Dagaal Khasaare geystay oo Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray Gobolka Galgaduud
Cabdi Xasan Biyo Quute Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay dagaalkaasi in lagu dilay saddex nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Wuxuu sheegay meydadka saddexda nin ee Shabaabka ka tirsan inay yaalaan goobtii lagu dagaalamay, isaga oo intaasi ku daray dhanka ciidamada Dowladda hal askari inuu kaga dhaawacmay dagaalkaasi.
"Walaal dagaal ayeey ku soo qaadeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom oo howlgal ka wada inta u dhaxeysa Dac iyo Ceelbuur, marka iyaga unbaa Khasaare lagu gaarsiiyay saddex nin ayaa laga dilay meydkooda meesha ayuu yaalaa, wax la qarinaayo ma jirto anaga hal Askari ayaa naga dhaawacmay.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Ceelbuur.
Shabaab ayaa sheegtay inay la dagaalameen ciidamo ka soo ambabaxay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo sahay u siday sida Shabaabka ay sheegeen ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Ceelbuur.
Xaalada goobihii lagu dagaalamay ee Gobolka Galgaduud ayaa ah mid degan, Shabaabkuna waxa ay sheeganayaan guulo inay ka gaareen dagaalkaasi.
Dagaal Khasaare geystay oo Shabaab iyo ciidamada Itoobiya ku dhexmaray Gobolka Galgaduud
Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya maanta Barqadii inuu halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Ururka Al Shabaab iyo ciidanka Itoobiya oo Amisom ka tirsan. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Ururk