Hordhac: Swansea City vs Arsenal: Gunners Oo Dooneysa Iney Hogaanka Kusii Ciriiriso Manchester City

0
Saturday October 31, 2015 - 13:18:12 in Sports News by
  • Visits: 1005
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Swansea City vs Arsenal: Gunners Oo Dooneysa Iney Hogaanka Kusii Ciriiriso Manchester City

    Arsenal ayaa dooneysa iney soo afjarto guuldarooyinkii xiriirka ahaa ee Swansea City kasoo gaaray xili ciyaareedkii lasoo dhaafay waxeyna doonayaan sidoo kale iney nooleeyaan hamiga ay ka leeyahiin horyaalka madama ay haatan hogaanka dhibcaha la wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arsenal ayaa dooneysa iney soo afjarto guuldarooyinkii xiriirka ahaa ee Swansea City kasoo gaaray xili ciyaareedkii lasoo dhaafay waxeyna doonayaan sidoo kale iney nooleeyaan hamiga ay ka leeyahiin horyaalka madama ay haatan hogaanka dhibcaha la wadaagaan Manchester City.

Swansea City mudooyinkii ugu dambeeyay hoos u dhac ayaa ku yimid inkastoo ay guul ka heleen Aston Villa todobaadkii hore.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Swansea City vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Garoonka: Liberty Stadium

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore:Kevin Friend (England)

MAXAA CUSUB?

Wenger ayaa dhibtoonaya madama Chamberlain iyo Walcott ay ku biireen liiska dhaawacyada kooxda kadib markii ay muruqa ka xanuunsadeen kulankii Sheffield Wednesday.

swansea vs arsenal-660x330
Wenger sidoo kale wuxuu maanka ku hayaa inuu Arbacada wajahi doono Bayern Munich kulan ka tirsan Champions League.

Mesut Ozil, Santi Cazorla iyo Alexis Sanchez ayaa dib ugu soo laaban doona safka hore iyadoo Flamini uu sidoo kale filanayo safka hore.

Montero, Gomis iyo Ayew ayaa weerarka Swansea City hogaamin doona iyadoo Sirggurdson, Shelvey iyo Ki ay dhexda maamuli doonaan.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

SwanseaCity:

Fabianski; Naughton, Fernandez, Williams, Taylor; Shelvey, Ki; Montero, Sigurdsson, Ayew; Gomis

Arsenal:

Cech; Bellerin, Mertesacker, Koscielny, Monreal; Flamini, Coquelin; Cazorla, Ozil, Snachez; Giroud

MA OGTAHAY?

Swansea City waxey muujisay awood dheeri ah madama ay afar jeer garaacday Gunners sideed kulan oo ay wada ciyaareen.

Arsenal Gomis ayey dhibane u tahay kaas oo dhaliyay goolashii lagu garaacay Gunners labadii kulan ee xagaagii hore ay isku arkeen horyaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip