RA'YI Geela carab laga qaaday yaa u tol ah?

0
Friday September 23, 2016 - 21:00:50 in Maqaallo by
  • Visits: 1043
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RA'YI Geela carab laga qaaday yaa u tol ah?

    Asxaabta faallaysay qormadii ahayd " Geelii dawladaha khaliijka carbeed waa dhacanyahay ee ma la soo dhicin karaa?" waad wada mahadsantihiin nin gurmad iyo hiil ku baaqay iyo nin hoojin iyo garab ka bax ku dhawaaqayba.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Asxaabta faallaysay qormadii ahayd " Geelii dawladaha khaliijka carbeed waa dhacanyahay ee ma la soo dhicin karaa?" waad wada mahadsantihiin nin gurmad iyo hiil ku baaqay iyo nin hoojin iyo garab ka bax ku dhawaaqayba.

Horta arrintu faallo iyo dareensiin meesha xaal marayo ayay ahayd laakiin faallada rag badani bixiyeen waxaa iiga soo baxday in aan ragga badankiisu xeerka geela waxba ka aqoon; waayo asal ahaan geela waxaa maala ninka iska leh, ciddii uu wax ka maaliyo iyo ciddii soo martida. Intaas waxa dheer waa gaadiid-celis iyo qaaraan qoora-tiris ah oo uu faqiirka ula siman yahay ee sida kale nin walba geeliisa isagaa gaar u intifaacsada, difaaciisa iyo soodhicintiisana waa loo dhan yahay oo tolku kuma kala haro.

Haddaba ragow carab yaysan inoo xoolo-goyn ama kadimo inoo soocine marti-soor iyo neefaf maal ah armaysan soomaali nimanka ka waayin ee aynu abaal-dhacaynaa. Waliba raggii koonfur ku noolaa markii 1992-1993kii abaaraha iyo macaluusha ba’ani dillaacday wax badan bay ogyihiin.

Tan kale qaanuunka geelu waxaa weeye in aan hal tolku leeyahay xero kale xoog ku galin xataa kan lahaa haddii uu ahaa bakhiil aan la martiyin, ninka geeliisa la qaadayna lagama ficil qaato dhaqankiisii hore.


Dhinaca kale geela reer hebel in la qaado oo aan laga dabatagin taariikhda iyo sumcadda tolka ayay dhaawacdaa, waxaana ka dhalanaya in tolkaasi noqdo "ilka doofaar sahansan” oo nin kasta geel u soo doonto maadaama ay noqdeen caanooleey aan rag wax la qaybsan karin.

Nin baa laga sheegay ceebta ninka hebel ah gaawe muggiis baa iiga soo hagaagaysa. Wuxuu ahaa nin ay tol guud yihiin ee ceeb dhigay markaasuu hal xaal ah keenay. Waxaa lugu yiri: maxaa arrintaan ku galiyey?. Wuxuu yiri: ceebta hebel gaawe muggiis baa iga soo gaaraysa ee xaalka qaybtayda iga hooya. Hadda innaga meel kastoo muslin ku jabo ama lugu dulmiyo ceebteeda gaawayaal badan baa inooga soo hagaagaya illaa waa qayb jirkeenii ka mid ahe.

Waxaa intaa sii dheer tolka nin walba geel ayuu leeyahay. Ninkii maanta geeliisa la qaaday haddaan lala soo dhicin berri ninkii kalee laga qaado ciidan heli maayo oo natiijadu waxay noqonaysaa la wada geel la’.

Hab-dhaqanka dadkeena ee geela iyo dhicintiisa ku saabsan wuxuu tusayaa wacyi sare iyo faham dhab ah oo ay ka haystaan heerarka xiriirka bulshooyinka. Taas oo aad dareemaysid in ay kaga horreeyaan in badan oo dadkeena waxbartay ah oo ay ka mid yihiin kuwo diinta bartay; waayo xiriirka muslimiinta ka dhexeeya waa xiriir walaalnimo oo aad isku jir iyo isku naf tihiin, taasna waxay keenaysaa in aan xaaladahaan oo kale la eegin xaqaygii ama wixii aan ka mudnaa miyuu i siin jirey ee la eego maxaan isu nahay haba i xumeeyee.

Tan kale mabaadi’da diinteena waxaa ka mid ah in dulmiga laga hortago cid kasta ha wadee, qofka dulmana loo hiilliyo cidduu doono ha ahaadee.

Midda kale ragga gobta ah cuqdad iyo aarsi luguma yaqaan iyo inay wax ku miisaamaan waxa loo taro ama laga hagrado ee xilka guud ee Alle saaray iyo heerka masuuliyadeed ee laga filayo in aanay ka hoos-dhicin baa muhiim u ah.

Gabagabadii qaanuunka aynu kula dhaqano soo dhicinta geela khaliijka carbeed laftiisa ayaynu kula dhaqmi doonaa soo dhicinta geela soomaaliyeed ee gobol ama qabiil aan keena ahayn laga qaaday ee aynu arrintaas ku baraarugno.

Waxaa Qoray: Sh. Axmed Cabdisamad



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip