada.

WASIIRKA WARFAAFINTA OO CAMBAAREEYAY DILKA WARIYE C/CASIIS MAXAMED CALI XAAJI

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa si kulul u Cabmeeyay dilka Wariye C/casiis Cali Xaaji oo ka tirsanaa howlwadee nada Shabakadda Warbaahinta Shabeelle, kaas oo galinkii dambe ee shalay kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in falkaas uu yahay mid si weyn uga soo horjeeda Islaanimada, waxa uuna xusay in Dowladda Soomaaliyana aysan meel uga hari doon in kuwii ka dambeeyay dilka wariyaha islamarkaana sharcigana la hor keeni doono.

Wasiirka ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelada iyo Qaraabada uu ka baxay wariye C/casiis Xaaji, waxa uuna Alle uga baryay in uu ka waraabiyo jannatul fardowso.

Falalka nuucaan oo kale ah ee lagu dhibaateeyo wariyayaasha ayaa aalaba ka dhaca gudaha Magaalada Muqdisho

MAXKAMADDA DAMBIYADA ICC OO KU RIDAY XUKUN XABSI AH RUUX BURBURIYAY GOOBO TAARIIKHI AH

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee Xarunteedu tahay Magaalada Hague ee Wadanka Netherlands, ayaa sagaal sannadood oo xabsi ah ku xukuntay, Ahmed Alfaqi AlMahdi oo lagu helay dambi ah inuu burburiyay goobo taarikhi ah oo dalka Maali ku yaalla.

Axmed AlMahdi, ayaa xilligaas uu burburinayo goobahan taariikhiga ah wuxuu ka tirsaanaa ko oxda Islaamiga ah ee Ansaaru Diin ee ka dagaalanta Maali. Isagoo qirtay inuu ka tirsanaa Dagaal a hanada Islaamiga ah ee Ansaaru Diin uuna amray in la burburiyo goobahaas Taariikhi ah.

Sidoo kale, Goobahan la burburiyay ayaa waxaa ka mid ahaa goobo diimeed oo magac ku leh wadanka Maali, kuwaasoo ku yaallay magaalada Qadiimiha ah ee Timbaktu, intii u dhexeysay San adihii 2012kii illaa 2013kii.

Dacwadoogaha Maxkamadda ICC, Fatou Bensouda ayaa Sheegtay in Ninkaan Maxkamad eyntiisa ay tahay mid muhiimad weyn u leh maxkamadani.

Waa markii ugu horreysay oo maxkamaddaan ay soo dacweyso ayna eedeyso ruux burburiy ay Goobo Taariikhiga ah. Sidoo kalena waa markii ugu horreysay oo qof maxkamaddan lasoo taag ay uu dambigii lagu soo eedeeyay qirto.

Maxkamadeynta Axmad AlMahdi ayaa intii ay socotay wuxuu shacabka reer Mali u jeediyay Raallligelin, Wuxuuna ka dalbaday in ay cafiyaan, laakiinse wuxuu ku dooday inay jahwareeriyeen dad aan Quneyn.

Ugu dambeyn, Dacwadoogayaasha Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC ayaa weydiistay maxk amadda inay ku riddo ninkan 11 sano oo xarig ah.

URURKA SUXUFIYIINTA QARANKA (NUSOJ) OO CAMBAAREEYAY DILKA WARIYE C/CASIIS MAXAMED CALI XAAJI IYO AAS MAANTA LOOGA SAMEYNAYO…

Inkastoo aan weli si rasmi ah loo ogaan cidda dhabta ah ee dishay C/casiis Maxamed Cali (Xa aji) oo ka tirsanaa Idaacadda Shabelle, ayaa waxay hadana faah faahin ka soo baxaysaa qaabka uu dilkiisu u dhacay.

Nin degan xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, ayaa sheegay in laba nin oo la socotay dhugdhugley, ay Wariyaha ku soo weerartay maqaaxi uu fadhiyay gelinkii dambe ee shalay.

Goobjoogaha, ayaa yiri "Horta dilka wuxuu dhacay iyadoo daqiiqado uun ka harsan yihiin 5tii galabnimo. Wariyaha la dili doono waxaa la socday wiil kale, waxayna fadhiyen maqaaxi ku taala me el ku dhow Isgoyska Miisaanka Dhuxusha ee xaafadda Towfiiq.”

"Laba nin oo watay mooto ayaa yimid maqaaxidii, waxayna dileen Wariyaha oo keliya, wiilkii la socdayna waxba maysan gaarsiinin, mootadii ayayna ku baxsadeen.”

"Shan xabadood ayay ku dhufteen, waxayna uga kala dhufteen madaxa iyo feeraha. Meesha ayuuna ku dhintay, Allaha u naxariisto.”

"Dadka deegaanka waxba kalama soconin in qofka la dilay uu yahay Wariye C/casiis Max amed Cali, Salaaddii Maqribka ka dib ayaan ka maqalnay Idaacadaha oo sheeg sheegaya in ninka la dilay uu ahaa Wariye.”

Dhanka kale Wariyaha oo deganaa Degmada Waaberi, ayaa afartii cisho ee la soo dhaafay na sasho ahaan u joogay hoy uu adeerkii leeyahay, oo ku yaala xaafadaasi Towfiiq.

Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), ayaa si xoogan u cambaareeyay dilka Magaalada Muq disho loogu gaystay Wariye Xaaji, waxayna laamaha ammaanka ugu yeereen in cadaaladda la horkeeno dembiileyaasha.

Arbacada maanta ah, ayaa waxaa lagu wadaa in Suxufiga lagu aaso Khabuuraha Iskuul Polizio, oo ku yaala Degmada Xamar Jajab.

UK OO KA WALAACSAN DIB U DHACA DOORASHADA SOMALIA

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay dib u dhaca ku yimid doorash ada Soomaaliya islamarkaana ay beesha caalamku dooneyso inay ogaato sababaha dib u dhaca ke enay.

Hadalkan ayaa waxaa warbaahinta magaalada New York ugu sheegay ku xigeenka wakiilka joogtada ah ee Britain u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Peter Wilson.

Mr. Wilson waxa uu sheegay in beesha caalamku ay garwosantahay in dhabaha Soomaaliya ay uga soo baxeyso colaadda ee xasiloonida ku hogaaminaya uu yahay mid dheer.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay horumar sameysay marka la bar bar dhigo maanta sidii ay aheyd 2011kii 2012kii.

Waxa uu sheegay sababta doorashada dib u dhigtay ay tahay dhibaato aan horey loo fileyn – laakiin beesha caalamku ay dooneyso inay fahamto.

Waxa uu sheegay in dhinacayada daneeya arrimaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ay wada tashiyo ka yeelanayaan arrimahan, iyadoo dowladda Britianna ay hindise ku aadan jawaabta laga bixinayo u gudbineyso Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

QABIILKA, QABYAALADA IYO XALKA QABIILKA:

Qabiil hadduu magaala deganyahay waxa la yiraa wuxuu leeyahay shiid iyo shaambaay. Had dii qabiilku miyiga degen yahay waxa uu leeyahay deegaan lagu yaqaan iyo soohdin , Tub iyo Ceel, sumad xoolaaha lagu dhigu, sumadaa waxaa kale oo lagu dhigaa kaxda ceel, dhagxaha, geedaha iyo dudumaha , xiriirka dibada ee qabiilada kale waxaa u xilsaaran Duubka oo badanaa dhaxal ku yimaada, arrimaha gudahana nabadoonka, oo xulid ku yimaada, laakin qabiilada oo dhami ma qabaan Duub labada xilna waxaa isku haya nabaddoonka.

Laakin markii dowladu tiri:: duubaa wax soo xulaa ayaa la wada sameeystay, kadibna markii la yiri nabadoonada loo baahan yahay iyana waa bateen oo duub barar iyo oday barar ayaa dhacay (inflation of elders).

Dhaqankii hore ee xeerka qabiilada somaalida waqtiga dagaalka waxaa jiray kuwa loo yaqaan Biri Ma geeydo oo aan la dilin, waxaa ka mid ahaa: Macallin dugsi quraan iyo ardaydiisa, dugsigana colka duulaanka ihi ma dhax gali jirin, Daharada lama gali jirin, reera aan rag la joogin xataa guriga lama baari Karin, haween, duub, waayeel, suugaanleeyda iyo maganta reerahaa iyana lama dili jirin, (kuwa hadda dagaalamaya dhaqankaa lama barin). baadida waqtiga colaada waa la isku celin jiray, xataa waa la waraabin jiray haddii baadida cidda lala dagaalamayo ceelka timaad illeyn waa xaya waan oomane.

Waqtiyadaa waxaa kale oo qadarin ku lahaa qabiilka dhaxdiisa Culumada, suugaanleeyda, fa alshoowga, ula guduuda, garguduuda, haweenka abaay abaayda, umula salaam, waxaa kale oo jir ay taakuleyn ama deeq la siiyo qofkii xantiira ( faqriya), waxbaa loo uruurin jiray si uuna faqri dartii uga qixin qabiilka, ileyn hadduu tago waxaa yaraanaya xubnihii qabiilka (clan members), hadduu xo ola beelo ama uu irmaan beelo marka hore waxaa deg deg loo siin jiray xoola maashi ah, haddii guri ka gubto, agab cusub ayaa loo ururinayaa. Waxaa jiray Barbaar si mutadawac ( voluntary ) ah ugu di yaar ah goobiska beeraha iyo isla shubka xoolaha.

Xeerka soomaalida waxaa jiray in qabiilku uu qaabilo qaxooti dhaqaale oo qabaa’il kale ah sida ( abaaraha), waxaa qabiilka martida loo yahay uu siin jiray ceel biyood u gaar ah oo ay cabaan, haddii ceelashu yaryihiina waxaa loo cayimi jiray waqti ugaar ah oo ay ka cabaan ceelasha sida habeenkii, haddii qof eed ka soo cararay uu ka yimaad qabiil aan deris la aheyn qabiilka waxaa la siin jiray degenaasho shuruud leh.

Waqtiyadii hore qabiilku ceeb ayuu iska illaali jiray, si ayna magac xumo ugu dhicin waxa uuna dhowri jiray maganta, masaafurka, martida iyo guurka deegaankiisa dhaxdiisa. qabiilku waa badan jiray waana yaraa jiray kala go’a qabiilku wuxuu bilaawdaa haddii jilib ka mid ahi dareemo isku fil naasho sida in 100 geel ah uu iska bixi karo, markaana waxaa ay noqdaan walaalo is garab daga is na kaalmeeya haddii midkood xaaladu ku adkaato, Sidaas ayuu ahaa dhaqankeenii hore ee qabiil ku.(qolyaha sheegta ururada xuquuqul insaanku dhaqankeenii hore wax haka barteen).

QABYAALADA:

Markii hore waxaa jiri jiray nabadoon ku shaqeeya mutadawac, awoodiisuna ku kooban tahay qabiilka dhaxdiisa, Waxaa bilaawday qaran nimo iyo in qabiiladu wax isku darsadaan, aadna looma lafa gurin sida wax la isagu darsanayo, maamulkii isticmaarka ayaa lagu bedelay dad somaali ah. Qabyaaladu waxa ay ka jirtaa xarumaha dowlada, degmo iyo gobal. Qofna ma dooran ka mid noqo shada qabiilkiisa, mana jecla in qabiilkiisa dartii loo wax yeeleeyo..qaar baase jecel in wax loogu qab to qabiilkiisa dartii.

Dowladii shibilka (19601969)waxa ay dareentay in aan laga maarmin shaqada nabadoonada waxa ayna bilaawday in laga wada diiwaan galiyo wasaarada arrimaha gudaha mushaar joogta ahna loo qoro. mid been ah lama sameyn Karin, tiraduna waa xadidneed, Nabdoonku qofka qaaraan diidka ah saldhiga ayuu geyn jiray, ii xir iyo ii soo daa asagaa lahaa. Marna qabiilka looma arkeyn dhib waxaase la diidanaa qabyaalada. Gabyaagii caanka ahaa, tima cade ayaa yiri: Dugsi male qab yaaladu waxay dubato mooyaane. Ma dhihin qabiil ee wuxuu yiri qabyaalad.

QABIIL IYO QABYAALAD

Dowladii shibilka waxaa bedelay dowladii kacaanka, kacaanku waxa uu duugay qabiilkii laakiin qabyaalada ma duugin. kacaankii qabiil ayuu ku tiirsanaa qabiil ayaana lagu dumiyay, haddii uu ma bda’ ku tiirsanaa lahaa wax aan mabda’ aheyn laguma ridi kareen. Intii mudda aheedba qabiilka nabadoonkaa ka masuul ahaa, qabyaaladana siyaasiga.

Waxaa xigay xaalada Hadda jirta.

Duubkii asalka ahaa ee gudaha deegaankiisa, geedka hoostiisa dhaqan ahaan caana geel lagu shubi jiray, waxa badalay ugaas loo yaqaan (Ugaas NIDO), oo caanaha gasaca Nidaha ee Hol land lagula shubo Hotel aan deegaankiisa aheyn ama Ugaaska Arrimaha dibada ee wadanka ka ba naanka lagu duubo, beesha caalamkana u booteeyo. Hadda ku dhaqanka qabiilka xoola dhaqatada ayaa u badan, qabyaaladana Diaspora, labadaa cirif ayaa loo dhaxeeyaa.

Waxaa la yiri: odayaashu 4.5 qabiilada wax ha ugu qaybiyaan, waxa ay aheyd qaybsi qabiil. laakin siyaasiyiintii ayaa qabyaaladeysay. Waxaa la sameeyay heshiis aan meelna ku qorneyn oo 4 wax lagu qaybsanayo, 4 xil, madaxweyne, Afhayeen Baarlamaan, Raisul wasaare iyo maxkamad sa re, 4 wasaaradood ee waaweynka la yiraa Gudaha, Dibada, Maaliyada, Gaashaandhiga, 4 ta taliye ciidan.. aaway (.5 kii ) horabe dulmiga u haa, qaybsigii qabiilka waa ku jiraan laakiin qabyaaladaa lagu foociyay. Waxaad maqlee mid ku leh ; yaa wax tari karo aan rabnaa xataa 4 walaalo ah, haddii laga rumeeyo 4 isku qabiil ah asagaa mucaarad kow ah, cadaaladna ma aha 4 walaal lafteedu illeyn waxbaa la isku darsadaye.

Waxaa xun in qofka ficilkiisa wanaag iyo xumaanba loo nisbeeyo qabiilkiisa, Waa in loo nisb eeyo asaga iyo cidii qabyaaladeeysay, ma ahan in ciyaartooyda iyo daqaatiirta 4.5 lagu qaybsado, qabyaaladeynta madaxdu, qabiilka laftiisa ayey dhib u tahay in yar oo dana gaar ah leh ma ahine.

Qabiil deegaan waa horumari karaa dadkiisana wax u qaban karaa, hadiise la qabyaaladeeyo wax qabadku waa burbur, Haddii wax qabadkii loo macneeyo qabyaalad sida :Idaacada, websiteka , jaamacada reer hebel ama hebel baa heysta wasaaradaa ama wasaaradii reer hebel, Iyada oo la fiir inayo ruuxa madaxda ka ah, waxaa dhici karta in kan saas leh laftiisu uga faaiida badan yahya kan madaxda ka ah, waxaa dhacda marka hore odayga dhaqanka ayaa siyaasiga sameeyay, sida xildhi baan iyo wasiir, laakin marka dambe siyaasiga ayaa sameeya xakuma odayga .

Maxaa u sabab ah qabyaalada: Jahli, kibir, cadaalad daro, baahi, isla weynin, nin tooxsi, dul mi, faan damac xil uuna aqoona u laheyn, wadada u furan waa in uu jaran jar qabiil ka dhigto, dhiba ato ayaa ka dhalanee doqon helay wax uuna xaq u leheyn.

Haddii baadiyaha aad maqasho: yaa tol aheey xoolaa la dhacay, laakin magaalda haddii aad maqasho yaa tol aheey qof ayaa raba xil uuna xaq u laheyn in uu tolkiis ka dhax dhaco ama tolkiis u soo dhacaan, dhibaatada ugu horeeysana isla iyaga ayuu la damacsanyahay.

XALKA:

QAYB KA MID AH XALKA:

A) in iskoolada iyo jaamacadaha lagu dhigo xushalay iyo dhibaatada qabyaalada.

B) In la abuuro Hayad si gaar ah loogu xil saaro la dagaalanka qabyaalada.

C) in maamulka la adkeeyo lagana daboolo luuqyada suura galinaya fal qabyaaladeed.

D) Qabiilkaa doonto ahaaw taasi dambi ma ahan ,laakin adigu iska bilaaw la dagaalanka qabyaalada.

E) si loo cirib tiro, in qabiil la haybsooco, waa in qodob dastuuri ah laga dhigaa in Madaxweynaha, Af-hayeenka baarlamaanka ,Raisul wasaaraha shardi looga dhigo marka uu xil isku sharaxayo in uu arooso haween u dhalatay dadka la heyb sooco( ileyn asagaa u dhaartay in dadku u wada siman yahay), dadku waxa ay ku daydaan madaxdooda .

F) iyo wixii aad xal u aragto.

FG. Qoraalkan wixii ka qaldan waad ka sixi kartaa, wixii ka dhimanna waad ku dari kartaa.aragtidaada xor ayaad u tahay.

Qore : Yahya Amir

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip