Ra'iisul Wasaaraha oo ka hor-yimid in Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/Dhexe lagu soo xulo Muqdisho
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay in go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Goboladda Hiiran iyo Sh/Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.
Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Guddiga doorashooyinka looga baahan yahay inay wada-tashi la sameeyaan Odayaasha dhaqanka labada Gobol ee ku jira liiska 135-ta, kadibna natiijada ka soo baxda wada tashigoodana ay u soo gudbiyaan dowladda Federaalka.
"Waxaa u mahad celinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga doorashooyinka 2016, hase ahaatee waxaa rabaa inaan faro oo aan u caddeeyo Guddiga inay ilaaliyaan Go’aanadii lagu gaaray Madasha Wada-tashiga Qaran oo lagu caddeeyay in Go’aan ka gaaridda goobta lagu qabanayo Doorashadda Xildhibaanadda Goboladda Hiiraan iyo Sh, Dhexe oo ahayd mid u taalla Dowladda federaalka Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid oo sidoo kale ah Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa ku booriyay Guddiga doorashooyinka inay wada tashi la yeeshaan dhamaan odayaasha dhaqanka ee ugu jira Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, uguna tagaan goob kasta oo ay joogaan, sidii horay loogu heshiiyey.
Madaxda dowladda ee xilkooda dhamaaday, sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa u dhaxeeya loolan xooggan oo ku aadan doorashada, maadaama ay yihiin Musharaxiin Madaxweyne, waxaana labada dhinac horay uga soo baxay xafiisyadooda qoraalo lidi isku ah.
Ra'iisul Wasaaraha oo ka hor-yimid in Xildhibaanada Hiiraan iyo Sh/Dhexe lagu soo xulo Muqdisho
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa ka hor-yimid soo jeedintii ka timid qaar ka mid ah Oday dhaqameedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee ahaa in Xildhibaanada goboladaas lagu soo xulo magaalada Muqdisho.