Real Madrid Oo Dooneysa Inay Soo Ceshato Jose Mourinho, Waxayna Doonayaan Inuu La Yimaado Eden Hazard.

0
Saturday October 31, 2015 - 13:04:39 in Sports News by
  • Visits: 1040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Real Madrid Oo Dooneysa Inay Soo Ceshato Jose Mourinho, Waxayna Doonayaan Inuu La Yimaado Eden Hazard.

    Jose Mourinhoayaa lala xiriirinayo inuu si lama filaan ah ugu laabanayo kooxda reer Spain ee Real Madrid sida ay maanta qortay jariirada Daily Mirror. Waxaana sidaasi sheegay madaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon kaasoo sidoo kale xaqii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinhoayaa lala xiriirinayo inuu si lama filaan ah ugu laabanayo kooxda reer Spain ee Real Madrid sida ay maanta qortay jariirada Daily Mirror. Waxaana sidaasi sheegay madaxweynihii hore ee Real Madrid Ramon Calderon kaasoo sidoo kale xaqiijiyay in kooxda reer Spain ay sidoo kale dooneyso Eden Hazard.

Calderon ayaa weli si aad u wanaagsan ugu xiran Real Madrid, waxaana uu sheegay in madaxweynaha haatan Florentino Perez inuu xitaa isku dayaya inuu Mourinho soo celiyo xagaagii la soo dhaafay, iyadoo Rafael Benitez uu ahaa dooqiisa afaraad.

Mourinho wuxuu ka tagay Madrid 2013kii ka dib seddex sanno oo uu joogay kooxda isagoo waayihiisa Real Madrid ku soo gabagabeeyay si muran uu ku jiro.

Laakiin Calderon ayaa wareysi kashifaad ah uu siiyay beIN Sports waxa uu ku yiri: "Haddii uu ka tago Chelsea, waxaan qabaa in Perez uu xaqiiqdii isku dayi doono inuu ku soo celiyo Real Madrid.



PAY-Jose-Mourinho-and-Eden-Hazard

"Perez wuxuu isku dayay inuu sidaasi sameeyo xilli ciyaareedkan. Ma uusan awoodin sababtoo ah Mourinho ayaa diiday inuu soo laabto. Waxa uu sheegay inuusan u dooneynin shaqada siyaabo kala duwan, ka dib Perez wuxuu aadan Joachim Low macalinka Jarmalka ka dib Jurgen Klopp markaas ka dib ayuu la xiriiray Benitez.

Jose-Mourinho

"Runta waxa ay tahay Benitez waxa uu ahaa dooqa afaraad ee Real Madrid. Waxaan qabaa inuu Pere weli isku dayayo inuu soo celiyo Mourinho. Aad ayuu u jecel yahay runtii.”

Isagoo ka hadlayay xiisaha Real Madrid ee Eden Hazard, waxa uu yiri: "Isha ayay ku hayaan isaga inta aan ka warqabo isagana maya ma uusan oran. Waan sugi doonaa waana arki doonaa”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip