Hordhac: Real Madrid vs Las Palmas: Dhibaatada Dhaawac Ee Los Blancos Oo Wali Socota Xili Ay Yahiin Hogaanka La Liga

0
Saturday October 31, 2015 - 13:09:50 in Sports News by
  • Visits: 1206
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Real Madrid vs Las Palmas: Dhibaatada Dhaawac Ee Los Blancos Oo Wali Socota Xili Ay Yahiin Hogaanka La Liga

    Real Madrid ayaa dooneysa iney si taxadar leh usii ahaato hogaanka La Liga marka ay gurigooda ku qaabilaan Las Palmas waxaana qorshaha ugu jira iney badi nasiino siiso ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda madama sadex kulan oo adag ay kusoo wajahan yahii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa dooneysa iney si taxadar leh usii ahaato hogaanka La Liga marka ay gurigooda ku qaabilaan Las Palmas waxaana qorshaha ugu jira iney badi nasiino siiso ciyaartoyda ugu muhiimsan kooxda madama sadex kulan oo adag ay kusoo wajahan yahiin.

Rafael Benitez ayaa si dadban uga dhawaajiyay inuu sameyn doono isku shaandheyn kooxda ah waxaana la filayaa in safka hore kulanka maanta laga waayo xidigo waaweyn iyagoo isku diyaarinaya kulamada PSG, Sevilla iyo Barcelona ee ay la ciyaari doonaan isbuucyada soo socda.

WARBIXINTA KULANKA

Kulanka: Real Madrid vs Las Palmas

Tartanka: La Liga

Garoonka: Bernabeu

Saacadda: 6:00 Galabnimo (Xiliga Geeska Afrika

Real-Madrid-vs-Las-Palmas-660x330
MAXAA CUSUB?

Doorasho badan ayaa u taala Rafael Benitez isagoo ka warqaba inuu si xiriir ah u wajahi doono PSG, Sevilla iyo Barcelona, Keylor Navas ayaana ugu horeeya xidigaha la nasin doono sidoo kalana Sergio Ramos ayaan ciyaari doonin kulankaan.

Kiko Casillas ayaa u muuqda mid kusoo bilaaban doona kulankaan waana kulankii ugu horeeyay xagaagan uu kooxdiisa u safto sidoo kalana Pepe ayaa la filayaa inuu kulankaan kasoo muuqanaayo.

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Real Madri:

Casilla; Danilo, Varane, Pepe, Marcelo; Kroos, Casemiro, Modric; Jese, Ronaldo, Benzema

Las Palmas:

Varas, Garrido, Artiles, Bigas, Simon, El Zhar, Vicente Gomez, Mesa, Araujo, Viera, Tana

MA OGTAHAY?

Tan iyo 2000 Real Madrid iyo Las Palmas waxey kulmeen kaliya afar kulan, Los Blancos sadex jeer ayey badisay, halka Las Palmas ay guul taariikhi ah ku hor gaartay Jamaahiirteeda Octoebr 2001 markaas oo ay 4-2 ku badiyeen.

Real Madrid 15-gool ayey dhalisay afartii kulan ee ay la ciyaartay Las Palmas, 7-ka mid ah waxey dhaliyeen kulankii ugu dambeeyay




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip