Hordhac: Inter Milan vs As Roma: Nerazzurri Miyaa Hoganka La Wareegi Doonta? Mise Giallorossi Ayaa Hogaanka Dhereysan Doonta?
Kulanka: Inter Milan vs As Roma
Tartanka: Serie A
Garoonka: San Siro
Saacadda: 10:45 Habeenimo (Xiliga Geeska Afrika)
MAXAA CUSUB?
Roberto Mancini wali ma uusan helin daafaca rug cadaaga ah ee Serbia Nemanja Vidic sidoo kalana Felipe Melo ayaa ganaax kaga maqan.
Sidoo kale Roma waxey weyneysaa kabtan Francesco Totti iyo xidigii hore Barcelona Seydou Keita halka Strootman uusan wali helin soo kabsasho taam ah.
MA OGTAHAY?
Afartii kulan ee ugu dambeysay Inter Milan waxaa laga dhaliyay kaliya laba gool.
Sideedii kulan ee ugu dambeysay oo ay ciyaareen labada kooxood Inter Milan ayaa kaliya badisay hal jeer waxeyna aheyd April sanadkaan markaas oo ay 2-1 ku badisay, sidoo kale Roma 4-jeer ayey badisay halka 3-jeerna ay barbaro galeen.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Inter Milan:
Handanovic; Santon, Ranocchia, Miranda, Juan Jesus; Brozovic, Medel, Kondogbia; Perisic, Icardi, Ljajic
AS Roma:
Szczesny; Maicon, Manolas, Rudiger, Digne; Florenzi, Nainggolan, Pjanic; Gervinho, Dzeko, Falque
Hordhac: Inter Milan vs As Roma: Nerazzurri Miyaa Hoganka La Wareegi Doonta? Mise Giallorossi Ayaa Hogaanka Dhereysan Doonta?
Inter Milan ayaa gurigeeda kusoo dhaweyn doonta kooxda As Roma iyadoo guul ay gaarto ay ka saacidi karto iney hogaanka horyaalka u qabato. Kooxda Roberto Mancini ayaa ku jirta kaalita afaraad ee horyaalka balse waxey dhibco wadaag la tahay Fiorent