Hordhac: Chelsea vs Liverpool: Jurgen Klopp vs Jose Mourinho: Baashalka Reds Waa Dhibaatada Blues

0
Saturday October 31, 2015 - 13:16:32 in Sports News by
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Chelsea vs Liverpool: Jurgen Klopp vs Jose Mourinho: Baashalka Reds Waa Dhibaatada Blues

    Chelsea ayaa gurigeeda Stamford Bridge kusoo dhaweyn doonta dhigeeda Reds kulan soo gali doona waqtiga qadada saacadaIngiriiska, waana kulan saameyn ku yeelan kara mustaqbalka macalin Jose Mourinho ee Galbeedka London.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Chelsea ayaa gurigeeda Stamford Bridge kusoo dhaweyn doonta dhigeeda Reds kulan soo gali doona waqtiga qadada saacadaIngiriiska, waana kulan saameyn ku yeelan kara mustaqbalka macalin Jose Mourinho ee Galbeedka London.

Chelsea waxey raadineysaa guusheedii afaraad ee xili ciyaareedkaan horyaalka Ingiriiska, halka Klopp uu isbuuc dhamaadkii tagay helay guushiisii ugu horeysay waayahiisa Liverpool isago kasoo baxay sadex bareejo oo uu galay ka hor inta uusan guul Anfield Road uga gaarin Bournemouth kulan ka tirsan Capital One Cup.

Labadaan macalin dhowr jeer ayey isku wajaheen koobka horyaalada yurub, waxaase guulo badan Klopp inkastoo ay markaan tahay markii ugu horeysay oo ay isku arkaan cariga Ingiriiska.

Chelsea vs Liverpool
WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Chelsea vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Saacadda: 3:45 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika)

Garsoore:Mark Clattenburg (England)

MAXAA CUSUB?

Inkastoo aan la ogeyn sida uu suuragalka ku noqon karo hadana Diego Costa ayaa doonaya inuu ciyaaro kulankan iyadoo dhaawac dhanka feeraha ah uu soo gaaray dhawaan kulan ay kooxdiisa qasaaro kala kulantay Stoke City. Hadii uusan kusoo bilaaban Costa waxaa fursad heli doona Loic Remy. Dhanka kale Nemanja Matic ayaa kasoo toosi doona ganaax hal kulan ah, halka Cahill iyo Terry ay difaaca dhexe ciyaari doonaan. Hazard, Fabregas, Willian iyo Pedro ayaa la filayaa iney si wadajir ah u ciyaaraan halka Ivanovic uu wali la xanuunsanayo dhaawac muruqa ah.

Dhanka kale kabtan James Milner ayaa dib ugu soo laaban doona Liverpool madama uu ganaax ku seegay kulankii Bournemouth, sidoo kale Mignolet, Coutinho iyo Lallana ayaa la rajeynayaa iney kusoo laabtaan shaxda Klopp. Benteke ayaa la filayaa isna inuu kusoo bilowdo.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Chelsea:

Begovic; Azpilicueta, Cahill, Terry, Zouma; Matic, Fabregas; Willian, Hazard, Pedro; Costa

Liverpool:

Mignolet; Moreno, Skrtel, Sakho, Clyne; Can, Lucas, Milner; Coutinho, Lallana; Benteke

MA OGTAHAY?

Inkastoo ay haatan Blues dhibaato ku jirto hadana kulanka labada naadi iyadaa ku xoog roon marka la fiiriyo kulamadii ugu dambeeyay.

Lixdii kulan ee ugu dmabeeyay labadaan kooxood Blues ayaa guul gaartay sadex jeer halka sadex jeerna ay barbaro galeen.

Liverpool shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen London guul kama soo gaarin Chelsea.

Marka laga reebo in Klopp uu yahay mid ku caanbaxay inuu ka badiyo Mourinho ma jirto sabab kale oo ay isaga tuuraan heeryada kooxdaan, Laba jeer ayuuna horay ugu garaacay Champions League.

Kulankii ugu dambeeyay labadaan kooxood ay wada ciyaareen wuxuu ku dhamaaday (1-1) kulan dhacay bishii May – Gerrard iyo Terry ayaana kala dhaliyay labada gool.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip